Dahabshiil-Gif
 
|

Dagmada Wargalo oo laga Soo Sheegayo Dad ay Cuntay Shini+ Warbixin

00

Shacabka Ku Nool Degmada Wargalo aya Xiligan Waxa ay Ka Cabanayaan Dhibaato Culus oo ay Ku Hayso Shinida Kadib markii Magaalada Wargalo Lagu Arkay Shini Aad u Farabadan taasi oo Cuntay Qaar ka Tirsan Dadka Ku Nool Wargalo Waxaana Dadkii ay Cunatay Shinida la Jiifiyay isbtitaalka Dagmada Wargalo

Cabdi Naasir Maxamuud oo ka Tirsan Kal Kaaliyaasha ka Shaqeeya isbitaalka Degmada Wargalo aya idaacada Codkamudug Xafiiskeeda Magaalada Gaalkacyo Waxa uu u Sheegay in isbitaalka la Soo jiifiyay in ka badan 6 Ruux oo ay Cuntay Shinida Waxaana uu Tilmaamay in Shinida ay Dhibaato farabadan ay ku hayso Dadka Ku Nool Degmada Wargalo

Shinidan aya Waxa ay Xarumo ka Sameynatay Gudaha Magaalada Gaalkacyo waxaana Shacabka Degmadaasi ku Nool ay Sheegeen in Dad intaa Kabada ay Shinido Cuntay Kuwaasi oo Lagu Hayo Guryaha

Sikastaba Arintan aya Waxa Ay ku Soo Beegmaysa Xili Dhibaato Dhanka Nolasha ah laga Soo Sheegayay Degmada Wargalo

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news