Dahabshiil-Gif
 
|

Daawo Sawirada:::Cusbitalka Degmada Docol Oo Laga Hirgliyey Layrka Cad-ceeda Ku Shaqeeya

1

Qaar Kamid ah jaaliyadda Soomaalida Ku Nool London Dalka Ingiriiska ayaa Mar kale waxa ay Qalabka Cad-ceeda Ku Shaqeeya Ee Solar Systemka loo yaqaan ugu deeqeen Cusbitaalka Degmada Docol Oo aan Horay wax Koronto ah u haysan.

Jaaliyadda ayaa Horay Howshaan Oo Kale waxa ay uga Qabteen Degmada Wargalo iyagoo Cusbitaalka Docolna Maalintii 24 ki Maarso Ka Sameeyay Leyr Looga Faa’ideysanayo Iftiinka Cad-ceeda .

Oriye Axmed Kadiye Oo Ah Ninka ay u wakiisheen Xubnaha Jaaliyadda in Howshaan Samafalka ah Uu Gaarsiiyo Cusbitalka Docol ayaa nooga warbixiyey Waxa ay Ka qabteen Cusbitaalka Degmada Docol.

Oriye Ayaa Sheegay in Cusbitlaalka ay Gaarsiiyeen Dhowr Solar Islamarkaana Dhamaan Qeybaha Cusbitalka ay Galiyeen Layr Iyo Marawaxado ay ay galiyeen Qeybta Daawada Si Kuleylka Looga Ilaaliyo Iyo Qolka Umulisada .

Qeybaha Kale Ee Cusbitlka waxaa loo yeelay Leyr waqtiyada Habeenkii ah lagu shaqeeyo waxaana laga Gudbay caqabadihii xagga Mugdiga Ka haystay waqtiyada Habeenkii.

Madaxada Deegmada Docol Iyo Maamulka Cusbitalka ayaa aad waxa ay ugu mahad Celiyeen Dadkii Ka Qaybqaatay Iftiiminta Cusbitlka Degmada Docol iyagoo Sheegay in Gacan qabad intaas ka ballaaran ay kaga Baahanyihiin Jaaliyadda Deegaanka Ee Ku Dhaqan Wadamada Caalamka Gaar ahaan Kuwa Hadda Shaqada Wanaagsan Ka Qabtay Docol Iyo Wargalo

Liiska Dadka Jaaliyadda ah Ee Ku Deeqay Qalabkaas ayaa waxa ay Kala yihiin:

    Maxamed Cali Diini
    Maxamed Cismaan Diriqsay
    Saciid Maxamed Samatar
    C/kariin Cali Saciid Barre
    Salaad Nuur Cali
    Maxamed Cali Rooble
    Saadaq Muxuyadiin Macalin
    Saciid Xasan Sabriye
    Qliif Abshir Aadan
    C/rashiid Saciid Daleel
    C/shakuur Maxamed Nuur
    Cabdi Sahal Cali Baashi
    Abshir Faarax

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada

1

2

3

4

6

7

8

10

XAFIISKA WARARKA GAALKACYO

EMAIL: Codkamudugfm@gmail.com Ama

Hanadnasta@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news