Dahabshiil-Gif
 
|

Dad Soomaali ah oo laga soo daad gureeyay Nairobi oo la keenay Muqdisho

DSC05249Mogadishu, May 03, 2014- Saraakiisha Waaxyaha iyo Qeybaha  Habmaamuuska, Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa maanta ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caasimadda Muqdisho 88 ruux oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daad gureeyay dalka Kenya, kuwaasoo ah qeybtii seddexaad oo Magaalada Nairobi looga soo qaado diyaarad gaar ah.

Howsha dadkani lagu soo dhoweynayay oo jawi heer sare ah u dhacday , ayaa waxaa Saraakiisha Wasaaradda kala qeyb qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Kenya iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaradaasi .

Muwaadiniintani Soomaaliyeed oo isugu jiray dhalinyaro ,haween ,iyo carruur ayaa wejiyadooda laga dareemayay farxad iyo reyn-reyn ay u muujinayeen jaceylka dalkooda hooyo oo dib loogu soo celiyay .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news