Dahabshiil-Gif
 
|

Ahlusunna Oo Sheegtay In Ay Fulin Doonto Heshiiskii Guriceel

ahlusunasaxMaamulka Ahlusunna Waljameeca ee Gobalada Dhexe ayaa sheegay in ay fulin doonaan heshiis shalay degmada Guriceel ay kula gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sii hayaha guddoomiyaha fulinta ee Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xuseen ayaa sheegay in loo baahan yahay nabad ay ku wada noolaadaan dadka degan gobalada dhexe, gaar ahaan gobalka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in ay rajo ka qabaan in qodobadaan lagu heshiiyay inay noqdaan kuwa dhaqan gala oo aysan noqon heshiisyo horay ay u kala saxiixdeen Ahlusunna iyo dowladda Federaalka ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhankooda ay ka go’an tahay nabad ka dhalata degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Shalay ayaa degmada Guriceel waxaa heshiis ku kala saxiixday mas’uuliyiin ka socotay Ahlu-sunna Waljameeca iyo sidoo kale wasiirka gaashaandhiga dowladda Federaalka Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ka dib dagaallo kusoo laab laabtay degmadaasi.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news