Dahabshiil-Gif
 
|

Al-shabaab oo sheegtay qaraxii ka dhacay Jabuuti

Xarakada Shabaab ayaa sheegatay qaraxii ka dhacay dalka Jabuuti, kaasi oo ay ku dhinteen dad badan, tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Qaraxaas ayaa waxaa sida la sheegay fuliyay nin iyo xaaskiisa, kuwaasi oo naftooda halligay, dad badanna galaaftay.alidheere1

Cali Maxamuud Raage Cali Dheere, Afhayeenka Guud Ee Al-Shabaab oo Warbaahinta ururkiisa shir jaraa’id u qabtay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxyadaas ay iyagu ka dambeeyeen isla markaana ay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen saraakiil badan oo Nato ka tirsan kuwaas oo uu sheegay in 30 in ka badan ay ka dileen, ayna ku jireen labo sarkaal oo ujeedka weerarku ahaa kuwaas oo u dhashay Dalka Faransiiska sida uu hadalka u dhigay.

Cali Dheere ayaa waxaa uu u gooddiyay Dowladda Faransiiska oo uu ku eedeeyay in ay dhibaato ku hayso Muslimiinta Dalka Afrikada Dhexe iyo Soomaaliya oo ay weerarro ka geystaan, waxaana uu Carrabka ku dhuftay in ay Ugaarsan doonaan Mawaadiniinta Faransiiska. Waxaa kale oo uu digniin u diray Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar geele oo uu ugu goodiyay in ay ku daba joogaan sidii ay u dili lahaayeen.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news