by Marwo SAHRA SH.CILMI(Barkhadle)
Buraanburkan Qiimaha weyn leh.Xikmad iyo Nuxurka
Wadaniyadeedka Xambaarsan waxaa Tirisay
Muwaadinad Somaliyeed ku caan ah Dareenka
nool,Damiirka iyo Qiirada
Wadaniyadeed-Marwo-SAHRA SH.CILMI oo ka
dhiidhiday kana gubaneeysa Xaalada Dalkeena
Hooyo Waqtigan ku Sugan
yahay,Tacadiyda,Xasuuqayad iyo Fara-Xumeeynta
Haweenka Somaaliyeed,Bara kicinta Bulshada
Rayidka ah oo eey Habeen iyo Maalinba
geeysanaayaan Gumeeysigga iyo Kuwa Shaqaalaha u
ah(maryo calasta ah).
Sahro waxeey dhiiri gelineeysaa Ummada
Somaaliyeed oo Cudurka Qabyaalada ,Qabqablle u
hiilinta,kala Qeybintu Halkaas dhigtay,Maanta ku
jira Gacanta Gumeeysiga Madow Wayaanaha
Injirleeyda ah iyo Qaba-qaadyada Dowlad ku
Sheega ah,Gun-nimadda Doortay,Karaamada iyo
Xurmadda Magaca Somaaliyeey
ceebeeyeey-Maxaabista Baydhaba ku Bahdilan-Marwo
Sahra Mahadsanid-Ummada Somaliyeedna Weey ku
Tusaale qaadan doonaan Buraanburkaaga Qiimaha
weyn,Dalka Hooyo dib ayuu u hanaan Xoriyad
Buuxda iyo Helidda Dowlad Cadaalad leh iyo
Hogaan Geesi ah,Daacad ah,Diinta iyo Dalka
Difaaca,Dadkana Daryeela-Inshaa Allah.
http://www.youtube.com/watch?v=yxsHZYbJczs
Buraanburkii Abwaanadda-Sahra Sh.Cilmi:-
1.salaan macaanoo sareeyso sadriga ka timid,
saluug lahayn baan dhamantina idinka simay.
2.bisinkaan ka bilaabayaa baaqi ina faree, ee
burburka nagu dhacay rabiyo waa mid baaxad wayn,
oo beeshii caalamkuna bushimahay naga xirteen,
ee birmad xagaagaa ilaah baaqiyoow na
sii.(aamiin).
3.adaan kuu cabanayee caadilow ilaah, qofkii aad
caawintaan rabin cudud kalee, ee culayska nala
dagay ilaah caadil naga dul qaad, oo culayska
nagu dagay rabiyow caadil naga dul qaaaaaaad.
4.dambiyadii aan galnaa keenay daqaradee, oo
dibin daabyadaan wadnaa keenay daqaradee, oo
diinta aan daayacna keentay daqaradee, war cafis
ilaah doona oo daa,im wada baryooooy.
5.jihaadka ragaa ku jiroo jidda hore fadhiya, oo
janada rabbi tiigsanaayow ha joogsanina, ilaa
janankooda lagu jiido jidadka xamar, oo
tigreeguna wada jaboo jaanta wada rogaaaan.
6.hadaad is gaashan sataan gaalka gaamuroow,
nagama guulaysataan goobta layku helo,amxaarka
waa gubi naqaan guusha waan helaa ,waa ragaad
garanaysid iyo geesiyada la hubo, godeey kugu
geeyey orod meelahaad garee, oo guluf colaad
kiciya meeshey mar soo galaan, guluf colaad
qaada meeshey mar soo galaan, ee melez garaad
laawe colaadaad la gaardinee, armeey gaartaayo
geeskoo dhan wada gubtaa.
7.amxaarku nama soo abaareeno waa ogyahay, addis
inaan orod ku geeynayno waa ogyahay, inaan ka
adkaano eryoonayno waa ogyahay, ee ameericaa noo
afduubaysa waa ogyahay, eedna inay naga galeen
waa ogsoonyihiin.
8- hadaadan weer weerin oo aadan weero xiran,
hadaanad waagii baryaba waawarayda hayn, oo
weerar joogtaa haddan waaaagu kuugu barin,
wareerka kugu dhacay haddan washinton la gayn,
warka laga tabiyo wariye yaashu aysan qorin,
wadanka uma dhalanin wacadkiina waan ka baxay.
9.amxaarkaan colownay ninkii ceersi moodayoo,
cudud u hoos joogbaa cawa igala daran, cudud u
hoos joogbaa maanta ila cajaba,inuu ku cunaayo
adna wa cadan la hubo, ee ilayn cabdulaahiyoow
ceebi kuma kartaba, war ciida haku caasine
caadilkay u noqoo
10.hadaad cabdulaahiyoow dacad noqonlahayd,
laguma diideene daar baan ku geynlahayn,
duleedka baydhabo tigreega ma daba gasheen, ee
adaa doortaye madfaca iska dul jooooooog
11.amxaarku cadow weeye ninkii ceersi moodayoow,
ee mideeya cududiina calankiini soo celiya, oo
calamkii nala yaabyayee mayra ceebta taal.
12.calanki oo cabanayoo ciil qabaa i yiri,
cuqaashii meeday iyo ciidankaan lahaa?.
13.calankii iyo ciiddi hooyon ku cayshnayow, ha
ciil kaanbiyin wali caymo waa jirtaa,
curadyadaan kuu kacaa kuula tagan cudud, cadowga
kaa caabinaayoon cabsina ku jirin, ee cisadii
aad lahayd rabbigeey ha soo celiyo.aaamin.
14.calanki iyo ciiddi hooyon ku
cayshnayoow,hadal aan celin waayey ban ku
cadeynayaa, ee cudud waxaan tari kariyo cood
waxaan hayaba, inaanan kugu ciilin baaan kuu
cadaynayaa, oo aan kugu caawinaayaan cadaynayaa,
oo aan kugu caawinaayaan cadaynayaa, cadowga wax
ka caabinaayaan cadaynayaa, ee buluugloow
caalnkayagiiyow carshiga ka nuuuur.AAAMIN.
15.ma wada sheegi karo shaqsiyaadka magaca dheer,
ee sheikh shariif iyo nimankii asmara ku shiray,
sharaf ineey leeyihiin shaahid ban ka ahay, ee
sharaf ineey leeyihiin yaa shakaali karo?.
16.shacabkii soomaaliyeed oo shidada ku jiray,
oo shaniba meel aaday dhaqso waa iyagii
shukriyey, oo shahuur bila dhawra baa uunki wada
shukriyey ee sharaf inaad leedihiin shaahid baan
ka ahay, runta inuu sheego buu sheekhu caan ku
yahay, oo diinta inuu shaaciyuu sheeku caan ku
yahay,ee sharaf inaad leedahay shaahid baan ka
ahay.
17.mawada tiirn karo waxaan tiigsanayo e,
walaalkeey tarzan baan siinayaa tixdaan.
18.tiir dhexaad weeye ummaduu u taagan yahay,
tabaalada kuwa qabo buu u taagan yahay,
gumaysiga inuu tirtiro buu u taagan yahay,
tigreeguna naga tagaan buu u taagan yahay, oo
tacadigaan nagu dhacayuu u taagan yahay, inuu
tabiyoo adduunko dhan wada tusaa, oo taar
qabadsiiyo buu noogu taagan yahay,ee tajki
booqrtooyadaan tarzan kugu xirnee, inaad
taariikh ka tagayso taaaaas ogooooooow.
19.wiilal tolmoon oo tiirar ah ban qabnaa, sidii
xasan turki iyo mansuuron lataaban karin ,taliye
cayroona isgaan ku taaganahay, maray tabiyaan
jihaad tiicyey cadawguye, anna markaas baan
farxad taam ah aan helaa, Halyeeyga Shariif,
Hogaanka Ururkeena Alloow Noo Illaali-Aamiin.
20.war intaan isheefeynay ummadii ka hoos marne,
oo intaan in heefayna uunki horuu maree, ee
haybta baaseed wadaan maad isga hartaan, oo
hadalka beenta wadaan mad isaga hartaan,oo
gumaysiga haysta dhulkiina u hawl gashaan,
colkaan soo wada hayaamay u hawl gashaan, inay
huleelan hungoobaan u hawl gashaaaaaaan.
21.damac nin uu keenay waa daacufloow Amxaar, ee
dacar ma leefteen adaa diiday nabadiye, oo
darsin malagu siiyey hadaad diday daris
wanaag,oo dab aadan ka fiirsan holaciisi dalaq
ma tiri, ee adaa doqonoobayee soomaali waa
dadkii, ee miyaa kala daadsananteena lagugu
dagay, war dagalka anigaa lehee taas dubaakha
gali.
22.dhinac u wada duula deef baa na gaartaye, sow
kuwa dadkiini daleeshaa cidlaa fadhiya,oo sidii
duur joogta daliishaa cidla fadhiya, oo dalkoodi
amxaarku ku dakaynaayo oo dib jira miyaadna
damqaynina oo diir naxaba lahayn?.
23.ajal dhamaataad wadaa joog Amaxaarkanoow,
addunyadoy wada ogoow joog amxaarkanoow,
ameericaa ugu afdheer gaaladaan arlada, oo
argagixisada ugu afdheer gaaladaan arlada, ee
ameericaay joogi amxaarkaad abaabulee, oo
mareekaneey joogi aad aaladaada siiin.
24.annagu diin awood leh ilaah baynu haysanaa,
oo islaanimo wayn ashahaadadan qiraa, oo allahu
akbar markaan iraah waan eryaa Amxaaaaar.
25.nimanka cadaw keenay miyaa ceersi laga sugaa,
oo waliba kala culusee amxaarkaas kenay ciidii
Dalka Hooyo.
26.aynigaa lama baryo gaal itaal darane, adoo ka
soo jeeda soomaali isir wanaag, adduunkuna wada
ogyahay geesi oday ahi dhalay, maxaa arxan laawe
amxaarkaana idin ag dhigay.
27.wax wada qaybsada wadadnkiinu waa qaniye, oo
qabiilka naga dhaafa isagaa na qaybiyee, oo
qilaafka naga daaya isagaa naqaybiyee, oo
qoontii aan wada daweynee quluubta fura, oo
qoomameeyo qaladkiinni wadar u saxa, oo qaadirow
adigu quwadaada nagu mideeeeee.aamiin.
28.qarankii soomaaliyeey sow qabiil mu dumin,
qabkii lagu faani jiray qiimahii ma lumin, war
qaaradihii dunida magaciinni quursi noqoy, oo
qaaradihii dunida magaceeni quus ka noqoy, ee
waa qoomamo iyo ciile soomaaliyeey is qabo, oo
Qiimaha Qarankee gartoo soomalay is qabo.
29.barwaaqadii waddanka taala la boobaya,oo
badihi macdantii ka buuxdaa la boobayaa,badartan
loo kala galaayaa la boobaya, ee baylah noqoyee
wadankeenni soo birmada, oo baylah noqoyee
wadankaan u soo birmada, mise baryada duul
kaleetad ka door bideeen.
30.dhul wada hoobaan ah ban heedhe wada qabnaa,
waa dhul wada hoobaan ahoo geelu noo harsado,
haldhaa gabdhaad moodid baan heedhe wada qabnaa,
oo halyeeyo wada wiilal ah baan heedhe wada
qabnaa, ee nimanka u hibeeyey amaxaarkaa laabtu
ila hureeeeeeeeeee.
31.markii aan is wada dilnaa san u dabar go'nee,
dulimigii uu nagu bataan san u dabar go,nee, oo
xaqii la duud siyey ayaan saan u dabar go,nee,
oo diintii aan daayacnaa saan u dabar go,ne, war
caana daataba dabaadigaa la caymiyaa, ee intaan
lagu diimin magaceenna daba qabtooooooooy.
32. mala awaal maahan hadakayguye maqloooy.magac
u yaal dawladaan ban mid oranayaa,masaakiin
shacab ha laysaan mid oranayaa, amxarka u
madiiidinkaa baaan mid oranayaaaaaaaaaaaaa.
33.war mushkiladaan raagtayoo gaartay meesha
wayn, wixii hore mayra oo caynsha maatidee, ama
mas,uul lama noqdee keena magacayaga, oo aydan
na mideeyn karaynina dhiga magacaya.
34.qaxootigaan dhoobanoo sii hayaa dhabada, oo
aan laga dhiidhiyeen sow dhag xumo ma ahan?
35.dhalaankaa wada dhiig baxaayoo dhamaanayana,
oo aan laga dhiidhiyeeen sow dhag xumo ma ahan?
36.dhag xumidaan nagu dhacaysoo la dhawranaa, oo
an laga dhiidhiyeen sow dhag xumo ma ahan?
37.anigu dhakafaaray soomaali yeyna dhalay?dhaga
adaygiinna baa meesha ina dhigee, bal dhulkaan
yeey noo dhisaayoo la dhawrayaaaaaa?
38.hablihii soomaliyeedow hurdada ka kaca,
horseedo nabad hilinkiina muujiyoo,u hiiliya
maanta calankiinna hoosta galay, hujuumo cadowga
injireey habaaar ku gura
39.hadaan qaadqaday qaladkeenni wuxuu ka yimid,
oo soomali kala qaybiyaan qiixayaa maqlooooooy.
40.waa quursiga reer hebel quursna kan kale, oo
qaadirkay diidy qurankisa noogu
sheeeeeeeeeeeeeeg
41.danayste midaan ahayn doolar raadinayn ,
dadkiyo dalka caymiyoo doora raadiyoo,colaada
naga damiya oo doora radiyoo,oo diinta nagu
dhaqahayana doora raadiyoo,dooda aan soo dabree
dooorka raadiyooooooy,ooo dooda naga soo dabroo
doorka raadoyooooooooy.
42-intaan kala qaybsanahay oo qaarba meel
jirna,oo aydan quwadiina midaynaynin kala
qoqoban, inaan qabaanownay soomaaliyeey
qirtay,oo aan qabanownay baan soomaaliyay qiraa,
oo qayrkeen aan ka hoos marnaa somalay
qiraa,maxaa idin qadayoo qiiradii la tagay,ma
qalbi jabkaan baan ku jirin qaadi waagan
baaaaas.
43.hadaan dhuray oon dhuroo dhiibay waano dheer
,oo dhigdhigay aan kala dhigdhigay oo wax aanan
dhimin ,oo aydan dhaadaynin misna sow dhib wayn
ma ahan?dhagax dixeed wada tihiin sow dhib wayn
ma ahan?bal maxaa idin dhiman maxaydeen
dhamaystiraa???????????
44.anigoon soo tuugsan tobol caaro aan ku darin
ma idin taabsiiyey hadal toosan oo wax
taraaaaaaaaaa.