Dahabshiil-Gif
 
|

Daawo Sawirada+Dhagayso:Wadada Astaan Hobyo Ee Gaalkacyo Galmudug Oo Maanta Xariga Laga Jaray

1

Kusimaha Madaxweynaha Galmudug Ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Xasan Maxamuud Hayl iyo Duqa Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug Ayaa Maanta Si Wada Jir Ah Xariga Uuga Jaray Wadada Astaan Hobyo Ee Magaalada Gaalkacyo Oo Laami La Saaray.

Xasan Maxamuud Hayl Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Ka Hadlay Munaasibada Xarig Jarka Wadada Astaan Hobyo Waxa uu Sheegay in Wadadaan Ay Tahay  Wadada Faras Magaalaa islamarkaana Bilicdeeda Ay Qeyb Ka Tahay Horumarinta Magaalada isagoo Sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug in Ganacasatada Galmudug Looga Baahan Yahay inay Ka Qeyb Qaataan Hawlahan Hormarineed Ee Ka Socda Deegaanada Galmudug,Waxa Uu Tilmaamay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug in Dhawaan Ay Bilaaban Doonto Dhismaha Wadada isku Xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.

Sidoo Kale Waxaa Munaasibada Ka Hadlay Duqa Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug Bile Diini Cali oo U Mahad Celiyay Hay,ada Ilo Oo Hirgalisay Dhismaha Wadadan isagoo Hay,ada Ka Dalbaday inay Sii Wado Hawlahan oo Galmudug Ay Ka Saacido Dhismaha Wadooyinka Kale Ee U Baahan in La Dayactiro.

Wadadan Laamiga Ah Ee Maanta Xariga laga Jaray Ayaa  Qeyb Ka Ah Horumarada Kala Duwan Ee Xiligan Ka Soconaya Magaalada Gaalkacyo Ee Xaruunta Galmudug.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codadka

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada

1

2

3

4

5

6

7

XAFIISKA WARARKA RADIO CODKAMUDUG

W/Q: Hanad Abdi Faarah

Nagalasoo Xiriir

Codkamudugfm@gmail.com Ama

Hanadnasta@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news