Dahabshiil-Gif
 
|

Daawo Sawirada:::Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Oo kulan la qatay Jaaliyada Galmudug ee wadanka Finland .

7

Cabdisamad Nuur Guuled Oo Booqasho ku maraya wadamada la isku yimaado
Scandneviayanka ayaa soo gaaray wadanka Finland wuxuna Kullan ad u balaran
la qatay Jaaliyada Galmudug ee wadankaani isagoo kala hadlay Arrimo ay ka
mid yihiin Hormarinta Deegannada Uu Maamulku Gacanta ku hayo iyo sidii loo
kala xog Qadan lahaa Labbada dhinacba.

Xassan Xashaah oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada Galmudug ee Finland Ayaa
Madaxwaynaha ku soo dhaweyey hadalo Qiimada Baddan iyo sida ay ugu
faraxsanyihiin in Ay Kullan la qataan Madaxwayna Ku xigeenka Dowlad
Goboleedka Galmudug Mudane Cabdisamad Nuur Guuleed.

Ku xigeenka Gudoomiyaha Jaaliyadda Xussen Kanooko oo Goobtaas Ku Sugnaa
Hadallana Ka jeediyay Ayaa sheegay in wax in Lagu Faano ay Tahay in
Heerkaan uu soo Gaaro Maamulka Galmudug oo ay jaaliyad ahaan Gacan ka
gaystay Dhisida Maamulka oo sanadkii 2006 Lagu yagleelay Magallada
Gaalkacyo Ee Xarunta Goballka Mudug.

Bille Axmed Daahir oo ah gudoomiyaha Gollaha Fulinta Jaaliayada Galmudug ee
Finland Oo Warbixin Kooban Ka dhiibay Jaaliyada oo la Aas aasay 1994 isagoo
sheegay in ay soo Mareen mar xallada kala duwan Sidookale wuxuu soo
bandhigay oo qoraal ahaan ku soo gudbiyay kaallinta Jaaliyada ay ka qateen
Dhisitaanka Maamulka iyo Goobaha waxbarashada, Caafimaadka iyo Kaalmaynta
dadka Danyartaa Ee Ku nool Deeganada Galmudug.

Sidookale waxaa kullankas ka Hadlay Ex gudoomiyihii Jalliyada Xuseen
Faratol oo hadalo Dardaaran iyo soo dhawayn is kugu jidha Goobtaas ka soo
jediyay uguna baqay in laga shaqeeyo midnimada iyo hormarinta Deeganada
Galmudug state.

Dhanka Hooyooyinka Goob Jooga ka ahaa ayaa iyaguna dareenkooda ka hadlay
waxa ayna Ballan Qadeen in mar waliba ay Garabtaaganyihiin Maamulka oo ay
ka qaybqadanayaan wax walba oo arrimahaas ku saabsan
Dad kale Oo is kugu Jidha Odayaal, Dhalinyaro oo Goobtaas hadalo ka soo
jediyay dhamaantood waxa ay Muujiyeen Taageerada iyo Garab is taaga had iyo
Goor ay Uhayaan Maamulka Galmudug State Soomaaliya.

Gabangabadii waxaa Kulanka soo Xidhay Madaxwayna Ku Xigeenka Maamulka
Galmudug Ahna Musharax U tagaan Qabashada Midaynta Maamulka Mudug iyo
Galgaguud loo dhisayo Wuxuu aad ugu mahad celshay Jaaliyada Sida quruxda
Iyo Sharafta leh ee ay usoo dhaweeyeen oo uu sheegay in ay yihiin dad ku
dayasho mudan.

Mudane Cabdisamad Nuur Guuleed waxa uu ka hadlay Dhisida Maamulka Lagu
Midaynayo Mudug iyo Galgaduud oo uu sheegay in ay Meel wanaagsan marayso
waxa Kaliyah ee la Sugayana ay Tahay Soo dhamaystirka Gollaha Wasiirada
Dowladda Soomaaliya iyo Ansixintooda Madama sida uu sheegay Goobta Lagu
wado in yimaadan Madaxwaynaha Soomaaliya Xassan Shekih Maxamuud Qaar
kamidah Gollaha Wasiirada iyo Xubno ka Socda Beesha Caalamka Oo Lagu Marti
Qaaday Madasha lagu qabanayo Soo Dhisitaanka Maamulka Loo samaynayo Mudug
iyo Galgaduud.

Kullankaan ay wada qateen Jaaliyada Galmudug ee Finland iyo Madaxwayne ku
xigeenka Maamul Goboleedka Galmudug Kana mid ah musharaxiinta Maamulka loo
Dhisayo Mudug iyo Galgaduud Cabdisamad Nuur Guuled ayaa ku Soo Idlaaday
jawi wanaagsan Iyo ismarxabayn.

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

 

11

12

13

 

W/Q:::Xoriyo Abdukadir sheikh Ali –Finland.
Wixii Fariin Ah Noogu Soo Dir
Codkamudugfm@gmail.com Ama
Hanadnasta@gmail.com

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news