Dahabshiil-Gif
 
|

Ciidamada Ahlu Sunna oo fasaxay Ciidamo AMISOM Ah Oo Duleedka Guriceel Ay ku Celiyeen

Ahlusuna

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti oo ka ambabaxay Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, kuna sii jeeday Gobolka Galgaduud, ayaa xalay lagu celiyay duleedka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadaan ayaa waxaa celiyay ciidamo ka tirsan kuwa Ururka Ahlu Sunna, waxaana ay weydiiyeen halka ay u socdaan, iyadoo ciidamadii AMISOM lagu amray inay ku sugnaadaan duleedka Magaalada Guriceel oo ay xalay ku hooydeen.

Dadaal dheeri ah iyo wadahadal dhexmaray Saraakiisha Ahlu Sunna iyo ciidamada AMISOM kadib waxaa suuragashay in ciidamadaan saaka aroortii laga sii daayo duleedka Magaalada Guriceel oo ay ugudbaan dhanka Magaalada Dhuusa Mareeb.

Ahlu Sunna ayaa ciidamadaan waxa ay moodeysay inay yihiin ciidan gurmad ah oo ujeedkooda uu yahay inay galaan Magaalada Guriceel.

Ciidamada AMISOM oo wata 13-gaadiidka dagaalka ah ayaan la ogeyn rasmi ahaan halka ay ku jeedaan, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ciidamadaan ay ku jeedaan Magaalada Dhuusa Mareeb, halka wararka qaarna ay sheegayaan in ciidamadaan ay ku sii jeedaan Magaalada Cadaado, balse wararkaan ayaan la xaqiijin.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news