Dahabshiil-Gif
 
|

AMISOM”Cornel Xumud Xilka Loogama Qaadin Weerarkii Xalane”

AFHAYEENE

Danjiraha Midowga Afrika  ee Soomaaliya, Mamadu Siduku oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta Ciidamada AMISOM Ee Xalane Ayaa  ka hadlay Xilka qaadistii lagu sameeyay Afhayeen Cali Aadan Xumud,waxaana uu sheegay in Xumud aan xilka looga qaadin Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta Xalane islamarkaana uu Waqtigiisu uu dhamaaday.

Danjire, Mamadu Siduku Ayaa Xusay in Afhayeen Xumud uu waqtigiisu ku ekaa Dhamaadkii Sanadkii tagay ee 2014-ka.

Cali Aadan Xumud ayaa Xilka Afhayeenimo Ee AMISOM Waxaa loo magacaabay sanadkii 2012.iyadoona Taliska AMISOM Ay shaaciyeen in Xilkaasi laga qaaday,inkastoo Xumud uu sheegay in aan lagu wargalin Xilka qaadista lagu sameeyay.

XAFIISKA WARARKA-RADIO CODKAMUDUG

WQ: Hanad Abdi Faarah

Nagalasoo Xiriir

Codkamudugfm@gmail.com Ama

Hanadnasta@gmail.com Ama

Tell:+252907603456

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news