Dahabshiil-Gif
 
|

Bandow Lagu Soo rogay Gobolka Waqooyi Barri Ee Kenya

Keeenya

Kadib Weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Jaamacadda Magaalada Gaarisa oo ay heystaan wax ka badan 12 Saac ayaa dowladda Kenya waxa ay Bandow kusoo rogtay Gobolka Waqooyi Barri Kenya.

Bandowga ayaa la filayaa inuu maanta oo Jimce ah taariikhduna ay ku beegan tahay 3/4/2015-ka uu si rasmi uga hirgalo Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Wasiirka ammniga gudaha ayaa sheegay in Bandowga ay kusoo rogeen magaalooyinka Gaarisa,Wajeer,Mandhera iyo Tana Riva kaasi oo uu sheegay in uu ka bilaabanayo maqribka uuna ku egyahay salaada Subax.

Magaalada Gaarisa ayaa maanta ku Waabariisatay xaalad Murugo ah,xilli Weerarka lagu qaaday Jaamacadda ay ku dhinteen 147-qof,halka 80-kalena ay ku dhaawacmeen,waxaana dadka dhaawaca culus uu soo gaaray loo qaaday magaalada Nairobi.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news