Dahabshiil-Gif
 
|

Dagaal ka dhacay Degmada Balcad

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Hoose kadib dagaal khasaare geeystay oo maanta halkaasi ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan  Booliska iyo kuwa Nabadsugida Soomaaliya oo saaka ka soo baxay Magaalada Muqdisho ayaa weeraray Degmada Balacad oo la sheegay inay  gacanta  ku hayeen ciidamo taabacsan Gudoomiyihii hore ee Degmadaasi Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoolwe)  kaasi oo iska diiday inuu xilka wareejiyo.

Ciidamada Dowladda ayaa la xaqiijiyay inay la wareegeen gacan ku hayanta Degmadaasi kadib dagaal mudo kooban socday oo ay la galeen Maleeshiyo uu hogaaminayay Gudoomiyihiii hore ee Degmadaasi ee dhowaan xilka la qadaaday waxaana inta la sheegay dagaalkaasi ku dhintay  hal ruux labo kalana way ku dhaawacmeen.dag

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news