Amaanka Deegaanada Galmudug oo Hooseeya iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska Galmudug oo wili Darajooyin u ciil qaba
Saraakiisha Ciidanka Booliska Galmudug inta ay ka talinayeen arimaha ciidanka Boliska Galmudug waxaa deegaanad Galmudug ka soconayey howlo amaanka lagu qal-qal galinayo waxaana maalinkasta dhaca falal lidi ku ah Amaanka.
Mararka qaar waxaa la arkaa goob lagu dhacayo dad masaakiin ah laguna baaranayo Gawaarida jidka maraysa taas oo aad arkayso askari agtaagan ama xarun boolis oo aaga ka dhow ciidnaka halkaas ku suganyihiin islamarkaana aysan wax dareen ah kamuujinayn falka dhacay ee ka dhacaya aga gaarka Xaruntooda .
Bulshadu Galmudug badi waxa ay aaminsantahay tahay in ciidanka iyo Taliye yaashooda aysan daacad ka ahayn howsha bulshada Galmudug ka sugayso oo ah in Bulshadu hesho amaan la isku halayn karo
Midka mid ah dhalinyarad Galmudug eek u nool Degmada Gaalkayo oo u kuur galay Hab dhaqanka Ciidanka Booliska Galmudug iyo Madaxdiisa ayaa wargayska Xidiga u sheegay in Dowladnimada ay kala weyntahay Qabiileysiga iyo ee xaysiga waana dad dhalinyaro ah ayuu yiri oo aan aqoonta Ciidanka iyo Wadaninimadu ku yartahay oo aan aad ula socon mincana Dareyska ay xiranyihiin howshuna katahay mar un mushuur amaad ku heshaa hadaad kuweydana aad ku qaraabataa Waxaana arkaysaa mararka qaar la arko madaxda Ciidanka Booliska oo u ku ficiltamaya Cuno Darajo aysan muteysan iyo hababiil mana ahan Astaamaha lagu yaqaano dhaqanka Ciidanka Soomaaliya iyo midka aduunka

