Dahabshiil-Gif
 
|

Burcad badeedii ugu horeysay oo Soomaali ah oo heleysa Magdhow

Burcad Badeed

Maxkamada xuquuqda aadanaha Midowga Yurub ayaa Dowlada Faransiiska ku amartay in koox ka tirsan Burcad badeeda Soomaalia la siiyo magdhow.

Maxkamada ayaa ku eedeysay Dowlada Faransiiska inay carqaladeysay xuquuqda aadanaha Gaar ahaan kooxihi burcad badeeda ee gacanta ay ku dhigtay iyadoo xabsi ku heystay 48-saacood oo dheeraad ah iyagoo an helin wax Maxkamad ah, , waxaana ay maxkamadda Amartay in la siiyo magdhow maadaama la daahiyay sharci marintooda.

Burcad badeedaas oo sagaal qof ah ayaa helaya kumannaan Euro, maadaama aan isla markiiba la hor keenin garsoorka Faransiiska.

Burcad badeedda ayaa waxaa u afduubnaa muwaadiniin Faransiis ah kaddib markii ay qabsadeen markab uu ka dulbabanayo calanka dalkaasi sanadkii 2008, waxaana ciidammada Faransiiska ay ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen xeebaha Soomaaliya.

Go’aanka maxkamadda ayaa soo baxay xilli uu hoos u dhacay weerarrada ay biyaha ku dhow Soomaaliya ka fulin jireen burcad badeeda Soomaalida.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news