Dahabshiil-Gif
 
|

Daawo Sawirada:::Shirar dib u heshiisiineed Oo Si Xowli Ah Uuga Socda Dhusamareeb

4Shirar dib-u-heshiisiineed oo ay hore ugu baaqeen Beelaha Wada Daga Gobolka Galguduud ayaa shalay ilaa maanta waxay ka dhacayaan Xarunta cusub ee “Nabadda iyo Mideynta Soomaaliya” ee degmada Dhusamareeb Ee Gobolka Galgaduud.

Wafdi ballaadhan oo tiro ahaan kor u dhaafaya 212,  xubnood kana kala yimid degmooyinka iyo tuulooyinka waqooyiga gobolka Galgaduud oo maalin kahor  gaarey degmada Dhusamareeb iyo ergo kale oo ka timid degaanno kale oo isla gobolka galgaduud ah, ayaa waxaa shirar dib u heshiisiineed uga socdaan hoolka shiraka ee degmada Dhusamareeb.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye {cirfo} oo shirarkaan ka dhex muuqda ayaa ergada ka qeyb galeysa ku dhiirri geliyey in leysu tanaasulo nabaddana la wada qaato si loogu gudbo maamul goboleed lagu mideysan yahay oo gogoshiisu taalo degmada Cadaado. Waxaa kaloo isaguna shirarkaan si weyn u hagaya guddoomiyaha degmada Caabudwaaq  Cabdirisaaq Xasan Cawl.

Shirkaan dib u heshiisiinta beelaha wada dega Gobolka Galgaduud, waxaa lagu sheegay in lagu dhameeynayo khilaafaadka iyo xurgufaha dhexdooda ka jira, ka dibna loo gudbo maamul loo dhan yahay oo laga yagleelo Gobolada Mudug iyo Galguduud.

12

34

W/Q::Hanad Abdi Faarah

Email: Hanadnasta@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news