Dahabshiil-Gif
 
|

Ciidamada Dawlada iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Qoryooley

1896798_687792004593101_2043444876_n (1)Ciidamada dawlada Soomaaliy iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegeen gacan ku haynta degmada Qoryooley ee gobolka Sh//hoose oo muddo sanado ah ay Al-Shabab maamulayeen

Warkaan ayaa sidoo kale lagu xusay  in hadda magaalada Qopryooley ay si buuxda u maamulaan ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM isla markaana laga saaray ciidamadii Al-Shabab.

Magaaladda Qoryooley oo qiyaastii 120 km dhanka koofur galbeed uga beegan magaalada Muqdisho waxay waayahaanba saarnaa culeys dhanka ciidamada ah waxaana la ogeyn halkay aadeen ciidamadii Al-Shabab ee mudada dheer maamulayay.

Xarakadda Al-Shabab willi kama aysan hadlin arrintaan hase ahaatee waxaa ay noqonaysaa magaaladi 8,aad ee Al-Shabab laga qabsado  muddo bil ah.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news