Dahabshiil-Gif
 
|

Dag Dag: Nabadoon Caan Ah Oo Baladwayne lagu toogtay

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in kooxo Hubeysan ay Gudaha Xaafadda howl wadaag ay ku dileen Nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisoow oo si weyn loogu yaqaanay magaaladaas.

Dilka nabadoonka ayaa la sheegay in uu ka dhacay Suuqa Xoolaha ee Magaalada Beledweyne , warbaahinta u sheegeen dadka ku nool Xaafada howl-wadaag gaar ahaan laanta suuqa xoolaha ee Magaalada Beledweyne.

Nabadoonka ayaa la sheegay in dhowr xabadood lagu dhuftay islamarkaana uu goobta ku dhintay.

Kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisoow ayaa goobta isag baxsaday, waxaana goobta gaaray Ciidamada Amaanka Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaana socda Howlgal lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka.

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news