Dahabshiil-Gif
 
|

Daawo Sawirada+Dhagayso: Maamulada Galmudug,Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu Sunna Oo Soo Saaray Go,aan Adag

5

Maamulada Galmudug, Ahlu Sunna iyo Ximan & Xeeb oo saddexduba ka wada dhisan Gobolada Dhexe, ayaa waxay eedeymo u jeediyeen Dowladda Federalka Somaliya, iyagoona ku dhaliilay inay ka gaabisay qabsoomidda Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha Galmudug General Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Gudoomiyaha Saddexda Gole ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye iyo Madaxweynaha Maamulka Ximan & Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex), oo shir jaraa’id ku wada qabtay Magaalada Cadaado, ayaa si isku mid ah u sheegay in Dowladda Somaliya ay masuuliyadda dusha u ridan doonto, dib u dhaca ku yimid shirka.

Xilli Magaalada Cadaado ay isku diyaarisay martigelinta shirka, ayay sheegeen in dib u dhacyo ay ku yimaaden, taana ay sababteedu lee dahay Dowladda Federalka Somaliya.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa waxa uu Beesha Caalamka uu ku eedeeyay inay ka gaabisay taageerada Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe, isla markaana ay meesha ka maqan tahay taageeradii Caalamka.

Gudoomiyaha Saddexda Gole ee Ahlu Sunna, ayaa sheegay in Galmudug, Ahlu Sunna iyo Ximan & Xeeb, ay u diyaar u yihiin in shirku uu si habsami leh kaga qabsoomo Magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Ximan & Xeeb, ayaa dhankiisa sheegay inay cadeynayan in qorshahoodu uu yahay, in si ammaan ah uu shirka kaga furmo Xarunta Maamulka Ximan & Xeeb ee Magaalada Cadaado.
 
Waxaa maanta Magaalada Cadaado gaaray siyaasiyiin uu ka mid yahay Axmed Macalin Fiqi, oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka  Madaxtinimada Maamulka Gobolada Dhexe.

Sidoo kale madaxweynaha somalia xasan sheikh ayaa la filayaa maanta inuu gaaro magaalada cadaado iyadoo shalaya halkaasi ay gaareen wafdi hordhac u ah madaxweynaha somalia.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codadka

Daawo Sawirada

1

2

3

4

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news