Dahabshiil-Gif
 
|

Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug Oo Gacanta ku dhigay Dooni Kaluumeysi Oo Sharci Daro Ah

hobyooooo

Maamulka degmada Hobyo ee gobolka hobyo ayaa ka warbixiyay howlgalo ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ay ku soo qabteen dooni si sharcidaro ah ugu kaluumeysanayay xeebaha ku dhow hobyo.

Gudoomiyaha degmada Hobyo Maxamuud Max’ed Cawaale  ayaa sheegay in gacanta ay ku hayaan dooni Kaluumeysi oo si sharcidaro ah ku joogtay xeebaha Galmudug.

Mas’uulkaan ayaa sheegay in doonta Kaluumeysiga laga leeyahay dalka Iran,wuxuu sheegay in doonidaan Habeen ka hor gacanta ay ku dhigeen Ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug xilli si sharcidaro ah ugu kaluumeysanayay.

Shaqaalaha saarnaa doonida wey bad qabaan,waxayna ciidamada ku dadaaleen sidii si nabad galyo ah gacanta maamulka ugu soo wareejin lahaayeen”ayuu yiri gudoomiyaha.

Galmudug ayaa sheegtay in doonida aysan wadan wax documenti ah oo u fasaxaya inay xeebaha Soomaaliya ka kaluumeysato.

Si Kastaba ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug Ayaa Xeebaha Waxa ay kawadaaan hawlgalo ay ku xaqiijinayaa amaanka islamarkaana ay ku baacsanayaan doonyaha sida sharci darada ah uuga kaluumaysta bada galmudug ,waxaana kol hore ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen doonyo si sharci daro ah uuga kaluumaysanayay xeebaga Galmudug.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news