Dahabshiil-Gif
 
|

Barakacayaasha Ku Nool Galmudug oo Xaalad Nolol Xumo ay Soo Wajahday

1

Barakacayaasha Ku Nool Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Galmudug aya Xiligan Waxa ay Ka Cabanayaan Xaalad Nolol Xumo oo Soo Wajahday kadib Markii Baracayaasha ay Sheegeen Sanadkii Tagay ay Dhibaatooyin kala duwan ay Soo mareen Baracayaasha iyagu ku Nool Magaalada Gaalkacyo Gaar ahaan Dhanka Koonfuureed .

Waxa ay Shegeen in Baracayaasha ay Xiliyada Qaar la Kulmaan Dhibaatooyin Kala duwan oo intooda Badan soo Wajaha Haweenka Baracayasha Ah Waxaana ay Sheegeen in Ay La Kulmaan Xad Gudubyo Kala duwan Mararka Qaar

Sanadkii Tagay ayaa Magaalada Gaalkacyo Waxa ka Dhacay Dhibaatooyin Kala duwan oo loo Gaystay Barakacayaasha Gaalkacyo waxaana Qaar ka Tirsan Gudoomiyaasha Kaamamka Gaalkacyo ay Rajo wanagasan ka Muujiyeen Sanadka Cusub iyo Nolasha Barakacayaasha Ku Nool Magaalada Gaalkacyo

Waxyaabaha Ugu Badan ee ay Barakacayaasha ay ka Cabanayaan Ayaa Waxa ka Mid ah Caafimad daro haysato caruurtooda, biyo nadiif ah oo aysan helin iyo Sidoo Kale Hoy La,aan

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news