Dahabshiil-Gif
 
|

Daawo Sawiro:-Mid Ka Mida Beelaha Dega Gobolada Mudug Iyo Gal-gaduud Oo Shir Uga Furmay Degmada Bandiiradleey

11SS-300x168

Shirweynahani Loogu Magacadaray Mideeye ayaa waxaa Magaalada Bandiiradleey Ee Gobalka Mudug Uga furmay Mid ka Mida Beelaha Dega Gobolada Mudug Iyo Gal-gaduud Kaa oo u ujeedkiisu yahay Sidii Beesshu uga Arinsan Lahayd aayaheeda Iyo Xalinta Qilaafadyo yar yar Oo Beesha Dhexdeeda Ka Jira.

Waxaana ka Qayb galay Ergo farabadan oo Isaga kala yimid Gudaha dalka Iyo Dibada.Sida Culimaa,udiin,Aqoonyahano,Duqeyda Dhaqanka,siyaasiyin,Dhalinyaro Iyo Qaybaha kale ee Beesha

Ugu Horeyn Waxaa faah faahin Ka Bixiyay Ujeedka Shirka Max’ed Jaamac Dirir Oo Isagu Ahaa Shir Gudoonka Wuxuuna Sharaxay In Shirkani Yahay Mid Lagu Midaynayo Qaybaha Beesha Iyo Xalinta Mad Madow Yar Oo Ka Dhex Jira Beesha.

Dhanka kale Waxaa Isna ka Hadlay Ahmiyada uu Beesha u leeyahay Shirkani Iyo inta Waji uu ka Koobanyahay Aadan Xaarato Wuxuuna Sheegay In ay Muhiim tahay In ay Beeshu Ka Mira Dhaliso Ujeedka Shirka,

Kulan Ayaa Lagu Wadaa in uu Socondoono Mudo Laguna Gorfayndoono Xaalka Siyaasadeed ee Beesha ay Higsanayso Hiigsiga Horumarinta adeega Bulshada Iyo daris wanaaga Beelaha Ay ood Wadaagta Ku yihiin Goboladaasi

W/Q: Hanad Abdi Faarah-Mugdisho Somalia

Goordhow Naga Filo Sawiro insha Allaah

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news