Dahabshiil-Gif
 
|

Sawiro+Dhagayso:Shirkada Golis Telecom oo Gobolka Mudug Ka Bilowday u Gurmashada Dadka Tabaalaysan ee Abaartu Sameesay

Shirkada isgaarsiinta ee Golis Telecom Somalia Ayaa Maanta Gobolka Mudug Waxa Ay Ka Bilowday Caawinta Dadka Tabaalaysan ee Abaartu Ay Ceyrteesay.

 
inkabadan 200 oo Qoys oo Kusugan Deegaanka Xaar Xaar ee Duleedka Gaalkacyo oo Abaarta Darteed uugasoo Hayaamay Deegaanadii Ay Ku Noolaayen Madaama Abaartu Ay Leesay Xoolihii Ay Dhaqanayeen Ayee Shirkadu Maanta Gaarsiisay Deeq Gurmad Ah oo Iskugu Jirta,Bur,Bariis.Sonkor iyo Saliid.

 
Maamulaha Shirkada Golis Telecom Somalia Axmed Macalin Abshir Ayaa ugu Horaan Ka Hadlay Goobta Waxa uuna Sharaxay Deeqdan Ay Soo Gaarsiiyeen Walalaha Dhibaatesan.

 
Dadkii Maanta Gar Gaarka Golis Ay Soo Gaarsiisay Ayaa Ka Mahad Celiyay Deeqdan Gurmadka Ah ee Lasoo Gaarsiiyay,Waxaana Ay Tilmaamen in Wali Ay u Baahan yihiin Kaalmada Walalaha Somaliyeed.

 

 

ugu Dambayn Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug Xirsi Yuusuf Bare oo Goob Joog Ka Ahaa Goobta Deeqdan Lagu Gudoonsiiyay Dadka Ay Abaaruhu Sameyeen Ayaa Golis Ku Amaanay Kaalinta Ay Ka Qaadanayso Gar Gaarka Dadka Tabaalaysan,Waxaana Shirkadaha Kale uu Ka Dalbaday inay u Garmadaan Walalaha Abaaraha Ay Sameeyeen.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Dhamaan Codadkii Goobta Laga Jeediyay

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news