Dahabshiil-Gif
 
|

DAG DAG:::Maraakiib Kuwa Dagaalka Ah oo Soo Buux dhaafiyay Xeebaha Gobolka Hobyo

Maraakiib

Wararka Codkamudug Ay Ka Helayso Magaalada Hobyo Ayaa Sheegaya in Maraakiibta Dagaalka Ay Soo Buux Dhaafiyeen Marsooyinka Xeebaha ,Xindawaco,Labad iyo Hobyo iyadoo Sidoo Kalana Ay Diyaarado Jawi Hoose Kusocda Dul Heehaabayaan.

Wariyaheena Cabdale Maxamed Cabdule Oo Kusugan Hobyo Ayaa Soo Sheegaya in Dadka Deegaanadaasi Kusugan Ay Cabsi Soo Food Saartay Kadib Markii Xeebaha Magaalooyinkaasi Ay Kusoo Xirteen Maraakiib Dagaal iyo Diyaarado Jawi Hoose Kusocda.

Lama Oga Sababta Ka Dambaysa in Maraakiib Dagaal Ay Soo Buux Dhaafiyaan Xeebaha Gobolka Hobyo Hase Ahaatee Waxa Ay Kusoo Beegmayaan Xili Deegaano Ka Tirsan Gobolka Mudug Lagu Haysto Ajaanib Afduub Ahaan Ay Uhaystaan Kooxaha Burcad Badeeda Somalida

XAFIISKA WARARKA RADIO-CODKAMUDUG

Nagalasoo Xiriir

Codkamudugfm@gmail.com Ama

Hanadnasta@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news