Dahabshiil-Gif
 
|

Al-Shabaab oo ka hadlay dilalka Xildhibaanada Baarlamaanka

Cali-dheere--2wlkzczr4oizmrfwmldg5m

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ka warbixisay sababta ay u gaarsadaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka kooxdaas, Cali Maxamed Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay dilka labo xildhibaan oo lagu dilay  magaalada Muqdisho labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Wuxuu sheegay in sababta ay u beegsanayaan xildhibaannada baarlamaanka ay tahay in ka ka leexdeen sharciga alle oo ay keensadeen sharci iyaga ay dajiyeen sidda uu yiri.

“Sababta aan u beegsaneyno xildhibaannada waa kuwa dajiya sharci aan ahayn kii illaah oo waxa ay doonayaan in sameeyaan sharci ay wataan,waana taas midda aan diiddanahay, oo waaba kuwa ugu horreeya ee aan beegsaneyno,” ayuu yiri Cali Dheere.

Wuxuu ku goodiyay in ay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, isagoona maleeshiyaadkooda ku dhiirigaliyay in ay meel kasta ku bartilmaameestaan oo ay ku dilaan.

Wuxuu ku faanay in aysan jirin cid ka hor istaagi karta ama ka celin kasta xildhibaannada baarlamaanka in ay ku beegsadaan meeshii ay doonaan.

“Haddii ay is leeyihiin waxaa idinka celinaya AMISOM iyo ciidammo kale, waxaan u ogeysiineynaa in madaxtooyada Villa Somalia la weeraray lagu dilay taliye ku-xigeenkii AMISOM  iyo falal kale oo Muqdisho laga geystay,” ayuu markale yiri afhayeenka Al-Shabaab.

Hadalka Cali Dheere ayaa ku soo beegmaya iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho lagu dilay labo xubin oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news