Dahabshiil-Gif
 
|

Allaha unaxariistee Wariye C/rizaaq Cali Silver oo lagu aasay Gaalkacyo.Sawiro

Alle Ha U Naxariiste waxa maanta duledka magaalada gaalkacyo lagu aasay Meydka  Wariye C/rizaaq Cali Cabdi Silver oo xalay Kooxo hubaysan ay dileen Gob lagu Cabo shaaxa oo ku taala waqooyiga magaaladaasi.

Wariye C/rizaaq Cali Cabdi Silver ayaa ka tirsanaa Jiray Idaacadda Daljir xarunta ay ku leedahay Gaalkacyo,waxaana uu ahaa Wariyaha Horn Cable Tv uga Warrama Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Aaska loo sameeyay Meydka Marxuumka ayaa waxaa ka soo qayb galay Culimaa’udiin,Maamulka Gobalka Mudug,Maamulka Degmadda iyo dadweyne aad u faro baddan.

Marxuumka ayaa xalay lagu dilay Xaafadda Daraawiish,waxaana ilaa hadda aan jirin cid loo soo qabta dilka loo gaystay Wariye C/rizaaq Cali Cabdi Silve.Meydka-Wariye-Silfer.1-jpgwarMeydka-Wariye-Silfer.2-jpgMeydka-Wariye-Silfer.3-jpgMeydka-Wariye-Silfer.4-jpgMeydka-Wariye-Silfer.6-jpgMeydka-Wariye-Silfer.9-jpgMeydka-Wariye-SilferMeydka-Wariye-Silfer.10-jpgMeydka-Wariye-Silfer.8-jpg

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news