Dahabshiil-Gif
 
|

Dag Dag:Toogashay Goordhow Ka Dhacday Maraykanka

Wararka naga soo gaaraya dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka California ayaa waxa ay sheegayaan in nin hubeysan oo madow ah uu toogtay Saddex qof oo caddaan ah mid kalena uu dhaawacay.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday goob ay ka socotay ciyaar orod ah , waxaana xilli raggaasi ay ordaayeen toogteen ninka Madowga ah.

Jerry Dyer oo ah taliyaha booliska goobta ay ka dhacday dhacdadaan ayaa waxaa uu sheegay in ninka dilay saddex qof uu ku qaylinaayay kalmad Carabi ah  oo ah” ilaah baa weyn”

Taliyaha ayaa sheegay in ay toogteen ninkaasi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wadaan baaritaano ku aadan in weerarkaan uu ahaa mid Argagaxiso iyo in kale.

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news