Kulan
ay maanta isgu yimaadeen qeybaha kaladuwan ee Galmudug ayaa looga
hadlay sidii ay u howl gali laheyd Dowladda Hoose ee dowlad gobaleedka
Gal mudug ayaa manta kadhacay Xarunta Dowlada Hooese

Kulankaan oo looga hadlayay
sidii looqaadi lahaa canshuuraha laga qaadayo bushada qaybaheeda kala
duwan ayaa waxaa shir gudoon ka ahaa duqa dagmada gaalakcyo Siciid
Salaad Cilmi (Siciid Bul Bul) taliyaha qaybta boliiska gobolka Mudug ee
Galmudug Maxamed Nuur cali Gadaar agaasimaha guud ee wasaarada arimaha
gudaha Galmudug korneel Cabdulaahi Ciro wasiir kuxgeenka ganacsiga
Galmudug marwo Xabiibo Koon Furrow iyo masuuliyeen kale.

Duqa dagmada gaalkacyo
Siciid Bulbul ayaa ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada inay kala
shaqeeyaan maamulka dowlada hoose howlaha canshuura aruurinta .nadaafada
iyo hormarinta deegaanka.
Marwo Xabiibo Koonfurow oo
ah wasiir kuxigeenka Ganacsiga Dowlad gobaleedka Gal mudug oo kulan kaa
ka hadashay ayaa sheegtay in ganacsatadooda ay diyaar uyihiin inay wax
la qabtaan maamulka dowlada hoose ee Galmududg.

Sidoo kale waa halkaasi
kahadlay Afayeenka Dawlad gobaleedka
Galmudug Axmad Maxamad (Baasto) oo maantay shir jaraaid ku qabtay
xafiiskiisa magaalada Gaalkacyo ayaa wax laga xumaaday ku til maamay
warqado lagu daadiyey magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug.
Axmad Maxamad Baasto oo ah afayeenka Dowlad Gobaleedka Gal mudug oo
maantay xafiiskiisa magaalada Gaalkacyo isugu yeeray Saxaafadda iyo
wabsedyada ka howl gala dhinaca Gal mudug ayaa wax laga xumaada ku
tilmaamay warqado maalintii shalay lagu soo daadiyey magaalada Gaalkacyo
iyadoona wabsedyada qaarkood lagu soo qoray.

Afayeenka ayaa sheegay warqadaha wixii ku qornaa in ay ahaayeen
kuwa si aad ah ay uga caroodeen isla markaana loo baahan yahay in
Nabadda gobalka laga wada shaqeeyo ayuu yiri Mr (Baasto )
Sidookale afayeenka Galmudug ayaa eedeen kulul dusha kaga tuuray (
CadaMuuse Xirsi) oo lagu sheegay in uu ku saxiixnaa war qadahaasi
kasoobaxay xafiiskiisa aysan aheyn war masuuliyadeed taana ay cadeyneyso
fashil siyaasadeed oo ku yimid maamulkiisa.
Ugu danbeyntii Afayeenka Galmudug ayaa tibaaxay in ay jirto is qa
qabsi udhaxeeya maamulada Gal Mudug iyo kan puntland kaas oo kabi lawday
gacan ku heynta Xaafad kamid ah xaafadaha ay maa mulaan Dowlad
Gobaleedka Galmudug.
|