Dahabshiil-Gif
 
|

Baarlamanka Soomaaliya oo Xukumadda ku wareejiyay mooshinkii laga keenay Saldhigga Milatari ee Ber Bera.

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka dooday ajandayaal oo ay kamid ahaayeen Arinta muranka badan dhalisay ee saldhigga imaaraadka ee ber bera iyo in la keeno Xildhibaanadii badali lahaa Xildhibaan C/laahi Maxamed Cali (Sanbaluulshe) oo noqday taliyaha Nabad Sugidda qaranka iyo Xildhibaan kale oo katirsanaa baarlamanka soomaaliya oo geeriyooday

Xildhibaanada soomaaliya ayaa dood dheer kadib xukumadda ku wareejiyay mooshinkii laga keenay saldhigga ber bera iyagoo ku amray in ay ka keento Faah Faahin buuxda iyo in ay soo cadeyso Heshiiskaasi ber bera ee dowladda Imaaraadka, waxayna dib udhigayn baarlamanka ka doodida mooshinkaasi ilaa inta ay faah faahin ka keeneyso xukumadda soomaaliya.

Dhinaca kale gudoomiyaha baarlamanaka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ka codsaday Gudiga dastuurka qaranka in ay doorasho galiyaan qofkii badali lahaa Xildhibaan C/laahi Maxamed Cali (Sanbaluulshe) oo loo magacaabay Taliyaha ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka soomaaliyeed.

Dastuurka dalka ayaa sheegaya in uusan Xil aan aheyn Hay’adda Fulinta qaban Karin qof katirsan baarlamanka soomaaliya hadii uu loo magacaabana xil kale dastuurka dhigaayo in booskiisa xildhibaanimo lagu badali Xildhibaan cusub.

Sidoo kale baarlamanka soomaaliya ayaa dalbaday in booskiisa la buuxiyo xildhibaan kale oo katirsanaa baarlamanka dalka oo geeriyooday Kadib xaalad caafimaad darro oo soo wajahday .

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news