Dahabshiil-Gif
 
|

Daawo Sawirada Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliya oo Gaaray Dalka iran

g0

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkan Iiraan oo ku yaala magaalada Tehran ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka kala socday Baarlamaannada Soomaaliya iyo Iiraan iyo sidoo kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tehran Danjire Khaliif Kadiye Muuse waxaana kulanka uu qaatay ku dhowaad mudo saacad ah.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Iiraan Dr Ali Larijani oo kulanka hadal kooban ka jeediyey ayaa aad u ammaanay hormarrada uu ku talaabsaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaanna sida hufan ee uu Baarlamaanku hormuudka uga ahaa isbedelka siyasaadeed ee hada ka jira Soomaaliya waxaana uu ballan qaaday inay Baarlamaan ahaan si aad ah mar walba u garab taaganyihiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka markii uusoo gebageboobay kadib faah faahin ka bixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen iney muhiim u aheyd wadashaqeyn joogta ah sidii ay u yeelan lahaayeen iyo sidii uu Baarlamaanka Iiraan uga taageeri lahaa Baarlamaanka Soomaaliya tayeynta
howlaha Baarlamaanka, aqoon kororsi iyo qibrad is weeydaarsi labada
Baarlamaan dhexmara,taageerro dhinaca caafimaadka ah iyo tababarro la siiyo shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya taasi oo uu xusay in Dr Ali Larijani uu ballan qaaday.

Intii kulanka uu socday Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu casuumad u fidiyey dhigiisa dalka Iiran taasi oo ku saabsan inuu yimaado magaalada Muqdisho taasina waa uu ballan qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiran Dr Ali Larijani inuu imaan doono xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah hormarrada guud ee uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka sameynayey mudooyinkan hormarka dhanka iskaashi ee Baarlamaannada caalamka, dhinaca kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya saacadaha soo socda waxa uu Tehran kula kulmi doonaa Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada qaar ka mid ah dalalka Islaamka oo iyagu Tehran u yimid ka qeybgalka shirweynaha 9aad ee Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

Tifaftiraha Shabakada Wararka Codkamudug.com

Email: rcmudug1@gmail.com

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

01 02 03 04

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news