|

Col.Alibaashi Mohamed X Cumar Fiqi oo isku soo sharaxay xilka Madaxwayne nimada Galmudug State of Somalia

Col.Alibaashi Mohamed X Cumar Fiqi

Bismillaahi-Raxmaani-Raxiim

Laga bilaabo manta waxaan soo bandhigayaa in aan isu soo sharraxo Maxadweynenimada Galmug State saddexda sano oo so socota, si aan uga qeyb qaato Horumarinta, Nabadgalyada iyo Midnimada Degaanka iyo bulshada galmudug.

12 Responses for “Col.Alibaashi Mohamed X Cumar Fiqi oo isku soo sharaxay xilka Madaxwayne nimada Galmudug State of Somalia”

  1. abdul guuled says:

    waxaad soo ban dhigtaa waxaad qabanayso iyo aqoontaada iyo taariikhdaada iyo meesha aad ku nooshahay, wax aad ku bixisay mar hore galmudug oo dadaal ah, hadii aad tahay qof layaqaan taariikh nololeedkiisa oo aadan ahayn qurbaawi soo daalay oo lacag doon ah nasiibkaaga bay wax walba ku xiran yahiin mudane, waxaan kaloo walaalkay waydiin lahaa darajada cornell waligay ma maqal nin u dhashay galmudug oo cornell sax ah ah markaga laga reebo rag fara ku tiris ah soo dhawoow lagu arki doonee caalinba waxaa laga keenay dibadee markii ka tag la dhahayna waa diiday guriga camal

  2. Dr. Khalif M. Duale says:

    Waxaan u sheegaa qoraaga kor ku xusan, in Ali Baashi yahay – saraakiishii ugu caansaneed ee Soomalia soo martay, darajada “colonel buuxa “full colonel” uu qaatay horraantii 80kii, 30 sano ka hor. Taariikhdiisa iyo aqoontiisa xagga maamulka iyo aqoonta militariga gudaha iyo banaanka bilado ku qaatay. Waa aqoon yahan u qalma in uu hantiyo madaxwaynanimad Galmudug iyo mid ka saraysa, ee qofkii aan aqoon sidaa ula socda.

  3. maashlaah lkn su aal wax ay ka tagan tahay horta horay wadanka wax ma ugu qabatay mase waxatahay dadka jilic kur siga waxan kaa rabnaa shiiq in aan helno CV gaaga iyo wax aad rabto in aad noo qabatao wadanka nin ka qaxay 22 sano ka hor manata wax kama qaban karo shiiq

  4. Sharif Nuure says:

    Aad baan usoo dhawaynaynaa Isku so sharixidda Col.Cali Baashi Runtii waa nin aad iyo aad hawl kar u ah kana bixi kara xiligaan maanta lagu jiro, maamulna yaqaaan. Waxaan ku talin lahaa reer Galmudug Maanta inay saxaan qaladaadkii hore oo ahaa in xilka madaxweynenimada loo dhiiibay dad aan ahal u hayn una qalmin. Col. Cali Baashi waa nin intaan ka ogahay NADIIF ah maamul yaqaan, Ceeb ka saliin ah Eex iyo musuqmaasuq aqooon. Dhan walba waa maa shaa alaahu.Marka walaalayaal sanadkaan yaysan naga hoos bixin. Madaxweynaha Galmudug ee Mustaqbalku waaa inuu noqdaa Col Calibaashi Mohamed Xaji Cumar. VIVA GALMUDUG.

  5. maamo 1000 says:

    asc hada ninta isku sharaxdey madaxweynanimada galmudug 10 ayey ma reysa nin wax muqda noo sheegeyna ma jirto maxad noo qabaneysa hada nahey shacabka galmudug mise ina diyarad racda rabta sida sheekh sharif camal wax muqda noo sheeeeg tarikhdada oo dhamestirana soo gudbi anagana wan ku jakibin lol lakin aniga ahan waxan ku talin laha caalin nin ka siyasad badan nasoo marimayo asaga nooku celiya mar labad manta galmudug somaliweyn iyada wax laga weydiya waa iga talo

  6. khalifhadji says:

    isbadalku waa muhiim – in qof kasta la tijaabiyo

  7. maxamuud says:

    asc salaan kadib waxaan u arkaa ninkasta oo isi soo dharaxa inuu dhaami doono madaxweyne caalin marka waa in la soo dhaweeyaa musharaxiinta

  8. hassan cabdi says:

    marka hore a/s dhamaan akhiyaarta & dadka reer galmudugoow , tan xigta arin xiiso leh oo aan shakhsiyan soo dhaweynayo in la is doorto oo kursiga uu yahay meerto nina uusan isi siin , waana arin wanaagsan hadii si sharaf ah loo tartamo la is kuna wareejiyo ayadoon xanaf & xumaan lahayn kii la adkaadana dadka & deegaanka wax uu u qaban lahaa ka hagran , aniga waxaan qabaa dadkaygana ku boorin lahaa in aan doorano ruux polasiga deegaanka dabaqi kara taa waxaa ula danleeyahay galmudug laamiga dheer ee caalamiga ah ka haysta galinsoor ilaa gaalkacyo yaan la isku daalin oo waqti looga lumin dadkayga ee la raadsho siyaasi ruug cadaaa ah ee dadka ka dhaadhiciya in midnimada galmudug ay wax walba ka horayso oo walaaha cadaado & gurceel geed soo fariisiya kuna qanciya in galmudug midnimadeed looga tanaasulo wax walba markaa baan waqtiga aan soo bixinay miriro dhal noqon karaa waana aaminsanhay in maanta gobolada dhexe dadka ku nool u bisil yihiin kuna naadayaan allow yaa mar uun nawada fariisiya aan ka kacno foolxumada & magac xumada maanta nagu habsatay waayo somalidu waxay tiraah “gacmo wada jir bay wax ku gooyaan ” maanta waan la soconaa in wiilal yaryar dariiqa laga mari la yahay 20 kadib , sababta kaliya oo keentay waxay tahay in uusan jirin ciidan xoog leh oo aan qabiil ahayn oo cagta mariya hal mar oo qura waayo jiri walaal ma galo aduu sumcadaada galaafanayaa , sidoo kale somalidu waxay tiraah ” aan wada hadalno waa aan hishiino ” walaahi xaqiiqdii aniga si gaar ah waxa ii soo jiitay siyaasadii caalin horboodayay ee ahayd wasiiraduu uu ku soo daray golihiisa ee ka socday deegaano muhiim ah , taasina waa waxa kaliya aan caalin ku xasuusto inuu jiray ruuntii .. hala xooji siyaasadaas waa tan kalaiya ee gobolka oo dhan dan u ah . mahadsanidiin .

  9. ina ragey says:

    asc, aniga waxa ay illa tahay wax qabadka lagama rabo musharaxa ee waxaa lagaraa waa dadka galmudug, waayo ma ay u bisla horumar , marka qofka musharaxa ah wax qabadkiisa ma muuqan karo . hadaba si loola xisaabtamo musharaxa waa inaan muujinaa wada shaqeyn ,lamana gaarin aan qabaa markii musharax la eedeyn lahaa .wabillaahi towfiiq.

  10. HobyoGodan says:

    Ma ogtahay Gal-Mudugay in aad geesi caanoo garashada ku dheer iyo garwadeeno leedahay oo aad galmudugay gushii xariyadiyo gabonima lasheegtiyo Caydiid adaga kaa yimid. Mago tahay gal-mudugay in lagaray goobtii iftiinkaagi soo baxay oon cida ku celin karin. Gal–mudugay Gal-mudugay ma ogtahay Gal-mudugay.. Waxaan si gaar ah u ilaalinayaa danaha garka ah ee gal mudug marnaba ma aqbali doono nin dana gaar ah ama dad kale u shadeeya in uu gal mudug is ku soo sharaxo. Haybad waxaad ku ledahay Dhulkaaga hooyo waana lama huraanee hagar le i wax ugu qabo. Gal-mudug VIVA.

  11. HobyoGodan says:

    Hanti Dhowrka GalMudug> Ma ogtahay Gal-Mudugay in aad geesi caanoo garashada ku dheer iyo garwadeeno leedahay oo aad galmudugay gushii xariyadiyo gabonima lasheegtiyo Caydiid adaga kaa yimid. Mago tahay gal-mudugay in lagaray goobtii iftiinkaagi soo baxay oon cida ku celin karin. Gal–mudugay Gal-mudugay ma ogtahay Gal-mudugay.. Waxaan si gaar ah u ilaalinayaa danaha garka ah ee gal mudug marnaba ma aqbali doono nin dana gaar ah ama dad kale u shadeeya in uu gal mudug is ku soo sharaxo. Haybad waxaad ku ledahay Dhulkaaga hooyo waana lama huraanee hagar le i wax ugu qabo. Gal-mudug VIVA.

  12. R. Ali says:

    Abti! Mashallah… Madaxweyne Galmudug..Inshallah gair…
    Salaam from Holland..!

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news