Aradayda Galmudug Ee Wax Ka Barata Dalka
Norweyn Oo Deeq Lacageed Gaarsiiyay Dad Ku Tabaalayasan Magaalada
Gaalkacyo iyo Hareeraheeda Ee GalMudug State
Dhalinyaro udhalatay deegaanada dawlad
goboleedka Galmudug State kuna nool dalka Norweyn isla markaana ka mid
ah aradayda wax ka barata jaamacadaha dalkaas norweyn ayaa waxaay deeq
lacgeed soo gaarsiiyeen dadka taagta daran ee dhibaatooyinka dhanka
nolasha ah ay ku haystaan magaalada Gaalkacyo iyo dhul baadiyo ah oo ku
hareerayasn.
Deeqadan lacgeed ayaa ardayda jaamacadaha ka dhigata Norwey waxa ay ugu
soo wakiisheen si dadka dhibaataysan loogu qaybiyo Ururka haweenka
MIDNIMO ee Galmudug state oo ah urur ka shaqeeya hor’umarinta haweenka
dahilinyrada iyo dadka dhibaatada ay haysto
Wasiir ku xigeenka ganacsiga Galmudug ahna gudoomiyaha ururka haweenka
gobolka mudug marwo xabiibo Max’d Cabdi {Koofurow} ayaa hobyoradio
usheegtay in deeqdaa lacgeed ee dhalinyarada Norwey ay soo direen ay
tahay lacag dhan $1200 {kun iyo laba boqol}oo doolar Ururka Naafada oo Lacag loo qaybinayo
Marwo Xabiibo koofurow iyo xubno ka tirsan ururka haweenka Midnimo ayaa
deeqdaas u qaybiyayay dhawr boqol oo qoys oo dhibaatooyin nololeed ay
haystaan iyo kuwo cuuryaan ah oo ay ka mid yihiin kuwo lugaha la’,kuwo
indha la; iyo dad badan oo bukaan ah kuwo maskaxda looga jiro ama
waalana ay ku jiraan.
Daka deeqda la gaarsiiyay ayaa qaarkood ay degan yihiin meel duleedka ka
ah magaalada Gaalkacyo oo aqalo xooshdo iyo baco ka samaysan ku jira
waxa ayna dakaasi ubadan yihiin dadka ka soo barakacay colaadha iyo
dagaalada ba’an ee ka jira magaalada muqdisho waxaana qoysaskaasi
dhibaato nololeed ay ku haystaa duleedyada magaalada Gaalkacyo maadaama
aysan gudaha magaalada guri iyo meel ay hoy ka dhigtaan aysan ku lahayn
Dhamaan dadka deeqda lacgeed la gaarsiyay ayaa aad ugu farxay waxa ayna
dhalinyarada Galmudug ee dalka Norwey soo direen duco iyo amaan
iyo in ilaah ajar ka siiyo mid ka qayr badna ugu badlo.
Ma ahan markii ugu horaysay oo deeq caynkaan ah la soo gaarsiiyo dadka
ku dhibaataysan magaalada Gaalkacyo iyo daafaheeda waxaa kal hore deeq
sidaan oo kale ah soo diray gabdhaha ururka tawakal ee dalka Norwey oo
deeq lageed soo gaarsiiyay daka dhibaatda nololeed magaalada Gaalkacyo
ku haysto
Waxaaana talaabdaan deeqha isdaba jooga ah ee bahda Galmudug ee dalka
norwey si weyn usoo dhaweeyay dhamaan qaybaha kale ee bulshada reer
Galmudug oo ku tilmaamay mid ku dayasho mudan loogana baahan yahay
jaaliyadda dibadda oo dhan in ay ku daydaan sidii wax loo tari lahaa
dadakaasi oo aysan kaafin ka rin deeqha hadda la soo gaarsiiyay oo aad
uga yar kaafinta baahidooda marka laga eege dhibaatda haysta dadkaasi Nin Jiran oo meel cidlaah Gaajo lajiifa oo
malaysan waayay dad iska socda oo lacag siinaya Nin Buro kutaalo oo lacag lasiinayo
Cabdalla M.C/lle
CodkaMudug Galkacyo
GalMudug Satate
SOMalia
Mobil:002529 752260