Dastuur Soomaaliya u dan ah miyaa, mise waa mid u danaynaya dano gaar ah
Xildhibaano ka tirsana barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in dastuur aan sax aheyn la hor geeyay maalintii shalay Odoyaasha dhaqanka ee shirku uga soconayo Magaalada Muqdisho.
Kadib markii shalay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda KMG Soomaaliya markii ugu horeysay ay u qeybiyeen Odayaasha dhaqanka eek u shirsan Muqdisho Nuqullo ka mid ah qabyo qoraalka Dastuurka ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay shaaciyeen in dastuurka loo qaybiyay odayaashaasi uu san aheyn dastuurkii ay soo diyaariyeen Gudigga madaxa banaan ee dastuur sameynta.
Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur oo ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya xubinna ka ah gudigga dastuurka oo la hadlay Idaacaddaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dastuur ay saxiixayaasha Roadmap-ka ku soo diyaariyeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya loo qaybiyay odayaasha dhaqanka ee shirka ku leh Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Boot Cabdulle Magan oo isna wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa tilmaamay in Dastuur aan ahayn kii ay soo diyaariyeen gudiga dastuurka Madaxa banaan Odayaasha dhaqanka loo qaybiyay, isagoo intaasi ku daray in dastuurkii in mudada ah lagala tashanayay Shacabka Soomaaliyeed aan la hor geyn odayaasha dhaqanka, Waxaana uu dhinaca kale xusay in dastuurka odayaasha la horgeeyay uu yahay mid qaladaad uu ka buuxo oo aan matali karin aayaha umadda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Shalay ayey ahayd markii Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya iyo Afhayeenka barlamanka ay hor geeyeen odayaasha dhaqanka Nuqullo ka tirsan Qabyo Qoraalka Dastuurka, iyadoo arintaani ay timid xilli uu jiro khilaaf soo kala dhex galay gudigga madaxa banaan ee Dastuur u sameynta Soomaaliya iyo Masu’uuliyiinta DKMG ah, kaasi oo ka danbeeyay markii ay shaaciyeen gudigga madaxa banaan in howshoodii ay ku wareejiyeen guddi farsamo oo ay soo magacaabeen Saxiixayaasha Road-Mapka.
Majiro wax war ah oo uu ka soo saaray gudigga Madaxa banaan ee Dastuur sameyta Nuqullada dastuurka ah ee la hordhigay Odayaasha dhaqanka ee shirku uga soconayo Magaalada Muqdisho ee Caasimad dalka Soomaaliya.
QOFKII RAYILEH WAAGARAN KARAA DADKA WIXII KALA GAAREY. WAANA XALKA UGUDHAW OO LAGUKALA BADBAADIKARO. AMA LAGU KALA BISKOON KARO. FEEDARAALKU WAA MIHIIM.
Dastuur waan lenahay kaana waa lixdankaa mantana waa dastuur shisheeya wata dadka soomaaliyeed waa hal uma baahna federal