Dahabshiil-Gif
 
|

Daawo Sawirada:Kulan Dhaqaalo Loogu Aruurinayay Wadada isku Xirta Gaalkacyo iyo Hobyo Oo Lagu Qabtay Stockholm Wadanka Sweden

3

Kulan si weyn loosoo agaasimay loogana hadlayay dhismaha wadada iskuxirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ayaa  waxaa laguqabtay Magaalada Stockholm ee wadanka Sweden.

Kulankaan oo ay soo  qabanqaabiyeen ururka dhalinyarada Galmudug ee magaalada Stockholm ayaa wax ka so qayb galay dhaman qaybaha kala duwan ee blushada ee ku abtirsada Galmudug.

waxaa dadkii goobta ka haday ka mid ha Sh.Muxyidiin Xassan ayaanle oo ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay ka qayb  qaadashada dhismaha wadada iyo in ay tahay  sadaqa jaariya ah.wixii lagu bixiyo dhismaha wadadaas.

Sidoo kale waxaa isna goobta  ka hadlay gudoomiyaha Jaaliyadda Galmudug Mundane Cali salad oo ugu baaqay dhammaan reer galmudug in ay u istaagaan dhismaha wadada oo uu sheegay in ay muddo ku taamayeen  haddana ay rumoowday.

 Kulanka oo ay ka hadleen  dad badan ayaa wax ka mid ha dadkii ka hadlay
Abdifatah Cisman Maxamed  Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Galmudug.
Abdifatah farah          Gudoomiyaha Golha dhexe ururka dhalinyarada.
Sh.Abdullahi Sh.Siciid
Sh.Maxamuud Abdi Sabriye
Abwaanad Dhoofo qaliif Siyaad
Drs .Aamina Siciid.
Nasteexo Abdi Cilmi
Farxiyo Abdul (Farxiyo neero)
Abdi Cilmi Dagal
Maxamed xogolof.
Xassan Cumar Abdille
Abdirazak Sarcad iyo dadkale oo oo badan.
Sidoo  kale waxaa khadka Telefoonka uga qayb galay guddoomiyaha Gudigga dhaqaalaha  prof. Abdulqadir Maxmed Shirwac oo faahfaahin ka bixiyay muhiimadda ay u leedahay bulshada dhismaha wadadaas oo uu ku sheegay dhererkeeda 260 km.

Mashruuca lagu dhisaayo wadada ayaa waxaa loogu magac daray (ANA DHOOBADA ADNA DHAGAXA)

Guud ahaan  dadka ka hadlay kulanka ayaa wax ay ku dheeraadeen ahmiyadda ay wadadu u leedahay kobaca dhaqaale iyo horumarka iyo sida loogu baahan yahay in shacbka reer galmudug ay dhismaha wadada uga qayb qaataan muruq maal, iyo maskaxba.

Ugu danbayntii ayaa wax jaaliyadda stockholm ee goobta fadhisay waxay ku yabooheen lacag dhan 1.182,000 (hal maliyan boqol sideetan iyo labo  kun Lacagta Swedishka ) lacagtaas ayaa qayb ka mid ah goobta  lagu  bixiyey inta  kalana lagu  balmay in lagu  bixiyo muddo kooban.

Sidoo  kale waxay Jaaliyadda Stockholm ka codsatay dhammaan Jaaliyadadaha kale ee ku nool daafaha caalamka in ay ka qayb qaataan dhismaha wadada gaalkacyo iyo hobyo.

Kulanka ayaa waxaa uu ku soo idlaaday farxad iyo rayn rayn.

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news