Dahabshiil-Gif
 
|

Daawo Sawirada: Wafdi ka socday Midowga yurub iyo Itoobiya oo Cadaado gaaray

???????????????????????????????

Socdaalkaan masuuliyiinta kasocota Europian Uniuom-ka iyo safiirka dowlada Ehtiopia u fadhiya soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa u kuur galista xaalada amni ee ka jirta magaalada cadaado oo u diyaar garoobeysa marti glinta shirka maamul usameynta gobolada Mudug iyo galgaduud.

Waftiga ayaa kormeero ku tagay dhowr xarumood oo loo diyaariyay shirka maamulka loogu sameynayo labada gobol ee ku yaaala bartamaha soomaaliya ee Mudug Galgaduud iyagoo sidoo kale kulamo la qaatay Madaxweyaha Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Abdulahi Ali Mohamed Barleh madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa shirjaraa’id warbaahinta u qabtay kadib kulamada dhexamray  isaga iyo waftiga uu hogaaminayay safiirka dowlada Ehtiopia u fadhiya Soomaaliya.

Mamdaxweyne Barleh ayaa sheegay in ka wada hadlen arrima dhowr ah oo ku saabsan Maamul Usameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud Islarmarkaana ay isla garteen arrimahaasi.

Socdaalka qorsheysan ee maagaalada cadaado ay kutageen safiirka dowlada Ehtiopia u fadhiya Soomaaliya iyo waftiga uu hogaaminayay ayaa imaanaya iyadoo maalintii labaad Cadaado ay ku sugan yihiin ciidamo katirsan Amisom gaar ahaana kuwa Ethiopia.

Sikastaba waftiga ayaa dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kuwaa oo gudbin doono warbixino la xiriira dhinaca amaanka.

Daawo Sawirada

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news