Dahabshiil-Gif
 
|

Axmed Macalin Fiqi“Saraakiisha xiran Waalidkooda iyo Xaasaskooda Ayay Ku Waayeen La Dagaalanka Alshabaab”

fiqi

Axmed Macalin Fiqi Agaasimihii hore ee hay’adda nabad suggida qaranka Kana Mid Ah Musharixiinta Utaagan Qabashada Xilka Madaxtinimo Ee Maamulka Loo Sameenayo Gobolada Mudug iyo Galguduud Ayaa sheegey in saraakiisha 11-ka ah ee loo xirxirey qarixii Hoteel SYL uu isaga si shaqsiyan u yaqaano, islamarkaasina intii ay dagaalka kula jireen Alshabaab ay ku waayeen xubno muhiim oo qoyskooda ka mid ah.

Waxa Uu Yiri“Waxaa ku jirey saraakiil aan aqoon u leeyahay, oo nabad suggida ka tirsanayd oo ahaa rag aad u shaqayn jirey, shaqada ku dhibtoodey, oo dhibaatada Alshabaab waalidkood iyo xaasaskooda ku waayay, iyaga laftoodana dhaawacyo culus ay kasoo gaareen”

Waxa uu ka magacaabay Xasan Daahir Seed iyo Mahad Koroow oo uu sheegey in waalidiintood iyo xaasaskooda ay Alshabaab leysey “Nin Mahad Koroow La yiraahdo, Xasan Daahir Seedna waa ka mid, Xasan waxaan ogaa in aabihiis iyo qoyskiisa shaqada uu nabad suggida la hayay darteed loosoo weeraray, aabihiis ayaa la diley, kadib walaalkiis la dhaawacay, qoyskiina banaanka ayuu ula baxsaday, isna gaari ayaa qarax loogu xirey oo uu ku dhaawacmay”

Sidoo kale waxa uu sheegey in Xasan uu la mid yahay “Xasana waa la mid, xaaskiisii iyo isaga oo guri wada jooga ayaa lasoo weeraray, xaaskii ayaa meesha ku dhimatay, isna dhaawac culus oo uu isbitaal la jiifto ayaa la gaarsiiyey, marka raggaasi guud ahaan aniga waan aqiiney, meel iyo si ay Alshabaab ola shaqayn karaana ma aqaano”.

Waxa uu dhaliiley qaabka ay dowladda u maamushey xarigga saraakiisha “Tuhun waa jiri karaa laakiin in rag saraakiil ah sidaasi loo buunbuuniyo oo la yiraahdo Alshabaab ayay gacan siinayeen waxa ay qalqal galineysaa amniga iyo kalsoonida ay dadka ku qabaan laftooda, si hoose in loo baaro waa ay ahayd, in ciddii laga shakiyo illaa jeneraalka u weyn iyo kan u hooseeya qof tuhun ka weyn ma lahana inta la baaro si hoose waa ahayd, laakiin qaabka hadda saxaafada loosoo galiyey iyo qaabka loo buunbuuniyey intuba waxay samaynayaan in kalsoonidii dadka ay ku qabeen hey’adaha amniga, hey’adaha amniga laftoodana waxa ay ku abuureysaa qalqal’, marka aniga waxaan qabaa in sida Kiiskan loo maamuley oo laa qaadaa dhigey in si kale loo dhigi karay”.

Axmed Fiqi ayaa waxa uu ka mid noqonayaa madax sarsare oo horey xilal dalka oga soo qabtay oo siyaabo kala duwan uga hadlay xarigga saraakiisha.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news