Dahabshiil-Gif
 
|

Axmad Baasto “” Safarkeena Muqdisho Waxa Badan aya Noo Qabsoomay “

qq

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Dowlad Gobaleedka Galmudug oo Wali Ku Sugan Caasimada Soomaliya ee Muqdisho ayaWaxa uu Sheegay in ay Wax Badan u Qabsoomeen inta ay ku Sugan Yihiin Magaalada Muqdisho isla Markaana ay Kulan la Qaateen Madax ka Tirsan Dowlada Fadaraalka Soomaliya iyo Sidoo Kale Qaybaha Kala duwan ee Bulshada Muqdisho ee Daneeya Horumarka Deganada Dowlad Gobaleedka Galmduug.

Waxa uu Sheegay in Dowlada Galmudug Mudadii ay Jirtay Ay Gaartay Guulo wayn oo Beesha Caalamka ay arkeen in Shacabka Galmudug ay Yihiin Dad Wax Qabsanaya isla Markana Diyaar u ah in ay ka Qayb Qaataan Sama tabixinta Shacabka Soomaliyeed iyo Toosinta Dowlad Soomaaliyeed oo loo Dhan Yahy .

Hadalkan aya Waxa uu yimid ka gadaal Markii wafdi uu Horkacayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug ay Gaareen Magaalada Muqdsho Halkaasi oo ay ku Soo Dhaweeyeen Xubno ka Tirsan Baarlamanka Dalka.

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news