dastuurka cusub ee Soomaaliya oo wax yaabo laga badalay
Guddiga Qoraal-qaanuuneedka GMDF iyo GKH ee loo xilsaaray Dib
-u-eegista QDLD Muqdisho, Maarso 2012
FIIRO GAAR AH:
a) EREYADA MIDABKA
BULUUGGA WAA EREYO LAGU KORDHIYEY
b) EREYADA MIDABKOODU
GUDUUDA WAA KUWA NUQULKA ASALKA LAGA TIRAY
Qaybta 1-15
2
QAYBTA KOOWAAD – BAAQA JAMHUURIYADDA ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 10
Qodobka 1aad (4) – Jamhuuriyadda ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 10
Qodobka 2aad (1) -
Mabaadi’da Asaasiga…………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 10
Qodobka 3aad (2) – Dawladda iyo Diinta …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 10
Qodobka 4aad (3) – Sarraynta Dastuurka ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 11
Qodobka 5aad – Afafka Rasmiga ah …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 11
Qodobka 6aad – Calanka iyo Astaanta Qaranka …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 11
Qodobka 7aad – Dhulka Dawladda …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 11
Qodobka 8aad – Shacbiga iyo Jinsiyadda …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 11
Qodobka 9aad – Magaalamadaxda Qaranka ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 12
QAYBTA LABAAD – XUQUUQDA ASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA ……………………………………………………………………………………………………………….. 12
MADAXA KOOWAAD-
MABAADII’DA GUUD EE XUQUUQDA AADANAHA ……………………………………………………………………………………………………………………………………… 12
Qodobka 10aad (16aad) – Karaamada Aadanaha ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 12
Qodobka 11aad (17aad) – Sinnaanta ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 12
Qodobka 12aad (15aad) – Dhaqangelinta Xuquuqda Asaasiga Ah ………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 12
MADAXA LABAAD – XUQUUQDA, XORRIYAADKA AASAASIGA AH EE QOFKA IYO XADDIDAADOODA ………………………………………………………………………………………………….. 13
Qodobka 13aad (18aad) – Xaqa Nolosha …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 13
Qodobka 14aad (19aad) – Adoonsi, Midiidin iyo Ku-shaqaysi Qasab Ah ………………………………………………………………………………………………………………………………….. 13
Qodobka 15aad (20aad) – Xorriyada iyo Nabadgelinta Qofnimada ………………………………………………………………………………………………………………………………………… 13
Qodobka 16aad (21) – Xorriyadda Abuuridda iyo Ka mid noqoshada Ururrada ………………………………………………………………………………………………………………………… 13
Qodobka 17aad (22) – Xorriyadda Diinta iyo Caqiidada…………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 13
Qodobka 18aad (23) -
Xorriyadda Ra’yiga iyo afkaarta ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 14
Qodobka 19aad (24) – Xurmada Hoyga ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 14
Qodobka 20aad (25) – Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareed ………………………………………………………………………………………………………. 14
Qoobka 21aad (26) – Xorriyadda Isu-socodka iyo Degitaanka ………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 14
Qodobka 22aad (27) – Xaqa Ka-qaybgalka Siyaasadda …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 14
Qodobka 23aad (28) – Xorriyadda xirfadda, Shaqada iyo Mihnadda ………………………………………………………………………………………………………………………………………. 15
Qodobka 24aad (29) – Xiriirka Shaqada ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 15
Qodobka 25aad (30)
– Deegaanka …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 15
Qodobka 26aad (31) – Hantida…………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 15
3
Qodobka 27aad (32) – Dhaqaalaha iyo Xuquuqda Bulshada ………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 15
Qodobka 28aad (33) – Daryeelka Qoyska…………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 16
Qodobka 29aad (34)
– Caruurta ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 16
Qodobka 30aad (35) – Waxabarashada ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 16
Qodobak 31aad (36) – Dhaqanka iyo Afka …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 17
Qodobka 32aad (37) – Xaqa helidda macluumaadka …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 18
Qodobka 33aad (38) -
Go’aannada Maamulka ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 18
Qodobka 34aad (39) – Xaqa Dacwadda iyo Isdifaaca ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 18
Qodobka 35aad (40) – Xuquuqda Eedaysanaha ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 19
Qodobka 36aad (41) – Xuquuqda Eedaysanaha ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 19
Qodobka 37aad (41) – Isucelinta Eedaysanayaasha iyo Dembiilayaasha …………………………………………………………………………………………………………………………………. 20
Qodobka 38aad (42) – Qaxootiga iyo Magangelyada ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 20
Qodobka 39aad (43) – Xaddidaadda Xuquuqda ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 20
Qodobka 40aad (44) – Dib-u-xaqsooridda Ku-xadgudubka Xuquuqda …………………………………………………………………………………………………………………………………….. 21
Qodobka 41aad (45) – Fasiraadda Xuquuqda Asaasiga Ah …………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 21
Qodobka 42aad (46) – Guddiga Xuquuqda Aadanaha …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 21
MADAXA SADDEXAAD – WAAJIBAADKA MUWAADDINKA ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 21
Qodobka 43aad (47) – Waajibaadka Muwaaddinka ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 21
QAYBTA SHANAAD – DHUL, HANTIDA IYO DEEGAAN …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 22
Qodobka 44aad (48)
– Dhulka …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 22
Qodobka 45aad (50) – Khayraadka Dabiiciga ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 23
Qodobka 46aad [50 (2); (3); (4)] – Deegaanka ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 24
QAYBTA AFRAAD – MATILAADDA SHACABKA …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 24
M
ADAXA KOWAAD - MABAADI’IDA GUUD EE MATILAADDA SHACABKA………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 24
Qodobka 47aad – Awoodda Shacabka ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 24
M
ADAXA LABAAD - XISBIYADA SIYAASADDA ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 24
Qodobka 48aad (52) – Shuruudaha Xisbiyada ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 24
Qodobka 49aad (52) – Arrimaha ka Reebban Xisbiyada ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 25
Qodobka 50aad (52) – Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 25
Qodobka 51aad (52) – Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda …………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 26
4
Qodobka 52aad (53) – Xeer-dhaqanka Guud ee Xisbiyada Siyaasiga Ah ………………………………………………………………………………………………………………………………….. 26
M
ADAXA SADDEXADD - DOORASHOOYINKA ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 26
Qodobka 53aad – Nidaamka Dorashooyinka ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 26
Qodobka 54aad [51 (1)] -
Mabadi’ida Doorashooyinka …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 26
Qodobka 55aad
– Codbixiyaha ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 26
Qodobka 56aad – Nidaamka Codbixinta ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 27
Qodobka 57aad – Dacwadaha Doorashooyinka …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 27
Qodobka 58aad (54) – Hab-dhaqanka Dooroshooyinka…………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 27
Qodobka 60aad – Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Xisbiyada ……………………………………………………………………………………………………………… 28
Qodobka 61aad – Awoodaha iyo xilalka Guddiga Doorashooyinka iyo Diwaangelinta Xisbiyada …………………………………………………………………………………………………. 28
Qodobka 62aad – Sharciga Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Xisbiyada …………………………………………………………………………………………………. 28
QAYBTA SHANAAD – BAAHSANAANTA AWOODDA DAWLADDA EE JAMHUURIYADDA ………………………………………………………………………………………………………………. 28
MADAXA KOOWAAD – QAABDHISMEEDKA IYO
MABADII’DA WADA-FALGELIDDA HEERKA DAWLADDA ……………………………………………………………………………………………. 29
QODOBKA 63aad
– QAABDHISMEEDKA DAWLADDA ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 29
Qodobka 65aad -
Mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda ……………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 29
Qodobka 66aad [57-(1) & (2)] – Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha federaalka ……………………………………………………………………………………………………………….. 30
Qodobka 67aad [57-(3) & (4)] – Iskaashiga Dawlad-Goboleedyada ………………………………………………………………………………………………………………………………………… 30
Qodobka 68aad (58) – Wada-xaajoodyada Caalamiga ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 31
Qodobka 69aad (60) – Kala qaybinta Awoodaha ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 31
Qodobka 70aad (60) – Awoodaha u gaarka dawlad-goboleedka iyo Dawladda Hoose ………………………………………………………………………………………………………………. 32
Qodobka 71aad – Dawladda Hoose iyo Maamulka ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 34
Qodobka 72aad – Dhaqangellinta Awoodaha wadaagga ah ee sharcidejinta ee dawlad-goboleedyada ………………………………………………………………………………………. 34
Qodobka 73aad – Igmashada Awoodaha…………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 34
Qodobka 74aad – Awoodaha Xukuumada Federaalka ee Taageera Nidaamka Federaalka ………………………………………………………………………………………………………… 35
Qodobka aad – Magaala-madaxda Qaranka ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 35
Qodobka 75aad – Xalinta Khilaafaadka ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 35
Qodobka 76aad – Xuduudaha Gobollada …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 36
Qodobka 77aad – Samaynta Dawlad-Goboleedyo Cusub ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 36
QAYBTA LIXAAD – BAARLAMAANKA FEDERAALKA ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 36
MADAXA KOOWAAD – QODOBBO GUUD …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 36
5
Qodobka 78aad (72) – Golayaasha Barlamaanka Federaalka ………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 37
Qodobka 79aad – Xilgudashada Baarlamaanka Federaalka …………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 37
Qodobka 80aad – Xilka Xeerdejinta ay wadaagaan labada Gole …………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 37
Qodobka 81aad (77) – Shuruudaha Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka………………………………………………………………………………………………………………………….. 37
Qodobka 82aad (78) – SABABAHA LAGU LUMIYO XUBINNIMADA BAARLAMAANKA FEDERAALKA ………………………………………………………………………………………………. 37
Qodobka 83aad (81) – Muddada xilhaynta ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 38
Qodobka 84aad (79) – Xilka Xubnaha Baarlamaanka ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 38
Qodobka 85aad – Guddiyada Wadaagga Baarlamaanka Federaalka ……………………………………………………………………………………………………………………………………… 38
Qodobka 86aad – Hoggaamiyaha Mucaaradka ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 39
MADAXA LABAAD – GOLAHA SHACABKA ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 39
Qodobka 87aad (73) – Xilka Xeerdejinta Golaha shacabka …………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 39
Qodobka 88aad (75) – Tirada xubnaha Golaha Shacabka ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 39
Qodobka 89aad (80) – Afhayeenka iyo Ku-xigeenada Golaha Shacabka ………………………………………………………………………………………………………………………………….. 39
Qodobka 90aad (82) – Kal-Fadhiyada Golaha Shacabka ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 40
Qodobka 91aad (83) – Kala-dirista Gololaha Shacbiga ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 40
Qodobka 92aad (84) – Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka……………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 40
Qodobka 93aad (85) -
Tirada xubnha ay shirarku ku ansaxayaan iyo Go’aan gaarista Golaha Shacabka…………………………………………………………………………………….. 41
Qodobka 94aad – Awoodha Golaha Shacabka ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 41
Qodobka 95aad – Mudnaanta Xildhibaannada Golaha Shacabka …………………………………………………………………………………………………………………………………………… 41
MADAXA SADDEXAAD – XILKA XEERDEJINTA GOLAHA WAKIILLADA DAWLAD GOBOLEEDYADA ……………………………………………………………………………………………………….. 42
Qodobaka 96aad (74) – Xilka Golaha Wakiillada dawlad-goboleedyada ………………………………………………………………………………………………………………………………… 42
Qodobka 97aad (76) – Tirada Xubnaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedyada …………………………………………………………………………………………………………………… 42
Qodobka 98aad
– Afhayeenka iyo ku-xigeenada Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada ………………………………………………………………………………………………………. 42
Qodobka 99aad
– Kalfadhiyada Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada ……………………………………………………………………………………………………………………………. 42
Qodobka 100aad – Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada ………………………………………………………………………………………………………………………. 43
Qodobka 101aad -
Go’aan-qaadashada Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada …………………………………………………………………………………………………………………. 43
Qodoka 102aad (90) – Ka-qaybgalka Wasiirrada ee Fadhiyada Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada ………………………………………………………………………………….. 43
Qodoka 103aad (92) – Mudnaanta iyo Xasaanadda Xubnaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedyada …………………………………………………………………………………….. 43
MADAXA AFRAAD – HABRAACA SHARCIDEJINTA BARLAMAANKA ……………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 44
Qodobka 104aad (87) – Mashruuc sharci-dejin …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 44
Qodobka 105aad – Curinta sharciyada ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 44
Qodobka 106aad – Mashaariicda sharci ee aan saamaynta ku lahayn Dowlad Goboleedyada ……………………………………………………………………………………………………. 44
6
Qodobka 107aad – Mashruuc Sharci oo Saamayn ku leh Heerka dawklad Goboleedyada …………………………………………………………………………………………………………… 45
Qodobka 108aad – Guddiga Dhex-dhexaadinta Baarlammaanka Federaalka …………………………………………………………………………………………………………………………. 45
Qodobka 109aad – Faafinta iyo Xafidaadda Sharciyada ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 46
Qodobka 110aad (88) – Dhaqangelidda Sharciyada ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 46
Qodobka 111aad – Durid Sharci …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 46
QAYBTA TODDOBAAD- (9AAD) – MADAXWEYNAHA JUMHUURIYADDA …………………………………………………………………………………………………………………………………. 46
Qodobka 113aad – Shuruudaha Doorashada Madaxweynenimada ………………………………………………………………………………………………………………………………………… 47
Qodobka 114aad – Doorashada Madaxweynaha …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 47
Qodobka 115aad – Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 47
Qodobka 116 (98) – Muddada Xilka Madaxweynaha ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 48
Qodobka 117aad – Maxkamadeynta iyo Maamus Ka-xayuubinta Madaxweynaha …………………………………………………………………………………………………………………… 48
Qodobka 118aad – Iscasilaadda Madaxweynaha …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 48
Qodobka 119aad – Ku-simaha Madaxweynaha ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 48
Qodobka 120aad – Bannaanaanta Xafiiska Madaxweynaha ………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 48
Qodobka 121aad – Dhaarinta Madaxweynaha …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 49
QAYBTA SIDEED (9) – LAANTA FULINTA ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 49
Qodobka 122aad – Golaha Wasiirada …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 49
Qodobka 123aad – Shuruudoha Xubinnimada Golaha Wasiirada …………………………………………………………………………………………………………………………………………… 49
Qodobka 124aad – Xilalka Golaha Wasiirrada ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 50
Qodobka 125aad (101) -
Xilka iyo Awooda Ra’iisul Wasaaraha ……………………………………………………………………………………………………………………………………………… 50
Qodobka 126aad – Ku-
Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 50
Qodobka 127aad
– Xilka Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiir Dawlaha …………………………………………………………………………………………………………………………….. 50
Qodobka 128aad (111) – Xukuumadda Xil Gaarsiinta ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 51
Qodobka 129aad (112)
– Dhaarta ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 51
QAYBTA SAGAALAAD- AWOODDA GARSOORKA…………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 51
Qodobka 130aad – Awoodda Garsoorka Jamhuuriyada ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 51
Qodobka 131aad – Madaxbannaanida Garsoorka ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 51
Qodobka 132aad – Habka Dacwad Qaadista ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 51
Qodobka 133aad – Nidaamka Maxkamadaha Dalka …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 52
7
Qodobka 134aad – Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 52
Qodobka 135aad – Dacwad Gudbin ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 52
Qodobka 136aad – Dacwad- u-gudbinta Maxkamadaha Kale ………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 53
Qodobka 137aad – Maxkamadda Sare ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 53
Qodobka 138aad – Maxkamadaha Gaarka ah ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 53
Qodobka 139aad – Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadaha Derejada koowaad ……………………………………………………………………………………………………………….. 53
Qodobka 140aad – Xal-dhaqameedka Khilaafaadka …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 53
Qodobka 141aad – Magacaabista Garsoorayaasha ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 54
Qodobka 142aad – Muddo Xileedka Garsoorayaasha …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 54
Qodbka 143aad – Golaha Adeegga Garsoorka …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 54
Qodobka 144aad – Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 55
Qodobka 145aad – Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 55
QAYBTA TOBNAAD – GUDDIYADA MADAXABANNAAN ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 55
Qodobka 146aad -
Mabaadi’da Guud …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 56
Qodobka 147aad – Samayska Guddiyada Madaxabannaan …………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 56
Qodobka 148aad – Magacaabidda Guddiyada …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 56
Qodobka 149aad – Shuruudaha Xubnaha Guddiyada Madaxabannaan ………………………………………………………………………………………………………………………………….. 56
Qodobka 150aad – Muddada Xilka …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 56
Qodobka 151aad – Xil-ka-qaadis ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 56
Qodobka 152aad – Waajibaadka Warbixn …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 57
Qodobka 153aad – Ku-dhaqanka Qaybtan…………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 57
Qodobka 154aad – Xafiisyada Madaxabannaan …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 57
QAYBTA KOW IYO TOBNAAD – SHAQAALAHA RAYIDKA EE DAWLADDA …………………………………………………………………………………………………………………………………. 58
Qodobka 155aad – Qiyamka Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah ………………………………………………………………………………………………………………………………………… 58
Qodobka 156aad – Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah ………………………………………………………………………………………………………………………….. 58
Qodobka 157aad – Magacaabista saraakiisha Darajooyinka sare ………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 58
QodOBKA 158aad – Hawlwadeennada iyo Shaqaalaha Dawladda ………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 58
Qodobka 159aad (65) – Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah ……………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 58
QAYBTA LABA IYO TOBNAAD – DAWLAD-GOBOLEEDYADA …………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 59
8
Qodobka 160aad -
Hay’adaha Dawlad-Goboleedyada ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 59
Qodobka 161aad -
Mabaadi’da Dastuurrada Dawlad-goboleedyada ……………………………………………………………………………………………………………………………………… 59
Qodobka 162aad – Samaynta Dastuurrada Dawlad-goboleedyada ………………………………………………………………………………………………………………………………………… 59
Qodobka 163aad – Wax-ka-bedelidda Dastuurrada Dawlad-goboleedyada …………………………………………………………………………………………………………………………….. 59
QAYBTA SADDEX IYO TABNAAD – MAALIYADDA GUUD ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 60
Qodobka 164aad -
Mabaadi’da Maaliyadda Guud ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 60
Qodobka 165aad – Awoodaha Dakhli-ururinta …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 60
Qodobka 166aad – Canshuur-soo-rogidda …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 61
Qodobka 167aad – Noocyada Qaybinta Dakhliga Dawladda Federaalku Siiso Dawladaha Kale ………………………………………………………………………………………………….. 61
Qodobka168aad -
Mabaadi’da Hagaysa Qaybinta Lacagaha ………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 61
Article 169 aad
– Amaahashada ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 61
Qodobka 170aad – Qasnadda Guud ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 62
Qodobka 171aad – Qaybinta iyo Qoondaynta Dakhliga ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 62
Qodobka 172aad – Dibu-u-dhisidda iyo Horumarinta degaannada dib-u-dhacsan ……………………………………………………………………………………………………………………. 62
Qodobka 173aad – Miisaniyadda Sanadlaha ee Federaalka …………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 62
Qodobka 174aad – Kharaj Gelidda Ka Hor Ansixinta Barlamaanka ee Miisaaniyad Sanadeedka …………………………………………………………………………………………………. 62
Qodobka 175aad – Kharajyada Lama-filaanka ah ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 63
Qodobka 176aad – Xisaabaadka iyo Hanti-
dhawrka Hay’adaha Dawladda ……………………………………………………………………………………………………………………………… 63
Qodobka 177aad – Heshiisyada Badeecadaha iyo Adeegyada ……………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 63
Qodobka 178aad – Guddiga Maaliyadda …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 63
Qodobka 179aad – Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 64
Qodobka 180aad – Bangiga Federaalka ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 64
Qodobka 181aad – Khayraadka Dalka ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 64
Qodobka 182aad – Sharcidejinta Federaalka ee Arrimaha Maaliyadda …………………………………………………………………………………………………………………………………… 65
Qodobka 183aad
– Kaydka Qaranka ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 65
QAYBTA AFFAR IYO TABNAAD – NABADDA IYO AMNIGA ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 65
Qodobka184aad – SUGGIDDA AMNIGA JAMHUURIYADDA ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 65
Qodobka 185aad (164) -
Mabaadi’id Ciidamada Amniga ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 66
Qodobka 186aad (165) – Ku-tagrifalidda Awoodeed …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 66
Qodobka 187aad -
Hay’adda Garddonka (Ombudsman) ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 67
9
Qodobka 188aad (166) – Amarro Sharcidarro ah oo Cad ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 67
Qodobka 189aad (167) – Kormeerka Rayidka ee Ciidammada Amniga ……………………………………………………………………………………………………………………………………. 67
Qodobka 190aad (163)
– Waajibaadka iyo Kormeerka Xakameeynta Cidamadda Xoogga Dalka………………………………………………………………………………………………… 67
Qodobka 191aad – Waajibaaka Ciidanka Booliska Federaalka ………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 68
Qodobka 192aad – Booliska Dowlad Goboleeydka ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 68
Qodobka 193 – Dhismaha iyo waajibaadka Ciidanka Nabadsuggidda …………………………………………………………………………………………………………………………………….. 68
Qodobka 194aad – Ciidanka Asluubta Federaalka ………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………… 68
Qodobka 195aad – Cidanka Asluubta Dowlad Goboleedka ……………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 69
Qodobka 196aad – Guddiga Adeegga Ciidammada Amniga ………………………………………………………………………………………………………………………………………………….. 69
Qodobka 197aad (169) – Xaaladda Degdegga Ah …………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………. 69
Qodobka 198aad (170) – Sharcidejinta Arrimaha Nabadda iyo Amniga …………………………………………………………………………………………………………………………………… 70
10
Soojeedinta
Fiiro
QAYBTA KOOWAAD – BAAQA JAMHUURIYADDA
Qodobka 1aad (4) – Jamhuuriyadda
1.
Soomaaliya waa Jamhuuriyad leh gobannimo, federal ah, dimoqraaddi ah, oo ku dhisan matilaadda dadweynaha loo dhan yahay oo ku salaysan nidaamka axsaabta badan iyo cadaalad bulshadeed.
2.
Allahu Subxaanahu wa Tacaalaa ka sokow (swt), awoodda oo dhan waxa leh Shacbiga, wuxuuna ugu isticmaalayaa si toos ah iyo isagoo u adeegsanaya hayadihiisa uu u xilsaartay, si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda. Waxaa reeban in qof ama qayb ka mid ah bulshada sheegato gobannimada dawladda ama u adeegsadaan si u gaar ah.
3. Gobannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma-xadgudbaan.
Qodobka 2aad
(1) - Mabaadi’da Asaasiga
1.
Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNK), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka) shareecada iyo caddaaladda bulshada.
2.
Soomaaliya waa dal Islaam ah, kana mid ah umadaha Afrikaanka iyo Carabta.
3.
Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirrigelinayaa xuquuqda aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi, kala-soocidda awoodaha sharcidejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaya danaha dadweynaha.
4.
Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, gaar ahaan jagooyinka laysu doorto iyo kuwa laysu magacaabo ee saddexda laamood ee dawladda iyo Guddiyada Madaxbannaan ee Qaranka.
Qodobka 3aad (
2) – Dawladda iyo Diinta
1. Islaamku waa Diinta Dawladda.
2. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.
3. Lama soo saari karo sharci aan
waafaqsanayn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiidadeeda
11
Qodobka 4aad
(3) - Sarraynta Dastuurka
1.
Shareecada ka sokow, Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayeyna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dawladda oo dhan.
2. Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka, maxkamad
awood u leh ayaa burrin karta, si waafaqsan dastuurkan.
Qodobka 5aad -
Afafka Rasmiga ah
Afafka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Af-soomaaliga (Maay iyo Maxaa tiri) Iyo Carabiga.
Qodobka 6aad -
Calanka iyo Astaanta Qaranka
1. Calanka Jamhururiyadda Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta A ee Jadwalka koowaad, waa laydi buluug furan ah oo ay dhexda kaga taal xiddig cad oo shangees ah, madaxyo simanna leh.
2. Astaan Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee Jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay.
3.
Baarlamaanka ayaa sharci gaar ah soo saaraya Heesta Qaranka, billadaha sharfta iyo maamuuska ay mudan yihiin calanka iyo heesta qaranka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Qodobka 7aad – Dhulka Dawladda
1.
Gobannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda Somaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Somaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.
2.
Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.
Qodobka 8aad -
Shacbiga iyo Jinsiyadda
1.
Shacbiga Soomaaliyeed waa mid lamana kala qaybin karo, wuxuuna ka kooban yahay dhammaan muwaadiniinta.
2.
Jinsiyadda Soomaaliyeed waa mid qur ah, sharci gaar ah ayaana xaddidaya sida lagu helayo, lagu laalayo ama lagu waayayo.
3.
Qof leh jinsiyadda soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad
12
dal kale
.
4.
Diidmada, laalista iyo ka qaadista jinsiyadda laguma xiri karo asbaabo siyaasadeed.
Qodobka 9aad – Magaalamadaxda Qaranka
1. Muqdisho oo loo yaqaanno Xamar waa Magaalomadaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya.
2. Maqaamka ay Magaalomadaxdu ku leedahay qaabdhismeedka federaalka ee Jamhuuriyadda waa in lagu soo saaraa sharci gaar ah.
QAYBTA LABAAD – XUQUUQDA ASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
MADAXA KOOWAAD-
MABAADII’DA GUUD EE XUQUUQDA AADANAHA
Qodobka 10aad
(16aad) – Karaamada Aadanaha
1.
Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu wa tacaalaa ku mannaystay qof kasta oo Banii’aadan ah, xuquuqda aadanahuna deeqdaas ayey ka dhalataa.
2. Karaamada Aadanaha waa laguma xadgudbaan, dhowristeeduna waa waajib saran dadka oo dhan.
3.
Awoodda Dawladda waa in aan marnaba loo isticmaalin meel-uga-dhicid karaamada aadanaha.
Qodobka 11aad
(17aad) – Sinnaanta
1. Muwaaddiniinta oo dhan, iyogoo aan loo eegin lab iyo dheddig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafanimo, xirfad, dhalasho iyo afguri toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa.
2.
Waa fal takoorid ah haddi natijidiisu noqoto is’hortaag ama ciriiriggelin xaqa qofka, xataa haddii falka si ulakac ah aan loo samayn.
3.
Waa in aan loo arkin fal takoorid ah barnaamijyada dawladda ee loo qorsheeyey in sinnaan buuxda lagu gaarsiiyo dad ama kooxo horay loogu geystey takoorid ama ku sugan xaalad dib-u-dhacsan.
Qodobka 12aad
(15aad) – Dhaqangelinta Xuquuqda Asaasiga Ah
1. Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyada lagu aqoonsaday
qaybtan waa in la dhowraa marka kasta oo sharci la dejinaayo lana fulinayo. Sidoo kale, qof kasta, hay’adaha Dawladda ee heer kasta iyo hay’adaha gaarka ah iyo saraakiisha dawladdu marka ay gudnayaan xilkooda waa in ay ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ah.
2. Waajibaadka Dawladdu kuma koobna in ay dhawrto xuquuqda dadka, balse waa in ay qaaddo tallaabooyin maangal ah oo lagu ilaalinayo in xadgudub uga yimaado cid kale.
13
3. Xuquuqda lagu aqoonsaday cutubkan sharci uun baa lagu xadeyn karaa sida ku xusan
Qodobka 43.
MADAXA LABAAD – XUQUUQDA, XORRIYAADKA AASAASIGA AH EE QOFKA IYO XADDIDAADOODA
Qodobka 13aad
(18aad) - Xaqa Nolosha
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol.
Qodobka 14aad
(19aad) – Adoonsi, Midiidin iyo Ku-shaqaysi Qasab Ah
Sinaba qof looma addoonsan karo, midiidin lagama dhigan karo, lagama ganacsan karo, qasabna looguma shaqaysan karo.
Qodobka 15aad
(20aad) – Xorriyada iyo Nabadgelinta Qofnimada
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah iyo nabagelyada qofnimadiisa
.
2. Waxaa reeban qaab kasta oo jirdil ah,
qaab kasta oo cunfi ah, xarig sharcidarro ah, iyo kula-dhaqan ama ciqaab naxariis darro ah oo lid ku ah aadaminimada.
3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay badqabka jirkiisa waana laguma xadgudbaan. Qofna laguma qasbi karo in lagu sameeyo tijaabo takhtareed ama mid cilmibaariseed, haddii qofka ama xigtadiisa dhowi aynan oggolaanin ama aysan jirin talo uu bixiyey xeeldheere caafimaad marka uusan qofku sharciyan awood u lahayn inuu wax ogolaado.
4. Gudniinka
gabdhaha waa reeban yahay.
5. Soo rididda ilmuhu waa arrin ka soo horjedda Shareecada, waana reebban tahay aan ka ahayn xaalad caafimaad aan looga maarmin badbaadinta nolosha hooyada.
Qodobka 16aad
(21) – Xorriyadda Abuuridda iyo Ka mid noqoshada Ururrada
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro dad kale ama urur. Xaqaas waxaa ka mid ah inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururro shaqaale iyo axsaabta siyaasiga. Wuxuu kaloo xor u yahay in uusan cidna ku biirin, lagumana qasbi karo.
Qodobka 17aad (
22) – Xorriyadda Diinta iyo Caqiidada
1. Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku dhaqmo diintiisa.
2. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.
14
Qodobka 18aad
(23) – Xorriyadda Ra’yiga iyo afkaarta
1.
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ra’yigiisa soo bandhigo iyo in uu qaab kasta u gudbiyo warka iyo afkaarta uu qabo, haddii aysan wax u dhimayn anshaxa bulshada iyo ammaanka dadweynaha.
2.
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu raadsado, helana afkaar.
3.
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed.
Qodobka 19aad
(24) - Xurmada Hoyga
1. Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah lama geli karo, lama baari karo lamina basaasi karo
amar garsoore oo sababaysan la’aantiis.
2. Waxaa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo degenaha hoyga amarka garsooraha, baarahana waxaa ka reeban ku xadgudbka sharciga.
Qodobka 20aad
(25) – Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareed
1.
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn, haddii uusan ka hor imaan shuruucda ilaalisa anshaxa ama xasiloonida guud.
2.
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda.
Qoobka 21aad
(26) – Xorriyadda Isu-socodka iyo Degitaanka
1. Qof kasta oo si sharci ah ku deggan dhulka Jamhuuriyaddu wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex-socon karo meel kasta oo dalka ka mid ah, kana bixi karo.
2. Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay soo-gelidda iyo joogitaanka waddanka iyo inuu helo Baasabboor.
Qodobka 22aad
(27) – Xaqa Ka-qaybgalka Siyaasadda
1. Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha guud ee dadweynaha. Xaqakan waxaa ka mid ah:
(a) inuu samaysan karo ama ka mid noqon karo xisbi siyaasadeed, kana qayb-qaadan karo hawlihiisa
(b) in xisbi siyaasadeed gudihiisa looga dooran karo jago kasta;
15
2. Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha sharciga tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto
3.
Xuquuda ku xusan faqradaha (1) iyo (2) ee qodobkan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan dastuurkan iyo sharci baarlamaanku ansixiyo.
Qodobka 23aad
(28) – Xorriyadda xirfadda, Shaqada iyo Mihnadda
Muwaaddin kasta wuuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u doorto xirfadda, shaqada ama mihnadda uu rabo.
Qodobka 24aad
(29) - Xiriirka Shaqada
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xiriir shaqo caadil ah.
2. Qof kasta oo shaqaale ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro, kuna biiro urur shaqaale, kana qayb-galo hawlaha ururkaas.
3. Shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay shaqo-joojin.
4. Urur shaqaale, ama mid loo-shaqeeyayaasha amase loo-shaqeeyaha waxay xaq u leeyihiin inay galaan gorgortan-wadareed ku saabsan arrimaha shaqada.
Qodobka 25aad
(30) – Deegaanka
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed
oo laga ilaaliyey wasakhda iyo waxyaalaha halista ah.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu wax ka helo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyadoo laga
ilaalinaayo ka faa’ideysi xad-dhaaf ah oo deegaanka waxyeello u geysan kara.
Qodobka 26aad
(31) - Hantida
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahy in uu hanti yeesho, ku dhaqmo, ku naalloodo, iskana gado ama iska wareejiyo markuu doono.
2. Dawladdu waxay si qasab ah hanti kula wareegi kartaa marka ay jirto dan guud. Qof kasta oo hantidiisa dan guud awgeed loola wareegey wuxuu Dawladda xaq ugu leeyahay magdhaw caadil ah oo lagu heshiiyey
ama ay maxkamadi go’aamisey.
3. Faqradda 1 iyo 2 ee qodobkan laguma dhaqayo arrimaha ku xusan qodobka 49.
Qodobka 27aad
(32) – Dhaqaalaha iyo Xuquuqda Bulshada
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay heer-nololeed habboon oo ay ka mid yihiin cunto ku filan, biyo nadiif ah iyo hoy.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay dareyeel caafimaad.
3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay daryeel bulsho oo dhammaystiran.
4. Xuquuqada lagu aqoonsaday qodobkan waxaa ka mid ah xaqa qof kastaa uu u leeyahay
inuu si sharciga waafaqsan u ilaashado, raadsado, si buuxdana xuquuqdaas u gaaro, iyadoo aanay dawalddu ama cid kale ku soo faraggelin.
5. Xuquuqda lagu aqoonsaday qodobkan waxay dawladda ku waajibinayaan:
16
(a) In ay hubiso inaan xuquuqdan cid kale aysan faraggelin ku yeelan; iyo
(b) In ay dejiso barnaamij hormarineed oo xuquuqdan lagu fulinaayo, hadba intii awooddeeda dhaqaale u suurraggelin karto.
Qodobka 28aad
(33) – Daryeelka Qoyska
1. Guurku waa aasaaska qoyska oo ah saldhigga bulshada, ilaalintiisuna waa waajib saaran Dawladda.
2. Dowladdu waa in ay daryeeshaa Hooyada iyo Dhallaanka.
3. Ubad kastaa wuxuu waalidkiis xaq ugu leeyahay xannaano ay ka mid tahay waxbarasho iyo barbaarin. Haddiise xannaanadaas uu ka waayo degaanka qoyskiisa waa in loo yeelo cid kale oo daryeesha. Isla xuquuqdan oo kale ayay lee yihiin carruurta dariiq-joogga ah iyo kuwa aan waalidkood la aqoonnin, Dawladda ayaana si gaar ah ugu xilsaaran inay xuquuqdooda ilaaliso, si buuxdana ay u helaan.
4. Waalidka aan iskood isugu filnayni waxay dhashooda qaangaarka ah xaq ugu leeyihiin inay daryeelaan.
Qodobka 29aad
(34) – Caruurta
1. Ubad kastaa markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay inuu helo magac
suuban iyo jinsiyad.
2. Ubad kastaa wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqanxumo, dayacaad, xadgudub ama liiditaan.
3. Carruurta looma diri
karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku habboonayn da’dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda ama koritaankooda.
4. Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale, lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogal ah loo war-geliyaa.
5. Ubadku waxay xaq u lee yihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo kharajkeeda ay Dawladdu bixiso, si ay uga bedbaadaan dacwad kasta oo caddaaladarro u keeni karta.
6. Carruurtu waxay xaq u lee yihiin in laga ilaaliyo, loona adeegsan dagaallada hubaysan.
7. Danta carruurta ayaa mar walba mudnaan leh markay joogto arrin kasta oo maslaxaddooda khusaysa.
8.
Ereyga “carruur” ee qodobkan ku xusan waxaa looga jeedaa qof da’diisu ka yar tahay 18-jir.
Qodobka 30aad
(35) – Waxabarashada
1.
Waxbarashada waxaa loo aqoonsanayaa xuquuqda aasaasiga ay leeyihiin dhammaan muwaadiniinta Soomaaiiyeed.
2.
Dhammaan muwaadiniinta waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho lacag la’aan ah ilaa iyo dugsi sare.
3.
Dowladda waxay mudnaan sinaysaa horumarinta, baahinta iyo fidinta waxbarashada dadweynaha.
4.
Waa in lagu dhisaa dugsiyada gaarka ah, machadyada iyo jaamacadaha si sharciga waafaqsan isia markaana la socdaan barnaamijyada iyo manaahijta waxbarashada dalka.
5.
Dowladdu waxay dhiirigelineysaa sare-u-qaadidda cilmi-baarista, halabuurka iyo farshaxanka, horumarinta ciyaaraha hiddaha & dhaqanka, isboortiga iyo dhaqanka suuban ee dadka Soomaaiiyeed.
6.
Dowladda waxay dugsiyada dalka oo dhan ka hirgelinaysaa manhaj midaysan, waxayna hubinaysaa dhaqangelkiisa.
17
7.
Dowladda waxay kobcinaysaa waxbarashada sare, machadyada farsamada, tiknoolijiyadda iyo xarumaha cilmi-baarista.
8.
Waxaa qasab ah in la baro diinta Islaamka caruurta dugsiyada dowladda iyo kuwa gaarka ah. Arrimmahan laguma dabaqi karo dugsiyadda ay leeyihiin dadka aan Muslimka ahayn.
Qodobak 31aad
(36) – Dhaqanka iyo Afka
1.
Dawladdu waa in ay horumarisaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Shacsiga Soomaaliyeed, iyadoo ku dadaaleysa in ay bulshada ka suuliso caadooyinka haraaga ah iyo kuwa dhowaan soo baxa ah ee wax u dhimaya midnimada, ilbaxnimada iyo caafimaadka bulshada.
2.
Dawladdu waa in ay ururisaa, ilaalisaa, kaydisaa waxyaabaha iyo xarumaha taariikhiga ah ee dalka, iyadoo horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo.
3.
Dawladdu waa in ay hormarisaa dhaqammada iyo afguriga dadka laga tira badan yahay
4.
Xuquuqda qodobkan ku xusan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan xuquuda asaasiga ah ee Dastuurkan lagu aqoonsaday.
18
Qodobka 32aad
(37) – Xaqa helidda macluumaadka
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo
macluumaadka ay dawladdu hayso.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka macluumaadka ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo
xuquuq kastoo kale daw loo leeyahay.
3. Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci lagu hirgelinayo
xaqa macluumaad helidda.
Qodobka 33aad
(38) – Go’aannada Maamulka
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in go’aamada kasoo fula maamullada ay ahaadaan kuwo ku dhisan sharci, maangal ah, go’aan gaaristoodana loo maray hannaan caadil ah.
Qodobka 34aad
(39) – Xaqa Dacwadda iyo Isdifaaca
1.
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay
inuu dacwad sharciga waafaqsan ka furto maxkamadaha awoodda u leh
2.
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu helo garsoor madax bannaan, caaddil ah, aan eex lahayn, laguna qaadayo maxkamad dadweynaha u furan, laguna galo waqti macquul ah, ama golihii kale ee awood go’aan gaaris ah u leh:
19
(a) Arrin kastoo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka madaniga; ama
(b) Fal dembiyeed kasta oo kale lagu soo oogay, ciqaabna lagu mutaysanayo.
3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahey inuu iska difaaco dacwadda uu danaynayo, heer iyo darajo kasta oo ay taagan tahay.
4. Xaaladaha sharciga tilmaamo, dawladdu waxay kafaalo-
qaadaysaa inay bixiso difaac lacag la’aan ah.
Qodobka 35aad
(40) – Xuquuqda Eedaysanaha
1.
Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof barii’ ah ama oo aan dembi gelin ilaa maxkamadi si kama-dambeys ah ugu caddayso dembiga loo haysto;
2.
Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa af uu garanayo.
3.
Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa.
4.
Qofna laguma qasbi karo dembi-qirasho, xukunkiisana saldhig looga dhigin qiraal lagu qasbay.
5.
Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh.
6.
Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaadaa wuxuu xaq u leeyahay in uu qabsado qareen difaaca, haddii uusan awood u lahaynna ay dawladdu u qabato.
7.
Qof kasta oo maxkamad lagu soo taagey tuhun fal dembi-ciqaabeed waxa uu xaq u leeyahay garsoor caaddil ah.
8.
Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado dacwaddiisa.
9.
Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco caddaymaha la soo hordhigay ee lidka ku ah.
10.
Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in loo qabto turjubaan haddii uusan garanayn afka maxkamadda laga isticmaalayo.
11.
Eedeysanaha laguma hayn karo goob aan sharcigu bannayn, waa in loo oggolaado booqashada eheladiisa, takhtarkiisa iyo qareenkiisa
12.
Masuuliyada ciqaabatu waa shakhsi, qofna looma ciqaabi karo fal-dembiyeed uu galay qof kale.
13.
Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay uusan sharciga uusan dembi u aqoonsaneyn, haddii uusan ahayn dembi ka soo horjeeda banii’aadaminnimada, laguna cadeeyey qawaaniinta dawliga ah.
Qodobka 36aad
(41) – Xuquuqda Eedaysanaha
1.
Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof barii’ ah ama oo aan dembi gelin ilaa maxkamadi si kama-dambeys ah ugu caddayso dembiga loo haysto;
2.
Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa af uu garanayo.
3.
Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa.
4.
Qofna laguma qasbi karo dembi-qirasho, xukunkiisana saldhig looga dhigin qiraal lagu qasbay.
20
5.
Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh.
6.
Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaadaa wuxuu xaq u leeyahay in uu qabsado qareen difaaca, haddii uusan awood u lahaynna ay dawladdu u qabato.
7.
Qof kasta oo maxkamad lagu soo taagey tuhun fal dembi-ciqaabeed waxa uu xaq u leeyahay garsoor caaddil ah.
8.
Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado dacwaddiisa.
9.
Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco caddaymaha la soo hordhigay ee lidka ku ah.
10.
Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in loo qabto turjubaan haddii uusan garanayn afka maxkamadda laga isticmaalayo.
11.
Eedeysanaha lauma hayn karo goob aan sharcigu bannayn, waa in loo oggolaado booqashada eheladiisa, takhtarkiisa iyo qareenkiisa
12.
Masuuliyada ciqaabatu waa shakhsi, qofna looma ciqaabi karo fal-dembiyeed uu galay qof kale.
13.
Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay uusan sharciga uusan dembi u aqoonsaneyn, haddii uusan ahayn dembi ka soo horjeeda banii’aadaminnimada, laguna cadeeyey qawaaniinta dawliga ah.
Qodobka 37aad
(41) – Isucelinta Eedaysanayaasha iyo Dembiilayaasha
1. Isucelinta eedeysanayaasha
iyo dembiilayaasha waxaa lagu oggoolaan karaa oo keliya si waafaqsan sharciga, iyo uu jiro heshiis isu-celin ay Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.
2. Isucelinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in baarlamaanku soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha.
Qodobka 38aad
(42) – Qaxootiga iyo Magangelyada
1. Qof kasta oo Soomaaliya ku soo gala qaxootinnimo wuxuu xaq u leeyahay in aan dib loo celin ama aan loo qaadin dal kale, haddii ay jirto cabsi muuqata oo ah in uu la kulmayo ciqaab.
2. Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci waafaqsan qaanuunka caalamiga ah; kaas oo nidaaminaya qaxootiga ama magangelyo-doonka.
Qodobka 39aad
(43) – Xaddidaadda Xuquuqda
1.
Xuquuqda lagu sheegay qaybtan waxaa xaddidi kara sharciga, haddii sharcigaasi uusan si gaar ah u bar-tilmaameedsanayn shakhsiyaad ama kooxo.
2. Xuquuqdan waxaa xaddidaya sharciga, ama wax si gooniya looga soo reebay ama arrimo gaar ah oo lagu xusay cutubkan, waase haddii xaddidaaddaasi ay tahay maangal la caddayn karo, lana aqbali karo, si waafaqsan qiyamka lagu qeexay Dastuurka.
3.
Marka go’aan laga gaarayo in xadeynta xuquuqdu ay noqoto mid la aqbali karo oo maangal ah, waa in la tixgeliyaa dhammaan arrimha la xiriira xadeyntaas.
4. Arrimaha la xiriira waxaa ka mid ah dabeecadda iyo ahmiyadda xuquuqda la xaddidey iyo muhimmadda ujeeddo la rabo in lagu gaaro xaddidaadda; ha ahaato xadeyntaasi mid habboon in lagu gaaro ujeeddada
21
ama ha ahaato mid isla ujeeddadaas lagu gaari karaayey iyadoo aan la xaddidin xuquuqdaas.Xaddididda suurtogalka ah ee xuquuqda asaasiga ah ee muwaaddinka xilliga xaaladda degdegga waxaa lagu sheegay Cutubka 15, qodobka 169.
Qodobka 40aad
(44) – Dib-u-xaqsooridda Ku-xadgudubka Xuquuqda
1. Sharcigu waa in uu qeexaa habraac habboon oo lagu saxayo xadgudubyada xaquuqda aadanaha.
2. Dib-u-xaqsooridda xadgudubyadaas waa in lagu galaa maxkamad ay dadku si fudud dacwad uga furan karaan.
3. Qof ama urur kastaa wuu tegi karaa maxkamad, si uu u difaaco xuquuqda dadka kale ee aan awoodin
in ay iskood isu difaacaan
Qodobka 41aad
(45) – Fasiraadda Xuquuqda Asaasiga Ah
1. Marka la fasiraayo xuquuqda ku xusan qaybtan waa in maxkamaddu
ay raadiso gaaritaanka ujeeddooyinka laga leeyahay xuquuqdaas iyo qiyamka ay xambaarsan yihiin.
2. Fasiraadda xuquuqdan waxay maxkamaddu tixgelineysaa Shareecada, qaanuunka caalamiga ah iyo
go’aannada maxkamadaha dalal kale, inkasta oo ayan qasab ku ahayn inay raacdo go’aannadooda.
3. Marka guud ahaan sharci la fasiraayo ama la dhaqan-gelinaayo, maxkamad kasta ama madal kaleba waa in
ay tixgelisaa muhimmada qodobbada qaybtan, intii suurtagal ahna go’aannadooda ka dhigaan kuwo la socon kara qodobadani.
4.
Xuquuqda asaasiga ah ee ku xusan qaybtan kama hor-imaaan karaan xuquuqda kale ee Shareecada Islaamku jideysey iyo xeer-dhaqameedka la jaanqaadi kara Shareecada iyo Dastuurka.
Qodobka 42aad
(46) – Guddiga Xuquuqda Aadanaha
1.
Dawladdu waa in ay dhistaa Guddi Xuquuqda Aadanaha u qaybsan oo ka madax bannaan maamulka dawladda, lehna ilo dhaqaale oo uu si habsami leh ugu fuliyo hawlihiisa.
2.
Hawlaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha waa in ay ku jiraan horumarinta aqoonta xuquuqda aadanaha iyo, gaar ahaan, Shareecada, asaga oo u dejinaaya halbeegyada dhaqangelinta lagu hirgelinaayo waajibaadka xuquuqda aadanaha; dabagelidda xuquuqda aadanaha ee dalka gudihiisa iyo baarista eedaha la xiriira xuquuqda aadanaha.
MADAXA SADDEXAAD – WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
Qodobka 43aad
(47) – Waajibaadka Muwaaddinka
1.
Sida Diinta Islaamku qabto, caddaaladda waxay ku jirtaa isu-dheellitirnaanta xuquuqda iyo waajibaadka
2. Ku-dhaqanka sinnaanta, xorriyaadka iyo xuquuqda lagama sooci karo waajibaadka. Sidaas darteed, muwaaddin kasta waxaa waajib ku ah :-
22
(a) In uu noqdo waddani daacad u ah horumarinta iyo wanaagga dalkiisa;
(a) In uu ka qayb-qaato hawlaha waxtarka u leh muwaaddinka, qoyska, wanaagga guud iyo in uu ka qayb-qaato horumarinta qaranka iyo bulshada uu la nool yahay;
a)
In uu horumariyo mas’uuliyadda waalidnimo;
b)
In uu dhiiriggeliyo midnimada qaranka, isaga oo kaashanaya muwaaddiniinta kale;
c)
In uu horumariyo mabda’a laxisaabtanka iyo talinta sharciga;
d)
In uu noqdo qof aqoon u leh qodobbada Dastuurka, si daacad ahna uu u taageero, una difaaco Dastuurka iyo shuruucda dalka;
e)
In uu guto waajibka codbixinta xilliyada doorashada;
f)
In uu noqdo canshuur-bixiye wanaagsan, si uu uga qayb-qaato kharajka Dawladda si waafaqsan awooddiisa waxbixineed iyo sharciga;
g)
In uu difaaco dhulka Jamhuuriyadda.
QAYBTA SHANAAD – DHUL, HANTIDA IYO DE
EGAAN
Qodobka 44aad
(48) – Dhulka
1. Dhulku waa kheyraadka koowaad ee Soomaaliya iyo saldhigga nolosha dadka. 2. Dhulka waa in loo haystaa, loo adeegsada, loona maamulaa si caddaalad ah, waxtar
leh iyo wax- soosaar joogto ahna leh;
3. Dawladda federaalku waa inay dejiso siyaasad dhuleed oo heer qaran ah oo si joogto ah dib-u-eegis loogu sameeyo. Siyaasadaasi waa in ay xaqiijiso:
a) U sinnaanshaha fursadaha helitaanka dhulka iyo ka faaiideysiga kheyraadkiisa .
b) Damaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta;
c) Xaqiijinta ka faaiideysiga dhulka si wa
afaqsan mabaadii’da ka dheefsashada dhulka iyadoon dhibaato loo geysan. d) In si degdeg ah oo lagu wada qanci karo loo xalliyo khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida.
e) In la xaddido dhulka uu qof ama shirkadi yeelan karaan;
f) In la nidaamiyo dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago ku-takrifalida xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.
4. Lama bixin karo ruqsad la xiriirta isticmaalka abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sharci Baarlamaanka Federaalka soo saaro ayaa xaddidi baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalkooda.
5. Kala qeexidda awoodaha dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada ee la xiriira maamulka iyo maaraynta waxay ku tilmaaman yihiin lifaaqa 2-aad.
23
Qodobka 45aad
(50) – Khayraadka Dabiiciga
1. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka sida macdanta, biyaha, dhirta, daaqa iyo duur-joogtada waa hanti
dadweyne. Waa in uu Baarlamaanka Federaalku dejiyaa sharci tilmaamaya habka looga faa’ideysanayo khayraadkaas, si ay ku jirto danta guud.
2. Baarlamaanka Federaalka waa inuu dejiyaa sharci qeexaya sida ay kala yeelanayaan dawladda federaalka, Dawlad Goboleedyada iyo Maamulada Degaanada dakhliga ka soo baxa shidaalka, macaadiinta iyo rukhsadaha kalluumaysiga.
24
Qodobka 46aad
[50 (2); (3); (4)] – Deegaanka
1. Xukuumadda federaalku waxay mudnaan siinaysaa ilaalinta, keydinta iyo dhawrista d
eegaanka, iyadoo laga ilaalinayo wax kasta oo wax u dhimaya kala-duwanaanshaha noole ee dabiiciga ah iyo qaab-dhismeedka dabiiciga ah ee deegaanka.
2. Dhammaan dadka ku nool Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa waajib ku ah ilaalinta iyo kobcinta d
eegaanka Iyo ka-qaybgalka horumarinta, fulinta, maareynta, xannaanaynta iyo dhawrista kheyraadka dabiiciga ah iyo deegaankaba.
3. Xukuumadda federaalka iyo xukuumadaha Dawlad-goboleedyada ee waxyeellada deegaanku ay saameeyeen waa in ay:
a)
Qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu dhaqangelinaayo nadiifinta wasakhda iyo haraaga sunta halista ah ee lagu shubay dhulka iyo biyaha Jamhuuriyadda;
b)
Dejiyaan sharci, qaaddaana tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah ee looga hortegayo ku-daadinta iyo ku xabaalidda wasakhdaas; taasoo xeer-jebin ku ah qaanuunka dawliga ah iyo ku-xadgudub gobannimada Jamhuuriyadda.
c)
Qaaddaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah in laga qaado magdhaw kuwa masuulka ka ah ku-daadingta iyo ku xabaalidda wasakhadaas; ha joogeen Jamhuuriydda gudaheeda ama meel kale.
d)
Qaaddaan tallaabooyinka lagama-maarmaanka u ah dib-u-noolaynta, dib-u- dhiraynta, kor-u-qaadidda iyo ilaalinta deegaanka, iyo ka hortaga wixii waxyeellayn kara khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka dalka.
QAYBTA AFRAAD – MATILAADDA SHACABKA
Madaxa Kowaad -
Mabaadi’ida Guud ee Matilaadda Shacabka
Qodobka 47aad – Awoodda Shacabka
1. Awoodda talintu waxay ka bilaabataa kuna dhammaataa shacabka, asaga oo adeegsanaya awoodda ah in
markasta oo loo baahdo uu hay’adaha iyo wakiillada shacabka uu ku oogi karo la xisaabtan.
2. Nidaamka matilaadda shacabka waa in uu ahaado mid furan oo qof kasta fursad u siinaya inu ka qayb-qaato, habraacoyadiisa iyo xeerarkiisana si fudud loo fahmi karo.
3. Nidaamka matilaado waa inuu ahaadaa mid ka hortegi kara qalalaase ka dhasha tartanka siyaasadda iyo natiijooyinka doorashada
.
Madaxa Labaad – Xisbiyada Siyaasadda
Qodobka 48aad (
52) – Shuruudaha Xisbiyada
25
1. Dhammaan xisbiyada siyaasaddu waa in ay buuxiyaan shuruudaha soo socda:
a. Waa in ay leeyihiin nuxur waddani ah marka laga eego dhinacyada xubnaha, hoggaanka iyo siyaasadda.
b. Waa in hawlgalkoodu u taagan yahay adkaynta iyo horumarinta midnimada qaranka.
c. Waa in ay u taagan yihiin xurmeynta, qaddarinta, horumarinta iyo difaacidda xuquuqda aadanaha.
d. Qaddarinta in dadka oo dhan, oo ku jiraan kuwa laga tirada badanyahay iyo kuwa la takooro, ay siyaasadda ka wada qayb-galaan.
e. Waa in ay leeyihiin qaab-d
hismeed caddeynaya hay’ado hoggaamineed iyo hoggaamiyeyaal ay xubnaha xisbigu ku doortaan si xor iyo caddaladba ah.
f. Waa in axsaabtu ku dhisnaadaan nidaamka xubunnimada.
g. Waa in ay dhowraan isu-dheelitirnaanta labka iyo dheddiga ee xilalka hoggaaminta.
h. Waa in xisbi kastaa maraa habraaca diiiwaangelinta xisbiyada ee labada heer oo kala ah tan kumeel-gaarka ah iyo midda rasmiga ah.
i. Waa in xisbi kastaa xurmeeyo una hoggaansanaado xeer-dhaqanka xisbiyada siyaasadda
Qodobka 49aad
(52) – Arrimaha ka Reebban Xisbiyada
1. Xisbiyada siyaasadda waxaa ka reebban:
a. In xisbi ahaado mid u gaar ah qabiil, gobol, degaan, lab ama dheddig, koox-diimeed, qaab ciidan ama ciidan-u-yaal leh.
b.
In xisbi u ololeeyo kala googo’a dalka.
c. In xisbi u ololeeyo ama uu adeegsado xoog iyo abbaabulidda colaad si uu u gaaro ujeeddadiisa.
d. Adeegsiga maaliyad ka timid ilo aan sharici ahayn, musuqmaasuq iyo laalush.
e. Marka laga reebo xaaladdaha Dastuurka iyo sharciyada dalku oggolaadeen, xisbina hantida Dawladda uma adeegsan karo hawlaha xisbiga iyo u ololeynta murashixiintiisa
.
Qodobka 50aad
(52) – Sharciga Xisbiyada Siyaasadda
Sharci gaar ah oo uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo ayaa xeerinaya:
a. Kaalinta, xuquuqda, sharuudaha iyo falgelidda xibiyada siyaasadda;
b. Asaasidda iyo maaraynta xisbiyada siyaasadda;
c. Maaraynta maaliyadda xisbiyada siyaasadda sida xisaabaadkooda, warbixinta dhaq-dhaqaaqa maaliyadda, hantidhowridda iyo soo bandhigidda ilaha dakhliga iyo kharashgarayntiisa
d. Xaddidaadda u isticmaalka hantida guud danaha xisbi iyo murashixiinta;
e. Diwaangelinta xisbiyada siyasadda oo maraysa laba heer oo kala ah diwaangelin ku meel-gaar ah iyo mid rasmi ah;
f. Kormeeridda xisbiyadda ;
g. Qeexidda xadgubyada xisbiyada siyaasaddu iyo tallabooyinka ku aaddan xakamayntooda;
h. Xallinta khilaafyada xisbi dhexdiisa ka jira
26
i. Xeer-nidaamyada xisbiyada siyaasadda
Qodobka 51aad
(52) – Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda
1. Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda ayaa u xilsaaran diiwaangelinta xisbiyada Siyassada iyo diiwaan-ka-saaridda marka uu xisbi lumiyo shuruudaha xisbinnimada dastuurkan iyo sharcigu qeexaan.
2.
Xisbi aan diiwaaan-gashanayni musharrax ma soo xuli karo.
3. Sharci gaar ah oo baarlamaanku anxixiyo ayaa qeexi doona awoodaha iyo xilalka Guddiga Qaran.
Qodobka 52aad
(53) – Xeer-dhaqanka Guud ee Xisbiyada Siyaasiga Ah
Guddiga doorashadu, isagoo la tashanaya hay’adaha iyo shakhsiyaadka ay khuseyso, waa inuu diyaariyaa xeer-dhaqanka guud ee xisbiyada siyaasadda
Madaxa Saddexadd – Doorashooyinka
Qodobka 53aad – Nidaamka Dorashooyinka
Nidaamka doorashooyinka Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa saldhig u ah isudhignaanta tirada kuraasta uu xisbi ka helo Golaha Shacabka iyo boqolkiiba inta isla xisbigaasi ka helo tirada guud ee codbixinta
Qodobka 54aad [
51 (1)] – Mabadi’ida Doorashooyinka
Nidaamka doorashadu waa inuu dammaanad qaadaa ku-dhaqanka xuquuqda siyaasadda ee muwaaddiniinta oo ku xusan qodobka 22-aad (27) ee Dastuurkan, waana inuu ku dhisnaadaa mabaadi’da soo socota:
1. In geeddisocodku doorashadu noqdo mid sahlan, la fahmi karo xeerarkiisa, qaababkiisa iyo habraacyadiisaba.
2.
Muwaadiniinta gaarey da’da codbixinta oo dhammi xaq siman ayay u leeyihiin in ay codkooda dhiibtaan.
3. In dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliya ay helaan matalaad caaddil ah.
4. In laga hortago iska-
hor’imaadyada iyo hurinta colaadaha, iyo
5. In doorashooyinku ahaadaan xor ah, caadil ah kuna dhaca:
a. codbixin qarsoodi ah;
b. si aan lahayn rabshado, haddidaad, musuqmaasuq iyo laaluush midna;
c.
si daahfuran, laguna maamulo eex la’aan, dhexdhexaadnimo, wax ku ool ah, iyo qaab laxisaabtan leh.
Qodobka 55aad
– Codbixiyaha
1. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu isu diiwaageliyo codbixye doorashooyin iyo afti Haddii:
a. Maalinta Doorashada, ugu yaraan, ay u buuxsantay 18 sano.
27
b. Uu yahay muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliya
c. aan takhtar ku caddayn in aanu maankiisu dhammayn
d. Qofka buuxiya shuruudaha is-diiwaangelinta hal mar keliya ayuu is-diiwaangelin karaa.
Qodobka 56aad – Nidaamka Codbixinta
1. Maamulidda doorashooyinka waa in loo qaabeeyo loona socodsiiyo hannaan fududaynaya in diwaangashane kasti uu dhiibto codkiisa.
2. Codeyntu waa shakhsi lagumana xadgudbi karo
3. Codadka waa in la tiriyo, loona sameeyo shax lagu kala muujiyo natiijooyinka ay kala helaan xisbiyadu, isla markiibana lagu dhawaaqo.
Qodobka 57aad – Dacwadaha Doorashooyinka
1. Muwaaddin kasta oo codkiisa dhiibtay xaq ayuu u leeyahay in uu gudbisto cabasho.
2. Cabashada la xariirta doorashooyinka si toos ah ayaa loogu faafin karaa warbaahinta dalka oo dhan.
3.
Sharci barlamaanku ansixiyay ayaa xeerinaya go’aan ka gaarista dacwadaha dorashootyinka.
Qodobka 58aad
(54) – Hab-dhaqanka Dooroshooyinka
Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Xisbiyada waa inuu diyaariyo hab-dhaqan doorosho, ka dib marka uu la tashado xisbiyada siyaasadda iyo hay’adaha kale ay khuseyso.
Qodobka 59aad
– [51 (2)] – Sharciga Doorashooyinka
Baarlamaanka Federaalka ayaa soo saaraya sharciga doorashooyinka ee heerarka qaranka, Dawlad-goboleedyada iyo Golayaasha Degaanka. Sharcigaas waa in uu xaqiijiyaa:-
(a) In doorasho kasta codbixiyeyaashu ay helaan macluumaad ku filan oo ku saabsan nidaamka doorashada, habraacyada iyo cidda ay dooranayaan.
(b) In nidaamka Diwaangelinta codbixiyeyaasha uu ahaado mid u suurtagelinaaya in codbixiye kastaa
is’hortaag iyo takoorid la’aan u dhiibto codkiisa.
(c) Nidaamka xisbiyadu u marayaan xulidda murashaxiinta.
(d)
Habka xisbiyadda siyaasada u bandhigayaan liisaska murashaxiintooda iyo qaabka ay ugu gudbinayaan liisaskaas Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta.
(e) In qof kasta oo codaynayaa uu awood u yeesho inuu codkiisa u dhiibto si waafaqsan damiirkiisa, iyadoo uusan jirin cadaadis uga imaanaya cid kale.
(f) In xilliga ololaynta doorashada ay xisbiyada siyaasadda iyo musharraxiintu ay helaan fursado siman oo caddaalad ku dhisan.
(g) Xaddidaada saamaynta ay lacagtu ku yeelan karto ololaha iyo natiijada doorashooyinka.
(h) In nidaamka codbixintu uu ahaado mid sahlan, hufan, la hubin karo, xasilloon, isla-xisaabtan leh, oo daahfuran.
(i) Nidaamka iyo habka lagu xaqiijin karo xafidaadda agabka doorashooyinka, loogana hortegi karo
28
maamulxumo.
Xeerinta qaab habboon oo lagu xalliyo murannada ka dhalan kara doorashooyinka.
Qodobka 60aad – Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Xisbiyada
1.
Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Xisbiyada waa hay’ad madaxbannaan. Guddigu wuxuu hawlihiisa eedaa u gudataa si ka madaxbannaan qaybaha kale ee dawladda.
2.
Waa hay’adda ugu sarraysa arrimaha doorashooyinka iyo xisbiyada, go’aannadiisuna waa kama dambeys. Go’aanadda Guddiga waxa burin kara Maxkamadda Sare kaddib marka ay ku qanacdo racfaan laga qaatay.
Qodobka 61aad – Awoodaha iyo xilalka Guddiga Doorashooyinka iyo Diwaangelinta Xisbiyada
Guddigu wuxuu leeyahay awoodaha iyo xilalka soo socda:
(a)
Fulinta iyo maamulidda doorashooyinka iyo aftida.
(b)
Muddeynta xilliga doorashooyinka.
(c)
Go’aaminta natiijooyinka doorashooyinka, xallinta khilaafaadka, xukumidda xuquuqda iyo ganaaxyadda qof kasta oo ku xadgudba sharciga doorashooyinka.
(d)
Oggolaanshaha iyo diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda, kormeeridda sharcinnimada hawlgalladooda, iyo xaqsooridda is-qabadyada xisbiyada dhexdooda ah, markii qof ama koox xisbi ka mid ahi ay codsadaan in guddigu soo farageliyo arrimaha xisbi dhexdiisa ka taagan.
(e)
Dejinta qaababka lagama maarmaanka u ah gudashada xilalka Guddiga iyo habraacyada hirgelinta doorashooyinkiisa
Qodobka 62aad – Sharciga Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Xisbiyada
1. Golaha Wakiilladu waa inuu meel-mariyo Sharci gaar ah oo haga dhamman waxqabadka Guddiga Doorashada.
2. Xil ka qaadista xubnaha Guddiga Doorashada waxaa awood u leh Golah wakiillada marka ay jiraan sababo sharciga ku cado oo keliya.
QAYBTA SHANAAD – BAAHSANAANTA AWOODDA DAWLADDA EE JAMHUURIYADDA
29
MADAXA KOOWAAD -
QAABDHISMEEDKA IYO MABADII’DA WADA-FALGELIDDA HEERKA DAWLADDA
QODOBKA 63aad
– QAABDHISMEEDKA DAWLADDA
1. Qaab dhismeedka Dowladda Federaalka wuxuu ka kooban yahay 3 heer dowladeed:
a) Heerka Dowladda Qaranka
b) Heerka Dowlad Goboleed.
c) Heerka awoodda maamulka Degaanka
Qodobka 64aad – Tirada iyo Xuduudaha Dawlad-Goboleedyada iyo Degmooyinka
1. Tirada iyo xuduudaha dawlad Goboleedyada
waxaa go’aaminaya Golaha Shacabka.
2. Golaha shacabku, inta aanu goyn tirada iyo xuduudaha Dawlad Goboleedyada, wuxuu magacaabayaa guddi heer qarn ah oo daraasad ka sameeya, warbixin ay la socdaan talooyinna u bandhigaan Golaha shacabka.
3. Magacaabidda guddiga, waa inuu ka horreeyo sharci Golaha Shacabku ansixyo oo qeexaya:
(a) Xilalka iyo awoodaha Guddiga
(b) Hal-beegyada uu u cuskanayo samaynta dawlad goboleed iyo shruudaha qayb dalka ka mid ihi ku mutaysan karto inay noqoto dawlad goboleed;
(c) Tirada xubnaha, shuruudaha xubinnimada iyo siyaabaha lagu magacaabayo xubnaha guddiga
(d) Muddada xilhayntooda
(e) Xuquuqdooda
4.
Tirada iyo xuduudaha degmooyinka dawlad-Goboleed waxaa goynaya sharci uu soo saaro baarlamaanka Dawlad Goboleedka, Golaha shacabkuna oggolaado.
5. Xuduudaha Dawlad-goboleedyadu waxay ku saleysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jiray 1990-kii.
6.
Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara dawlad-goboleed iyaga xor u ah go’aankooda.
Qodobka 65aad -
Mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda
1.
Heerarka kale duwan ee Xukuumaduhu marka ay dhexdooda ka macaamilayaan iyo marka ay ku gudo-jiraan adeegsiga awoodda sharci-dejinta iyo awoodaha kaleba, waa in ay ilaailyaan mabaadi’ida federaalnimada; kuwaas oo ah:
a.
Heer kasta oo xukuumadeed waa in ay haysato kalsoonida iyo taageerada dadweynaha.
b. Awood
walba waa in la siiyo hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-kuoolsan u fulin karta
c.
Jiritaanka iyo joogtaynta xiriirro iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo ka dhexeeya dawlad- goboleedyada dhexdooda iyo dawlad-goboleedyada iyo Dawladda federaaliga ah, si uu u jiro
30
dareen midnimo qaran.
d.
Degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyaddu waa inuu helaa adeegyo iyo waxqabad xukuumadeed isu dhigma.
e. Khayraadka dalka oo si cadaalad ah loo qaybsado.
f. Dakhli-ururin
ta oo loo xilsaaro hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-oolsan u fulin karta.
g. Khilaafaadka oo wadahadal iyo
dib-u-heshiin lagu xalliyo.
Qodobka 66aad
[57-(1) & (2)] – Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha federaalka
1. Heer kasta oo Dawladeed ha ahaato mid la heer siman ama tan Federaalka waa in ay la lahaato xiriir iskaashi.
2. Dawlad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin dawladaha kale, waana in ay:
a) La yeelataa xiriir walaaltinimo oo waxa ku ool ah heerarka kale ee Dawladaha una horseedaa midnimada muwaadiniinta;
b) Heer kasta oo Dawladeed waa in ay ku wargelisaa heerarka kale siyaasadaha iyo hawlgallada ay ka fulineyso degaanadeeda oo saamayn ku yeelan kara degaanada heerarka kale;
c) Yeeshaan siyaasado u adeegaya qorsheynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah.
3. Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waa in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Dawladda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawlad-Goboleedyada si ay isula meeldhigaan:
a) Adkaynta Midnimada Qaranka;
b) Sugidda amaanka iyo Nabadgelyada Dalka;
c) Horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka;
(a)
Horuumarinta baraaraha shacabka
(b)
Isdhaafsiga macluumaadka
4. Dhammaan heerarka dawladaha waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa dastuurku siiyay.
5. Sharci baarlamaanku ansxiyay waa inuu xeeriyo:
(a)
Samaynta hay’ado iyo habraacyo fududaynaya wada falgelidda heerarka dawladda;
(b) Samaynta habaraacyo fududaynya xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha heerarka dawladda inta aanay u gudbin maxkamad
.
Qodobka 67aad
[57-(3) & (4)] – Iskaashiga Dawlad-Goboleedyada
1. Xukuumadaha Dawlado-goboleedyada waxa waajib ku ah in ay:
a)
Guddoomiyayaalka dawlad goboleedyada iyo Mas’uuliyiintooda sare yeeshaan kulamo joogto ama kaltan ay kaga wada xaajoodaan arrimaha degaamadooda wada saameeya oo ay ka mid yihiin:
31
(i) ilaha biyaha,
(ii) beeraha,
(iii) xannaanada xoolaha,
(iv) daaqa iyo seereynta,
(v) la dagaallanka nabaadguurka iyo ilaalinta deegaanka,
(vi) Caafimaadka
(vii) tacliinta,
(viii) xiriirinta iyo wada xajoodka hoggamiyeyaal dhaqameedka, ilaalinta iyo horumarinta xeer-dhaqameedka,
(ix) Xiriirinta ogaalleyda diiinta, iyo
(x) Dhallinyarada.
2.
Dawlad-Goboleedyadu dhexdooda ama Dawladda Federaalka waxay isla geli karaan heshiisyo iskaashi oo ay ku wada hawlgalaan, aanse lahayn awood sharci, kana horimanayn Dastuurka Federaalka iyo kan goboleed midna.
Qodobka 68aad
(58) – Wada-xaajoodyada Caalamiga
1. Iyada oo
la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqeynayo, xukuumadda federalku waa in ay dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga.
2. Marka ay wada xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha
khuseeya dowlad-goboleedyada, xukuumadda federalku ergada wada-xaajoodka gelaysa waa ay ku dari kartaa wakiilo ka socda dawlad-goboleedkaas.
3.
Xukuumadda federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeeduna ka muuqdaa qowsaar jira danaha danaha dawlad-goboleedyada.
Qodobka 69aad
(60) – Kala qaybinta Awoodaha
1. 1.
Iyadoo aan ka baxsanayn xayndaabka Dastuurka awoodaha ku siiyey, Dowladda federaalku waxa ay awood u leedahay in ay Jamhuuriyada Soomaliya oo dhan u dejiso maamushana sharciyo ku saabsan maamul-wanaagga, iyadoo raacaysa xuduudaha Dastuurka iyo awoodaha. Awoodaha iyo xilalka khaaska u ah dawladda Heerka Qaran waxaa ka mid ah:
(a) Xiriirka caalamiga iyo siyassada dibadda
(b) Difaaca dalka
(c) Garsoorka
(d) Qaadista cashuuraha soo waarididda iyo dhoofinta badeecacada, macaashul-macaashka.
32
(e) Isboortiga Qaranka
(f) Dejinta halbeegyada qorista, tababarrada iyo adeegsiiga ciidammada Booliska;
(g) Dejinta halbeegyada Xeerka Ciqaabta iyo xabsiyada;
(h) Sharciga Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo isu tallowga soohdimaha dawladaha;
(i) Siyaasadda dhaqaalaha iyo qorshaha qaranka;
(j) Siyaasadda lacagta, cumladaha, bangiyada, caymiska iyo maalgashiga shirkadaha;
(k) Siyasadda iyo halbeegyada waxbarshada ee la xariira manaahijta heerarka waxbarashada, imtixaamada, Jaamacadaha; iyo horumarinta cilmibaarista;
(l) Siyasadda iyo halbeegyada caafimaadka
(m) Siyasadda horumarinta wax-soo-saarka ilaha dhaqaalaha, tamarta, howlaha guud, isgaarsiinta iyo gaadiidka.
(n) Ixsaaiyaadka dalka iyo macluumaadka la xariira dadka, dhaqaalaha iyo adeegyaada bulshada;
(o) Doorashooyinka xilalka heerarka dawlada federaalka;
(p) Ka digidda, saadaalinta iyo Siyaasadda maaraynta aafooyinka;
(q)
Mabaadi’da guud ee kala qoondaynta dhulka iyo isku-dubaridida maaraynta dhulka dawlad-goboleedyada iyo degmooyinka;
(r)
Siyaasadda Badbaadinta deegaanka, dhigaalinta iyo habsami uga faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga.
3. Taxa Awoodaha u gaarka ah Dawladda federaalka waxaa fulin karaya oo keliya dawladda federaalka, haddii aanay cid kale u wakiilan.
Qodobka 70aad (
60) – Awoodaha u gaarka dawlad-goboleedka iyo Dawladda Hoose
1. Dawlad-goboleed kastaa waxay awood u leedahay in ay
dejiso maaamushana sharciyo maamul- wanaag ah oo iyada ku eg, iyadoo aan marna ka tallabsanayn xayndaabka awoodaha dastuurka lagu siiyey. Awoodaha iyo xilalka khaaska u ah heerka Dawlad-Goboleedka waxaa ka mid ah:
(a) Ururinta cashuuraha heer goboleedka, si waafaqsan dastuurka qaranka;
(b) Qorshaynta iyo suurtagelinta helitaanka adeegyada asaasiga ah, sida:
(i) waxbarshada dugsiyada sare iyo farsamada, si waaqafsan siyaasadda iyo halbeegyada dawladda qaran u dejisay,
(ii) cusbataallada ku yaal dhulka dawlad goboleedka,
(iii) Biyosiinta fayadhowrsan ee dadka, Waraabka duunyada iyo korontodhalinta ku kooban xuduudda Dawlad-goboleed,
(b) mashaaricda horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga,
(c) Bixinta shatiyada ganacsiga yaryar iyo shirkadaha,
(d) Gacan-ku-haynta iyo maamulidda xabsiyada,
(e) Sugitaanka amniga dawlad goboleedka,
33
(f) Gaadiidka berriga ee Dawlad-goboleedka,
(g) horumarinta iyo gacankuhaynta waddooyinka ka baxsan kuwa
isku xira dalka;
(h) naqshadaynta degamaynta magaalooyinka
2.
Awoodaha u gaarka aha Dawlad-goboleedka waxaa fulin karaya oo keliya dawlad-goboleedka, haddii aanay cid kale u wakiilan.
3. Awoodaha iyo xilalka khaaska u ah Heerka maamullada Degmooyinka waxaa ka mid ah :
(a) Haynta iyo joogtaynta diiwaanka bulshada, sida:
I. joogtaynta galka qoyska iyo bixinta warqadaha dhalashada iyo dhimashada
II. Bixinta haybsooca iyo warqadaha kale ee aqoonsiga qofka;
III. Seeraynta iyo gacan-ku- haynta qubuuraha;
(b) Caafimaadka asaasiga ah:
I. Daryeelka hooyada iyo dhallaanka
II. Fayadhawrka;
III. Nadaafadda deegaanka;
IV.
Kahortagga xaalufinta bey’adda iyo badbaadinta degaanka;
(c) Barbaarinta asaasiga ah:
I. Dugsi Quraanka iyo xarumaha xannaanada carruurta,
II. Dugsiyada hoose/dhexe
III. Waxbarshada dadka waaweyn iyo suulinta qoris-
akhris la’aanta af Soomaaliga;
IV. Dugsiyada xirfadaha iyo tayeynta dhaqaalaha qoyska
V. Horumarinra xirfadaha iyo farsamoogacmeedka;
(d) Horumarinta miyiga iyo tuulooyinka:
I. Horumarinta baraha biyaha dadku ka cabbo, dhinaca tirada iyo tayada.
II. Maaraynta daaqa, Caafimaadka iyo waraabka xoolaha,
III. Wax-soo-saarka dalagga beeraha,
(e) Habaynta suuqyada degaanka, kawaannada iyo bixinta ruqsadaha goobaha ganacisga,
(f) Nalaynta Jidadka, barxadaha, jardiinooyinka iyo goobaha waqafka ah,
(g) Qorshaha horumarinta degmada,
(h) Naqshadaynta magaalada,
(i) Dabdamiska,
(j) Ammaanka degmada,
(k) Horumarinta naadiyada iyo garoommada Isboortiga,
(l) Horumarinta dhaqanka, mataxafyada, maktabadaha, suugaanta iyo hal-abuurka, iyo masraxyada.
Qodobka (…) Awoodaha Wadaagga ah
1. Awoodaha wadaagga ah ee federalka waxaa ku wada dhaqmi kara dawladda federalka iyo dawlad-goboleedyada.
34
2.
Awoodaha wadaagga ee Dawlad-goboleedyada waxaa ku wada dhaqmi kara dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyadaba.
3. Awoodaha wadaagga ah iyo xallinta khilaafadka sharciyda ka dhax dhasha waxay ku xusan yihiin lifaaqa 2-aad.
4. Dawladda federaalku waxa ay sharci ka samayn kartaa arrin kasta oo aan lagu xusin taxda Jadwalka 2aad.
Qodobka 71aad – Dawladda Hoose iyo Maamulka
1.
Dawladda federaalku waxay soo saaraysaa sharciyo lagu dhisayo qaabka iyo mabaadi’da hageysa dawladaha hoose.
2. Dawlad-goboleed kastaa waa in ay abuurto nidaam dawlad hoose oo waafaqsan habraaca sharci-dejinta federaalka.
3. Xukumadaha Dawlad-goboleedyadu waa in ay siiyaan dawladaha hoose awood ay ku mamulaan sharciga
iyo barnamijyadooda, si waafaqsan mabda’a ( b) ee mabaadi’da federaalka ah eek u xusan qodobka 56(1). Hawlaha waxaa loogu wareejinayaa goleyaasha dowladaha hoose si tartiib- tartiib ah oo la socota hadba koritaanka kartidooda. Sharici federaali ah ayaa tilmaami doona qaabdhismeedka ay u raaci doonaan dawlad-goboleedyadu awood-wareejin kasta oo ay dawladaha hoose ku wareejinayso xilalka.
4. Xukuumadda federaalka iyo kuwa dawlad-goboleedyadu waxay masuuliyadda maamulka sharciga iyo
barnaamijyada ku wareejin karaan hay’adaha iyo bulshooyinka degaanka.
5.
Hey’adaha iyo bulshada degaanka waa in la dhiiri-geliyaa, la taageeraa, lagana kaalmeeyaa sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka uu Dastuurku dusha ka saaray eek u saabsan dimoqraaddiyada iyo xuquuqda aadanaha
Qodobka 72aad – Dhaqangellinta Awoodaha wadaagga ah ee sharcidejinta ee dawlad-goboleedyada
1. Si loo xoojiyo wada-shaqaynta, dawlad-goboleeddii doonaysa in ay ka soo saarto sharci arrin kasta oo soo gelaysa Taxa awoodaha la wadaago ee federaalka ama Taxa awoodaha la wadaago ee dawlad-goboleedda waa in ay la tashataa dawladda federalka ah.
2. Waa in la soo saaro sharci federaali ah si loo dejiyo habraac dawlad-goboleedyada siinaya masuuliyad ay ku samaysan karaan sharci kasta oo ku saabsan arrimaha hoos-imaanaya taxa awoodaha la wadaago ee dawlad-goboleedyada. Habraaca noocaas ahi waa in uu ku lug-lahaado qiimaynta awoodda dawlad-goboleedyadu ku qaadi karaan masuuliyadda soo-saaridda iyo maamulida sharci ku saabsan arrintaas.
Qodobka 73aad – Igmashada Awoodaha
1. Xukuumad kastaa waxay u xilsaaran kartaa awood mamul iyo masuuliyado dawlad ama dawlado kale oo heer kale ah, iyadoo raacaysa habraac ay wadatashi kula yeelanayso dawladdaas.
35
2. Dawladda federaalku waxay u xilsaaran kartaa mid ama ka badan xukuumadaha dawlad-goleedyada awood ay sharci ugu sameeyaan arrin ka mid ah awoodda xeerdejinta Dawlada federaalka oo looga gol leeyahay dan guud ama mid gaar ah.
3. Haddii Dawladda federaalku u xilsaarato awood sharci mid ama dhammaan dawlad-goboleedyada, waa in ay xaqiijisaa in dawlad-goboleeddaas hesho ama loo ogolaado in ay urursato dhaqaalaha lagama-maarmaanka u ah fulinta hawsha dawladda federaalku u igmatay.
4. Dowladda federaalku haddii loo baahdo way kala noqon kartaa awoodaha ay cid kale ugu xilsaaaratay qodobkan, iyadoo ogeysiineysa waqtiga ugu habboon dawlad- goboleedda ama dawlad-goboleedyada ay khusayso.
5. Mid ama ka badan dawlad-goboleedyadu waxay ka codsan karaan dawladda federaalka in ay qaaddo masuuliyadda ah in ay ka soo saarto sharci arrin gaar ah oo ka mid ah awoodaha xukuumadaha dawlad-goboleedyada.
Qodobka 74aad – Awoodaha Xukuumada Federaalka ee Taageera Nidaamka Federaalka
1. Haddii xukuumad dowlad-goboleed ay gudan kari waydo xilkeeda ama ay ku kacdo maamul xumo maaliyadeed, masuuliyada koowaad ee xukuumada federaalku waa in ku taageerto xukuumada dowlad-goboleedda sidii ay wax uga qaban laheyd xad-gudubyadaas,ayna qaado talaabo kasta oo lagama maar maan ah oo dowlad-goboleedda u suurto galinaya in ay xilkeeda u gudato si wax ku ool ah.
2. Haddii dawlad-goboleed gudan weydo waajibaadkeeda dastuuriga ah ama sharci kale oo federaal ahi u xilsaaray, xukuumadda federaalku waa in ay qaadaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah oo ay ku meel marineyso fulinta waajibaadkaa. Talaabooyinkaas waxaa ka mid ah in xukuumada federaalku farto dowlad-goboleedda dhaqan-galinta arimaha ay gabtay, dawlad-goboleedduna waa in ay amarkaas u hoggaansanaataa. Hase yeeshee, awaamirta noocaas lama bixin karo haddii aysan ogolaan kala bar xubnaha Aqalka Wakiillada Dawlad- Goboleedyadu marka laga reebo wakiillada dawlada-goboleedda waajibaadkeeda dastuuriga ah gabtay.
Qodobka aad – Magaala-madaxda Qaranka
Qodobka 75aad – Xalinta Khilaafaadka
1. Mabada’ ahaan khilaafyada u dhexeeya dawladaha waa in lagu xalliyaa hab wadaxaajood iyo dhexdhexaadin ku dhisan iskaashi iyo niyadsami.
2. Dawlada federaalka iyo xukuumadaha dawlad-goboleedyadu wayay ku heshiin karaan in ay dhistaan maxkamad gaar ah oo lagu xaliyo khilaafaadka dhexmara dawladaha.
3. Khilaafka u dhexeeya dawladaha ee lagu xallinwaayo dhexdhexaadin iyo wadaxaajood waa in kama dam
beysta loo gudbiyaa Makamada Dastuuriga oo go’aan ka gaaraysa.
36
Qodobka 76aad – Xuduudaha Gobollada
1. Guddiga Xadeynta Xuduudaha Gobollada ayaa xallin doona dhammaan murannada hadda taagan iyo kuwa mustaqbalka ee la xariira xuduudaha iyagoo raacaya sharciga laga dejin doono arrimahaas
2. Guddiga Madaxa Bannaan Dastuurka iyo Arimaha Federaalka ama ciddii bedesha ayaa iyaga oo la
tashanaya guddiyada kaleee qaran ka caawin doona Dawladda Federaalka go’aaminta tirada ugu yar iyo tan ugu badan ee dawlad-goboleedyada la sameynayo.
3. Xuduudaha Dawlad-goboleedyadu waxay ku saleysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jiray 1990-kii ka hor dagaalkii ahliga ahaa
4. Laba gobol ama wax ka badan ayaa ku midoobi kara dawlad-
goboleed iyaga xor u ah go’aankooda
Qodobka 77aad – Samaynta Dawlad-Goboleedyo Cusub
1. Ugu yaraan laba gobol ama in ka baddan oo si xor ah isugu tagay ayaa sameysan kara dawlad-goboleed;
2. Dawlad-goboleed cusub ayay sameysan karaan dawlad-goboleedyo jiray hadii tiro macquul ah oo ah hal iyo wax ka badan oo ka mid ah dawlad-goboleedyadaas ay doonayaan in ay sameystaan dawlad-goboleed ayna sameynta dawlad-goboleedkaas tahay sida kaliya ee ay ku gaari karaan danaha guud ee ay wadaagaan
3. Dawlad-goboleed cusub waxaa la samayn karaa hadii arrintaas ay taageersanyihiin aqlabiyada dadka:
a. Degen gobollada sameysanaya dawlad-goboleedka cusub
b. Deggan gobollada ay saameynayso sameynta dawlad-goboleedka cusub;
c. Haddii aysan samaynta dawlad-goboleedkaas aysan ka hor imaanayn danta qaranka;
d. Isla markaana aysan khatar gelinayn midnimada qaran ee federaalka
4. Sameynta dawlad-goboleed cusub lama ogolaan karo haddii aysan awood u yeelan doonin in ay fuliso waajibaadka iyo hawlaha laga rabo dawlad-goboleed ka tirsan federaalka sida dhawridda xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta ku nool dawlad goboleedka, aysana lahayn isku-filnaansho dhaqaale ay ku fidiyaan adeegyada asaasiga ah. Baarlamaanka ayaa meelmarinaya sharciga sameynta dawlad-goboleedyada cusub.
5. 5) Haddii laba iyo wax ka badan dawlad-goboleedyada deriska ahi ay ku heshiiyaan in ay badalaan xuduudaha ay wadaagaan, Golaha Shacabku waa in uu ansixiyaa haddii saddex dalool laba dalool ka mid ah goloyaasha degmooyinku ogolaadaan xuduud bedelidda
QAYBTA LIXAAD – BAARLAMAANKA FEDERAALKA
MADAXA KOOWAAD – QODOBBO GUUD
37
Qodobka 78aad
(72) – Golayaasha Barlamaanka Federaalka
1.
Barlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay:
(a)
Golaha shacabka, iyo
(b)
Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedyada
2.
Golaha Shacabka iyo Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedyadu waxay masuuliyadaha xeerdejinta u gutaan si waafaqsan Madaxa Afraad ee dastuurkan oo ku saabsan habaraaca xeerdejinta Heerka Qaran.
Qodobka 79aad – Xilgudashada Baarlamaanka Federaalka
Golayaasha baarlamaanka Federaalku:
(a) Xilalka ay wadaagaan waay u gutaan si wadajir ah,
(b)
Xilalka uu gole waliba gaarka u leeyahay wxuuu u gutaa gaar ahaantiisa.
Qodobka 80aad – Xilka Xeerdejinta ay wadaagaan labada Gole
Xilka xeerdejinta ee ay wadaagaan labada gole waxaa ka mid ah:
(a) dejinta habraacyada haga hawlaha guddiyada isku dhafan ee labada Gole
(b)
Habraacayada meel-marinta go’aannada ay gaaraan guddiyada isku dhafan.
Qodobka 81aad
(77) – Shuruudaha Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka
1. Baarlamaanka Federaalka Waxaa loo dooran karaa:
(a)
Qof kasta oo ah Muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliya ah, dhimirkiisu dhan yahay, da’diisuna aanay ka yarayn shan iyo labaatan (25) sano, codbixiye ahaanna u diiwaangahsan yahay .
(b)
Qof kasta oo aan xuquuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkmadeed lagu hakin shantii (5) sano ee ugu dambaysay.
(c)
Qof kasta oo leh ugu yaraan aqoon dugsi sare
2.
Ka hor inta aan qofka la oggolaan murashaxnimadiisa, Guddiga Doorashadu waa inuu hubiyo in musharraxu buuxiyey shurrudaha ku cad qodobkan.
Qodobka 82aad
(78) – SABABAHA LAGU LUMIYO XUBINNIMADA BAARLAMAANKA FEDERAALKA
38
1. Xubinimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:
(a)
Xubinta oo Geeriyoota
(b)
Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogta ah.
(c)
Xubinta oo Istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay lagana oggolaado.
(d)
Ka maqnaansho labo kal fadhi oo caadi ah iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.
(e)
Haddi ay xubintu aqbasho xil dawladeed an wasiir ka ahayn
2. Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad qodobka
65 (1) xarafiisa (b). (fiiro: isbedeelka numbarka qodobka marka la xiriiyo fiiro haloo yeesho] 3. Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Fderaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore xubin suge u ahaa. 4. Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo malinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyay xubinnimada Baarlamaanka
Qodobka 83aad
(81) – Muddada xilhaynta
1.
Muddada xil-haynta Baarlamaanka Federaalka waa afar sano oo ka bilaabata maalinta natiijada doorshada lagu dhawaaqo
2.
Xildhibaan Baarlamaanka dib ayaa loo dooran karaa.
Qodobka 84aad
(79) – Xilka Xubnaha Baarlamaanka
1. Xubin kasta oo ka mid ah labada Aqala ee baarlamanka marka ay xilkeeda gudanayso waa in uu ku shaqaysaa si ay danta qaranku ku jirto.
2. Asaga oo oofinaya waajibaadka ku cad faqradda (1) ee qodobkan, xubin kasta oo ka mid ah Golaha Shacabka, xil gaar ah ayaa ka saaran matilaadda degaan-codbixiyaasha laga soo soo doortay.
3. Xubin kasta oo ka mid ah Golaha wakiillada dawlad-goboleedyadu waxuu xil gaar ahi ka saaran yahay matalaadda danaha dawlad-goboleedda uu matalayo iyo in uu ilaaliyo nidaamka federaalka, kuna shaqeeyo dareen iskaashi federaalnimo.
Qodobka 85aad – Guddiyada Wadaagga Baarlamaanka Federaalka
1. Labada Gole waxa ay dhisan karaan guddiyo wadaag ah hawlahooda u fududeeya;
2. Xeer-
nidaamiye labada Gole ay wadajir u mariyaan ayaa lagu go’aaminaya tirada guddiyada iyo
39
habraacyada xilfulintooda.
Qodobka 86aad – Hoggaamiyaha Mucaaradka
1. Madaxweynuhu waa in uu Hoggaamiyaha Mucaaradka u magacaabaa qofka ay u doorteen xubnaha Golaha Shacbiga ee aan ka tirsanayn xisbiga xukuumadda, isbahaysina aan kula jirin.
2. Xafiiska Hogaamiyaha Mucaaradka waa in la siiyo dhaqaale ku filan, oo ay ku jiraan hawl-wadeenno, si awood loogu siiyo mucaaradku in ay hawlahooda gutaan.
MADAXA LABAAD – GOLAHA SHACABKA
Qodobka 87aad
(73) – Xilka Xeerdejinta Golaha shacabka
Golaha Shacabku wuxuu matilaa dhamaan shacbka Soomaaliya, xilka xeerdejinta ay tahay inay gutaanna waxaa ka mid ah;
(a)
Wax ka beddelidda dastuurka, si waafaqsan qodobka […..]
(b) Ansixinta,
wax ka beddelidda, iyo diidmada sharciyada la horgeeyo , si waafaqsan qodobka ……
(c)
Ka baaraandegidda sharciyada uu ansixiyo Golaha Wakiillada dawlad Goboleedyadu
(d)
U igmashada Golayaasha Dawlad Goboleedyada awood Xeerdejin, marka laga reebo wax-ka beddelidda dastuurka Qaranka.
Qodobka 88aad
(75) – Tirada xubnaha Golaha Shacabka
1.
Xubnaha golaha shacabka waxaa si toos ah, qarsoodi ah, iyo madaxabannaani ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda
2.
Sharci gaar ah ayaa qeexaya halbeegyada saldhigga looga dhigayo go’aminta tirada xubnaha Golaha shaciga.
3.
Tirada guud ee xubnha Golaha shacbiga waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeshaan dhammaan qaybaha bulshada.
4.
Xubno gaar ahaan u matilayaa Haweenka, dhallinyarada, dadka laga tirada badan yahay, iyo naafada waa inay saami go’an ku yeeshaan xubnaha loo dooranayo Golaha Shacabka. Saamiyadooduna waa in lagu xaddidaa sharciga doorashooyinka.
5.
Inta aan la go’aamin tirada xubnaha Golaha shacabka waa in la sameeyo tirakoob Qaran, oo tobankii sanaba dib-u eegis lagu sameeyo. Sharci gaar ah ayaa qeexaya habka loo samaynayo tirakoobka Qaran.
6.
Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-ka-qaadis lagu samayn ayadoo aanay muddadi xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka, tirada xildhibaanadana dheeraad ayuu ku yahay.
Qodobka 89aad
(80) – Afhayeenka iyo Ku-xigeenada Golaha Shacabka
40
1.
Golaha shacabka, fadhigiisa koowaad oo uu guddominayo qofka ugu da’ad weyn, waa inuu doorto Afhayeen iyo laba Ku-Xigeen.
2. Haddii ay dhacdo waqtiyada qaar in ay maqanaadaan Afhayeenka iyo ku-xigeennadiisu, Goluhu waa in uu mid ka mid xubnihiisa u doortaa in uu noqodo shir-gudoomiye ku- meel-gaar ah.
3.
Afhayeenku inta uusan qaban xilka waa in uu ka tanaasulo xil kasta oo uu ka hayo xisbi siyaasadeed, waana in uu noqdo dhexdhexaad marka uu gudanayo/gudaneyso xilalkiisa/xilalkeeda.
4. Afhayeenka iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqalabiyadda tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka, xilkana kaga qaada codbidxinta saddex dalool laba dalool xubnaha Golaha Shacabka.
Qodobka 90aad
(82) – Kal-Fadhiyada Golaha Shacabka
1. Golaha Shacabka ee cusub, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa 30 maalmood gudahood, kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Taariikhda fadhiga la qabanayo waxaa goynaya Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Xisbiyada siyasadda.
2. Golaha Shacabku waa inuu sannad kasta yeeshaa labo kalfadhi oo caadi ah oo ugu yaran midkiiba socodo affar (4) bilood.
3. Xeer Hoosaadka Golaha shacabka ayaa lagu xaddidayaa, waqtiyada iyo taariikhda kalfadhiyada caadiga ah ee Golaha Shacabka iyo xilliyada nasashada.
4. Golaha Shacabku wuu yeelan kara Kalfadhiyo aan Caadi ahayn haddii:
(a) Madaxweynuhu isgu yeero, ka dib marka helo codsi ka yimaada Golaha Wasirrada,
(b) Afhayeenka Goluhu isugu yeero
(c) Haddi ay codsi qoraal ku weydiistaan boqolkiiba labaatan (20%) xubnaha golaha Shacabka.
Qodobka 91aad
(83) – Kala-dirista Gololaha Shacbiga
Lama kala diri karo Golaha Shacbiga ka hor dhammaadka muddadiisa Afarta sano ah marka laga reebo haddii uu Goluhu awoodi waayo in uu ansixiyo golaha wasiirada iyo barnaamijka dowlada sida ku xusan Qodobka… 106(3).
Qodobka 92aad
(84) – Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka
1. Golaha Shacabku
waa in uu samaystaa xeer-hoosaadkiisa, kaas oo siinaya ka-qaybgal buuxa xubnihiisa.
2. Golaha shacabku wuxuu isu qaybinayaa guddiyo u kala xilsaaran hawlihiisa.
3. Golaha Shacbka marka la horkeeno mashruuc sharci wuxuu u xilsaarayaa guddiga qaabilsan si uu uga soo baarandego talana uga soo jeediyo fadhiga loo dhanyahay ee Golaha.
4. Mashruuc sharci oo Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegato lix bilood maalinta Goluhu diiday.
5.
Fadhiyada Golaha Shacabka iyo guddiyadiisaba waa inay u furan yihiin dhegeysiga dadweynaha iyada oo
41
maanka lagu hayo mabaadi’da guud ee daahfurnaanta dawladda. Xeer
-hoosaadka Golaha waa inuu qeexo mararka ay lagama maarmaan noqonaysa in Golaha Shacabku yeesho fadhiyo ay albaabadu u xiranyihiin.
Qodobka 93aad
(85) – Tirada xubnha ay shirarku ku ansaxayaan iyo Go’aan gaarista Golaha Shacabka
1. Shirka furitaanka kalfadhiyada
Golaha Shacabku waxa uu qabsoomi kara marka ay fadhiyaan saddex dalool labo xubnaha Golaha Shacabka.
2. Golaha shacabku marka uu ka doodayo qodob ka mid ah ajendayaasha kal-fadhiyada waa inay ugu yaraan fadhiyaan saddex-dalool hal xubnaha Golaha.
3.
Haddii uusan Dastuurku si kale u tilmaamin, go’aan kasta ee Golaha Shacbiga ka soo baxaa wuxuu ku ansaxayaa codka aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha Golaha.
Qodobka 94aad – Awoodha Golaha Shacabka
1. Goalaah Shacabka wuxuu leeyahay awood xerdejin oo ah:
(a) Inuu ansixiyo, wax ka beddelo ama diido sharciyada la horkeeno,
(b) Inu curiyo sharci kasta oo aan ka ahayn kan la xariira maaliayadda.
2. Awoodda la xisaabtaanka iyo kor-
joogtaynta hay’adaha dawladda ee Heerka Qaranka gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqangleinta sharciyada dalka,
3.
U yeeridaa Rai’iisul wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada madaxabannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u yeeridda, Golaha shacabku wuxuu awood u leeyahay inu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa.
4. Inuu ra
i’isul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiayadda tirada guud ee Golaha Shacabka.
5.
Inuu cod saddex meelood labo, oo gacan-taag ah kalsoonida kagala noqdo Ra’iisul Wasaraha iyo ku xigeenka Rai’isul Wasaaraha.
Qodobka 95aad – Mudnaanta Xildhibaannada Golaha Shacabka
1.
Xildhibaan Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha iyo guddiyadiisa.
2.
Haddii aan laga haysan oggolaansho Golaha Shacbiga, Xildhibaanka Laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed; lama xiri karo lamana baari karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale u gaar ah, haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ay tahay in laga soo saaro amar qabasho; sidoo kale haddii aan laga helin oggolaansho Golaha Xildhibaanka lama qaban karo, xabsina laguma hayn karo iyadoo la fulinaayo xukun maxkamadeed oo xataa kama dambays noqday.
3.
Dacwad aan ahayn mid ciqaabeed Xildhibaanka waa lagu furi karaa, iyadoo aan oggolaansho la weydiisan Golaha Shacbiga.
4.
Sharci gaar ah ayaa qeexyaya xasaanadda Xilidhibaanada Golaha Shacabka,
5.
Gunnooyinka iyo daryeelka kale ay xaqa u leeyihiin Xildhibannada Golaha Shacabka waxaa laga bixinaya
42
Sanduuqa Dhexe ee Xukuumadda Federaalka.
MADAXA SADDEXAAD – XILKA XEERDEJINTA GOLAHA WAKIILLADA DAWLAD GOBOLEEDYADA
Qodobaka 96aad
(74) – Xilka Golaha Wakiillada dawlad-goboleedyada
Golaha Wakiillada dawlad-goboleedyadu wuxuu matilaa dawlad goboleedyada , masuuliyadihiisa xeerdejinta waxaa ka mid ah:
(a)
Ka qaybqaadashada wax ka beddelidda dastuurka, si waafaqsan qodobka …..
(b) Ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada saamaynta ku leh dawlad goboleedyda, si
waafaqsan qodobka …..
(c) Ka baaraandegidda sharciyada uu ansixiyo Golaha Shacabku si
waafaqsan qodobka …….
Qodobka 97aad
(76) – Tirada Xubnaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedyada
Xubnha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedyada waxaa si toos ah, qarsoodi ah oo madaxbannaan u dooranaya shacabka Dawlad Goboleedyada, tiradoodana waxaa qeexaya sharci gaar ah, iyada oo saldhig looga dhigayo:
(a) Tirada Dawlad Goboleedyada (b)
Dawlad Goboleedyadu waxay Golaha Wakiillada ku yeelanayaan xubno tiro isle’eg ah,
(c) Xubno gaar ahaan u matilayaa Haweenka, dhallinyarada, dadka laga tirada badan yahay, iyo naafada
waa inay saami go’an ku yeeshaan xubnaha loo dooranayo Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedyada.
(d) Saamiyada ku xusan Faqradda (c) waa in lagu xaddidaa sharciga doorashooyinka
.
Qodobka 98aad
– Afhayeenka iyo ku-xigeenada Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada
Afhayeenka iyo Ku-xigeenada Golaha Wakiilada Dawlad-Goboleedyada waxaa loo doortaa xilkana looga qaada habraaca la mid ah kan Golaha Shacabka.
Qodobka 99aad
– Kalfadhiyada Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada
1. Golaha cusub ee Wakiillada Dawlad-Goboleedyada, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa 30 maalmood gudahood, kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Taariikhda fadhiga la qabanayo waxaa goynaya Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Xisbiyada siyasadda.
43
2. Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada waa inuu sannad kasta yeeshaa labo kalfadhi oo caadi ah oo ugu yaran midkiiba socodo affar (4) bilood.
3. Xeer Hoosaadka Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada ayaa lagu xaddidayaa, waqtiyada iyo taariikhda kalfadhiyada caadiga ah ee Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada iyo xilliyada nasashada.
4. Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada wuu yeelan kara Kalfadhiyo aan Caadi ahayn haddii:
(a)
Ra’iisul-wasaaraha isgu yeero,
(b) Afhayeenka Goluhu isugu yeero
(c)
Haddi ay codsi qoraal ku weydiistaan ugu yaraan laba (2) Dawlad-Goboleed.
Qodobka 100aad – Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada
1. Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada waa in uu samaystaa xeer-hoosaadkiisa, kaas oo ka-qaybgal buuxa siinaya xubnihiisa.
2. Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada wuxuu isu qaybinayaa guddiyo u kala xilsaaran hawlihiisa.
3. Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada marka la horkeeno mashruuc sharci wuxuu u xilsaarayaa guddiga qaabilsan si uu uga soo baarandego talana uga soo jeediyo fadhiga loo dhanyahay ee Golaha.
4. Mashruuc sharci oo Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegato lix bilood maalinta Goluhu diiday.
5. Fadhiyada Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada iyo guddiyadiisaba waa inay u furan yihiin dhegeysiga
dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo mabaadi’da guud ee daahfurnaanta dawladda.
Qodobka 101aad -
Go’aan-qaadashada Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada
1. Haddii aan dastuurku si kale u sheegin, Dawlad-Goboleed kasta waxay leedahay hal cod;
2.
Go’aanada Dawlad Goboleedyadu waxay ku ansaxaan saddax meelood labo tirada guud ee dawlad-goboleedyada.
Qodoka 102aad (
90) – Ka-qaybgalka Wasiirrada ee Fadhiyada Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada
1.
Wasiirradu waxay ka soo qayb-geli karaan fadhiyada, kana hadli karaan, ayaga oo aan cod ku lahayn. Xeer-hoosaadka Golaha Shacbigu wuxuu oggolaan karaa in kalfadhiyada caadiga ah ay wasiirradu, qoraal ama tiraab, kaga jawaabaan su’aalaha xubnaha.
2.
Golaha Wakiillada ama Guddiyada Golaha waa ay u yeeri karaan Ra’iisul Wasiiraha iyo xubnaha Golaha wasiirada si ay wax uga weydiyaan arriimaha xilkooda la xiriira.
3.
Golaha Wakiillada ama Guddiyadiisa waa in ay si qoraal ah ugu diraan arrimaha ay ugu yeeranayaan ugu yaraan toddobaad ka hor maalinta ay u muddeeyeen.
Qodoka 103aad
(92) – Mudnaanta iyo Xasaanadda Xubnaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedyada
1. Xubnaha Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada waxay leeyihiin mudnaan iyo xasaanad la mid ah tan xubnaha Gola
ha Shacabka ee ku xusan qodobka (…)
2. Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada lama kala diri karo.
44
MADAXA AFRAAD – HABRAACA SHARCIDEJINTA BARLAMAANKA
Qodobka 104aad
(87) – Mashruuc sharci-dejin
1. Mashruuc sharci-dejin wuxuu dastuurkani u aqoonsanyahay hindise sharci oo ku saabsan:
(a) Waxkabeddelka Dastuurkan;
(b) Hindise Sharci cusub;
(c) Waxkabeddelka sharci hore u jiray.
2. Ka doodidda mashruuc sharci oo la xariira wax ka beddelka dastuurkan waxay ka billabataa Golaha Shacabka.
3. Ka doodidda Mashruuc kasta oo la xariira sharci cusub ama wax ka beddelka sharci jiray ee aan saamayn ku lahayn heerka dawlad Goboleedka waxay ka bilaabataa Golaha Shacabka.
4. Ka doodidda mashruuc sharci cusub ama waxkabeddelka sharci hore jiray haddii ay saamayn ku leeyihiin dhammaan ama qayb ka mid ah dawlad-goboleedyada waxay ka bilaabataa Golaha wakiillada dawlad Goboleedyada.
Qodobka 105aad – Curinta sharciyada
1. Mashruuc Sharci oo heer qaran ah, marka laga reebo wax-ka-beddelka Dastuurka Qaranka waxaa curin karaa:
(a) Golaha Xukuumadda
(b) Ugu yaraan 10 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, marka laga reebo mashruuc sharci oo la xiriira arrimaha maaliyadda, oo Golaha xukuumadda keliya curin kara,
(c) Ugu yaraan Ergo hal Dawlad Goboleed, ama guddi ka mid ah Guddiyada Golaha wakiillada Dawlad Goboleedyada ayaa Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedyada horgeyn kara mashruuc sharci; ama
(d) Ugu yaraan 10,000 (toban kun) muwaaddin oo codbixiye ahaan u diiwaangashan.
Qodobka 106aad – Mashaariicda sharci ee aan saamaynta ku lahayn Dowlad Goboleedyada
1. Golaha Shacabka marka la horkeeno mashruuc sharci aan saamayn ku lahayn heerka Dawlad goboleedyada, waxaa u furan:
(a) Inuu ku ansixiyo aqlabiyadda tirada guud ee Xubnaha Golaha Shacabka asaga oo aan waxba laga beddelin ama asaga oo wax laga beddelay ka dibna u gudbiyo Madaxweynaha Jumhuuriyadda si uu u guddoomiyo in lagu soo saaro Faafinta Rasmiga.
(b) In uu diido, una gudbiyo Xoghaynta Guud ee Baarlamaanka Federaalka si loogu diiwaangeliyo mashruuc la diiday.
45
2. Golaha shacabku marka uu diido mashruuca sharci oo aan saamayn ku lahayn Heerka dawlad Goboleedyada , wa inuu ku celiyo dhiinici lahaa horkeenidda mashruucass Golaha nuqul mashruucii sharci oo bog walba ay dhifsan tahay shaabbad ay ku ta
l “Golaha Shacabku Waa Diiday” oo uu la sacdo qoraal sababaynaya arrimaha Golaha shacabku ku diiday meelmarinta mashruucaas.
Qodobka 107aad – Mashruuc Sharci oo Saamayn ku leh Heerka dawklad Goboleedyada
1. Golaha Shacabku marka la horkeeno mashruuc sharci oo saamayn ku leh heerka Dawlad Goboleedyada waxaa u furan:
(a) Inuu ku ansixiyo aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha Golaha shacabka, ka dibna u gudbiyo Golaha wakiillada.
(b)
Inuu diido, ka dibna ogeysiiyo Golaha Wakiillada go’aankiisa diidmada oo uu la socdo qoraal sabaynaya arrimaha uu cuskaday diidmada mashruucaas.
2. Golaha Wakiillada Dawlad goboleedyadu, marka uu helo mashruuc sharci oo saamayn ku leh heerka dawlad goboleedyada oo uu ansixyay Golaha Shacbku wax u furan:
(a) Inuu ku ansixiyo saddex meelood oo labo tirada Dawlad Goboleedyada asaga oo ah sidi Golaha Shacabku ku ansixiyey ah ama asagii oo wax laga beddelay, dibna ugu celiyo Golaha Shacabka; iyo
(b) Inuu diido.
3. Golaha Shacabku marka uu helo mashruuc sharci oo uu hore u ansixiyay, Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedyaduna oggolaaday asaga oo aan wax isbeddel ah lagu samayn waa inuu u gudbiyo Madaxweynaha Jumhuuriyadda si uu u guddoomiya in lagu soo saaro Faafinta Rasmiga.
4. Golaha Shacabku mark uu helo mashruuc sharci oo samayn ku leh heerka dawlad goboleedyada, Golaha wakiilladuna diiday ama uu ansixay asaga oo wax laga beddeley, waxaa u furan:
(a) In diidmada ama wax ka beddelidda Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedyada ku buriyo aqlabiyad saddex melod oo laba ah tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka, ka dibna u gudbiyo Madaxweynaha Jumhuuriyadda si uu u Guddoomiyo in lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah.
(b) Inuu Golaha Wakiillada ku raaco diidmada sidaasna ugu gudbiyo Xoghaynta Dhexe ee Baarlamaanka federaalka si loogu diiwaangeliyo mashruuc la diiday.
(c)
Inuu Golaha wakiillada ku raaco isbeddellada uu ku sameeyay mashruuca sharci ka dibna u gudbiyo Madaxweynaha Jumhuuriyadda u Guddoomiyo in lagu soo saaro Faafinta Rasmiga.
Qodobka 108aad – Guddiga Dhex-dhexaadinta Baarlammaanka Federaalka
1. Guddiga Dhex-dhexaadinta Baarlammaanka Federaalka wuxuu ka koobanyahay tira isleeg oo ka kala socda Golaha Shacabka iyo iyo Golaha Wakiillada Dawlad Goboledyada.
2. Fadhiga wadajirka ah ee ugu horreya ee ay yeeshaan labada Gole ee Baarlammaanku ayaa lagu goynayaa tirada xubnaha Guddiga Dgexdhexaadinta Baarlammaanka.
3. Shir-guddoominta fadhiyada guddigu waa kaltan.
4. Gole walbi dhiniciisa ayuu ka soo magacaabaa guddoomiyaha xubnaha dhiniciisa ka socda.
46
Qodobka 109aad – Faafinta iyo Xafidaadda Sharciyada
Xoghaynta Guud ee Madaxtooyada Jumhuuriyadda ayaa u xilsaaran faafinta rasmiga iyo kaydinta sharciyada.
Qodobka 110aad
(88) – Dhaqangelidda Sharciyada
Hindise sharci wuxuu dhaqangalayaa kaddib marka uu maro habraaca sharcidejinta ku xusan qaybtan Madaxwenaha Jamhuuriyadduna guddoomiyo, laguna soo saaro Faafinta Rasmiga.
Qodobka 111aad – Durid Sharci
1. Sharci maray habraaca ansixinta sharciyada iyo dhaqangeliddaba waxaa lagu duri karaa oo keliya inuu kasoo horjeedo dastuurka.
2. Sharci maray shuruudaha ku xusan faqradda (1) ee qodobkan waxaa duri kara:
(a) Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedyada, asagoo isu dhan ama ergo hal Dawlad-goboleed oo ka mid ah;
(b) Saddax meelood meel ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka;
(c) Golaha Wasiirada Federaalka;
(d) Muwaaddin kasta oo danaynaya una diiwaangashan codbiye ahaan
3.
Duridda sharci waxaa la horgeeyn karaa go’aanna ka gaari karta Makamadda Dastuuriga oo keliya.
4. Haddii Maxkamadda Dastuuriga ay jebiso duriddii sharciga, kharajka ku baxay waxaa bixinaaya dhinicii hindisaha duridda Maxkammadda Dastuuriga hor keentay.
5.
Habraaca loo marayo duridda iyo go’aan ka gaarista waa in lagu qeexaa nidaamka garsoorka.
QAYBTA TODDOBAAD- (
9aad) – Madaxweynaha Jumhuuriyadda Qodobka 112 (94aad) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda
1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya:
(a) Waa Madaxa Dawladda;
(b) waa astaanta midnimada qaranka;
(c)
waa ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka;
2. Madaxwynaha Jumhuuriyadda Soomaaliya wuxuu xilkiisa u gudanaya si waafaqsan Dastuurkan iyo sharciyada kale ee dalka.
47
Qodobka 113aad – Shuruudaha Doorashada Madaxweynenimada
1. Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha muwaaddin kasta oo:
(a)
Soomaali ah, Muslim ah.
(b)
Xubin Golaha Shacbiga ka mid ah
(c)
Da’adiisu ka yareyn affartan sano
(d)
Leh aqoon gaarsiisan heer jamacadeed .
2. Murashax Madaxweyne, haddi uu haysto jinsiyada dal ama dalal kale waa inuu doorashada ka hor ka tanaasulaa jinsiyad ama jinsiyadaha shisheeye, waana inuu Guddiga Doorashada Madaxweynaha ee Baarlamaanka u gudbiya caddaymo rasmi ah.
Qodobka 114aad – Doorashada Madaxweynaha
1.
Madaxweynaha waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya.
2.
Ugu yaraan saddax meelod labo tirada guud ee Gole walba ee Baarlamaanka Federaalka waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha, waxaana guddoominaya Guddomiyaha Maxkamadda Dastuuriga.
3.
Waa in ay musharaxnimadiisa u soo jeediyaan fadhiga labada Gole ee Baarlamaanka ugu yaraan toban (10) xildhibaan Golaha Shacabka iyo ugu yaaraan hal (1) Dowlad Goboleed.
4.
Xubnaha Golaha Wakiilada markii ay u codeynayaan dorashada Madaxweynaha wuxuu qof kasta leeyahay hal cod.
5.
Murashax Madaxweyne kasta waa in uu ku dhawaaqa oggolanshaha musharaxnimada waana in uu soo bandhigaa barnamjkiisa doorashada.
(a) Codeynta doorashada Madaxweynaha waa qarsoodi;
(b) Labada Gole ee Barlaamanka Federaalka waxay Madaxweyne u dooranayaa murashaha ku guleeysta seddax meelod laba xubnaha Laba Gole;
(c) Haddii murash ku guuleeysan waayo waxaa codeyn labaad loo qaadayaa affarta murash ee ugu cod badan waxayna ku kala guleeysanayaa seddax meelood laba.
(d) Haddii murashna ku guleeysan waayo codbixinta laabad waxaa codbixin seddaxaad loo qaadayaa laba murashaxiin ee ugu cod badan waxaan Madaxweynenimada ku guleeysanaaya murashaha hela a aqlabiyada tirada guud ee xibnaha Barlaamanka.
Qodobka 115aad -
Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha
Awoodaha iyo xilka Madaxweynuhu waxaa ka mid ah:
1.
In uu yahay xafiis maamuuseed;
2.
Inuu magacaabo danjireyaasha iyo ergooyinka dibolomaasiga ah, oggolanshaha Golaha Wasiirada kadib.
48
3.
Inuu warqadaha aqoonsiga ka aqbalo danjirayaasha iyo ergooyinka kale ee caalamiga ah,
4.
In uu amro hoggaamiyaha xisbiga hela aqlabiyada Golaha Shacabka ama hoggaamiyaha isbahaysiga asxaabta ku guulaysata aqlabiyadda Golaha Shacaka soo dhisidda Xukuumadda,
5.
In uu horumariyo nabadda iyo nabadeeynta dadka iyo dalka.
6.
In uu guddomiyo in faafinta rasmiga lagu soo saro sharciyada uu ansaxiyo Barlamaanka Federaalka iyo heshiiyada caalamiga uu Barlaamanka Federaalka meel mariyo
7.
Kala dirista Golaha Shacabka sida uu qabo qodobka …. Ee dasturkaan iyo ku dhawaaqida doorashooyinka ka hor muddadii loogu tala galay,
8.
Inuu bixiyo billad-sharafeed iyo aqoonsiyada mudnaanta leh iyo shahaado- sharafyada.
9.
In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka talo-qaato Guddiga Adeega Garsoorka,
10.
In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Shacabku ansixiyo
Qodobka 116 (
98) – Muddada Xilka Madaxweynaha
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu xilka haynayaa muddo shan (5) sano oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo.
Qodobka 117aad – Maxkamadeynta iyo Maamus Ka-xayuubinta Madaxweynaha
1. Madaxweynaha waxaa maamus ka-xayuubin kusoo oogi kara Golaha Shacabka marka uu ku galo dembi khiyaano-qaran ama xadgudub culus ee Dastuurka.
2.
Hindisaha maamus ka-xayuubinta Madaxweynaha waxaa hor-keeni kara baaarlamanka uguyaraaan saddex dalool hal dalool xubnaha Golaha Shacbiga. Madaxweynaha waxaa lagajoojinayaa xilka xafiiska haddii soo-jeedinta sharci ee maxkamadayntiisa ay taageeraan uguyaraan saddex dalool labo dalool xubnaha Golaha Shacabka, waxaana xilka la wareegaya Afhayeenka Golaha Shacabka .
3. Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa geleysa dhegeysiga dacwadaha lidka ku ah Madaxweynaha.
Qodobka 118aad – Iscasilaadda Madaxweynaha
Madaxweynuhu wuxuu u gudbinayaa istiqaaladiisa Barlamaaanka Federaalka, isaga oo marsiinaya Afhayeenka Golaha Shacbiga.
Qodobka 119aad – Ku-simaha Madaxweynaha
Haddii Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama caafimaad-darro darteed uusan awoodin inuu guto xilkiisa ama sabab kasta oo kale, Afhayeenka Golaha Shacabka ayaa xilkiisa sii qabanayo ilaa inta uu Madaxweynuhu xilkiisa dib ugu soo noqonayo.
Qodobka 120aad – Bannaanaanta Xafiiska Madaxweynaha
49
1. Haddii uu bannaanaado xafiiska Madaxweyne, waxaa qabanaya xilka
Afhayeenka Golaha Shacabka ilaa laga soo dooranayo Madaxweyne cusub muddo aan ka badnayn soddon (30)maalmood gudahood.
2. Doorashada Madaxweynaha beddelaya Madaxweyne mansabkiisi bannaanaaday waxaa loo maraya habraaca doorashada Mdaxweynaha ku xusan qodobk (…) ,
3. Madaxweynaha lagu doorto si waafaqsan faqradda (2) ee qodobkan wuxuu dhamaystiraya muddada xilhaynta ee u harsanayd Madaxweynihii ka horeeyey.
Qodobka 121aad – Dhaarinta Madaxweynaha
Inta uusan xilka bilaabin, Madaxweynaha Jamahuuriyada wuxuu Barlaamanka Federaalka hortiisa ku marayaa dhaarta ku xusan sharciga.
QAYBTA SIDEED
(9) – LAANTA FULINTA
Qodobka 122aad – Golaha Wasiirada
1. Awoodda fulinta ee Jumhuuriyadda waxaa leh Golaha Wasiirada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman.
2.
Golaha Wasiirada waa hay’adda fulinta maamulka ugu sarrayaa ee Dawladda wuxuu ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Wasiiro, Wasiiro Dawlayaal iyo Wasiirro Ku-Xigeenno.
3.
Ra’iisul wasaaraha wuxuu magacaabayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeen , wasiirro, wasiirro Dawlayaal iyo wasiirro ku-xigeen oo tiradoodu aysan ka badnaan karin laba iyo labaatan(22).
4. Golaha Wasiirada waa in aay ahaadaan
xildhibaanno Golaha Shacbiga.
5.
Istiqaalada Ra’iisul-Wasaaraha waxay keenaysaa dhicidda Golaha Wasiirada.
Qodobka 123aad – Shuruudoha Xubinnimada Golaha Wasiirada
1.
Qofka qabanaaya xilka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa:
(a)
Waa in aan da’diisu ka yaraan shan iyo soddon (35) sano;
(b) Waa in Aqoontiisu ka yarayn heer jaamacadeed;
(c) haddi uu haysto jinsiyad dal ama dalal kale waa in uu si rasmi ah ugu tanaasulaan jinsiyadda shisheeye inta uusan qaban xilalkaas,
2. Qofka loo magacaabayo Wasiir ama Wasiir Dawlo ama Wasiir-ku-xigeen:
(a)
waa in uu yahay da’diisu ka yaraan soddon (30) sano.
(b) Aqoontiisuna gaarsiisan tahay heer jaamacadeed;
3. Xubnaha Golaha Wasiirada muddada ay xilka hayaan, waxaa ka reeban:
(a) In ay qabtaan xilal kale oo aan ahayn xilka xildhibaannimada Golaha Shacbiga;
50
(b) In ay qabtaan meherad madaxbannaan, hawl ganacsi, maaliyadeed ama warshadeed oo u gaar ah;
(c) In ay iibsadaan ama ijaartaan hanti dawladeed;
(d)
In ay hantidooda ka gadaan ama ka ijaaraan Dawladda.
Qodobka 124aad – Xilalka Golaha Wasiirrada
1. Golaha Wasiirradu waxa uu leeyahay awoodaha soo socda:-
(a) Dejinta siyaasadda guud ee Xukuumadda iyo dhaqangelinteeda;
(b) ogolaanshaha xeerarka maamulka iyo falinta, si waafaqsan shuruucda;
(c) diyaarinta mashruucyada sharci iyo soo-hor-dhigiddooda Golaha Shacbiga;
(d) diyaarinta miisaaniyad-sannadeedka iyo xisaab-xirkooda;
(e) dejinta qorshaha guud oo lagu hormarinaayo dalka;
(f) dhaqangeli nta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka iyo ilaalinta danaha Dawladda;
(g) magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda;
2. Awoodaha kale ee Dastuurka ama shuruucda lagu siiyey.
Qodobka 125aad (
101) – Xilka iyo Awooda Ra’iisul Wasaaraha
1.
Awoodaha Ra’iisul Wasaaraha waa:
(a)
Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha wasiirada ;
(b)
Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirada iyo Barnaamajka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.
(c)
Waa taliyaha sare ee ciidamada qalabka sida;
(d)
Ku-dhawaaqidda xaalad dagal ama nabadgalyo marka ay ogolaadaan labada gole ee baarlamaanka;
(e)
Ku-dhawaaqida xaalad deg deg ah.
2.
In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan dastuurkan iyo qiyamkiisa.
Qodobka 126aad – Ku-
Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha
Ku-Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha wuxuu qabtaa xilka Ra’iisul wasaaraha marka uu dalka ka maqan yahay, iyo Xilalka kale uu u igmado Ra’iisul Wasaaraha.
Qodobka 127aad
– Xilka Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiir Dawlaha
1.
Wasiir kasta wuxuu si shakhsi ah mas’uul uga yahay hawlaha Wasaaraddiisa.
2. Wasiir ku-xigeen kasta wuxuu qabta xilka wasiirka wasaaraddu u igmado,
51
3.
Wasiiru Dawluhu wuxuu qabtaa xil gaar ah oo uu Ra’iisul Wasaaruhu u xilsaaro.
Qodobka 128aad (
111) – Xukuumadda Xil Gaarsiinta
Inta u dhaxaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul Wasaare cusub la dhaarin doono Raisul Wasaarihii hore ee xilka hayay iyo Golihiisa Wasiiradu waxay sii haynayaan xilka waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee dowlada si xilgaarsiin ah.
Qodobka 129aad (
112) – Dhaarta
Raisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradu markay helaan codka kalsoonida Inta aysan xilkooda bilaabin, waxa lagu dhaarinayaa kalfadhi gaar ah ee Golaha Shacabka, waxaana dhaarinaya Guddoomiyaha
QAYBTA SAGAALAAD- AWOODDA GARSOORKA
Qodobka 130aad – Awoodda Garsoorka Jamhuuriyada
1.
Awoodda Garsoorka waxaa u xil saran Maxkamadaha.
Qodobka 131aad – Madaxbannaanida Garsoorka
1. Garsoorku wuxuu ka madax bannaan yahay laamaha dawladda ee Sharci dejinta iyo fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxay u hoggaansamayaan oo keliya sharciga.
2.
Garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa garsoorenimo.
3.
Garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hoygiisa, haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha Adeegga Garsoorka.
Qodobka 132aad – Habka Dacwad Qaadista
1.
Dacwad-qaadistu waxay u furan tahay dhegeysiga dadweynaha, hase yeeshee maxkamaduhu waxay go’aansan karaan in dacwadda lagu dhegeysto qol ka xiran dadweynaha sababo la xiriira anshaxa, nabadgelyada qaranka, badbaadinta markhaatiga, iyo haddii dacwaduhu khuseeyaan dhallaan ama kufsi;
(1)
Go’aan maxkamadeed lama gaari karo hadii aan la siinin dhinacyada fursado isku mid ah oo ay ku soo bandhigaan doodahooda
Go’aan kasta oo maxkamadeed waa inuu ku qotomo sababo sharciyeed
52
Qodobka 133aad – Nidaamka Maxkamadaha Dalka
Waxaa jiraya hal nidaam maxkamadeed oo ka kooban:
(a) Maxkamadda Dastuuriga;
(b) Maxkamadda Sare;
(c) Maxkamadda Racfaanka iyo
(d) Maxakamadda Gobolka iyo Maxkamadda Degmada
Qodobka 134aad – Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga
1.
Waxa jiraya Maxkamadda Dastuuriga oo ka kooban ugu yaraan shan (5) garsoore ah oo ay ku jiraan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenku.
2.
Gudoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga waxaa iska dhex dooranaya isla xubnaha Maxkamadda Dastuuriga.
3.
Magacaabista garsoorayaasha Maxkamada Dastuuriga waa in lagu saleeyaa xeel dheeri aqooneed ee shareecada iyo qaanuunka waana in ay takhasus gaar ah u leeyihiin arrimaha Dastuurka.
4.
Maxkamadda Dastuurku waxay leedahay awoodaha soo socda:
a) In ay hubiso in hindise sharci waafaqsanyahay Dastuurka marka sidaas la weydiisto;
b)
In ay si kama dambeys ah u burriso sharci ama go’aan ka so baxay xukumudda haddii uu ka soo horjeedo dasturka dalka In ay go’aan kama dambays ah ka gaarto in sharci ama go’aanno ay gaareen Golaha fulinta uu ka soo horjeedo Dastuurka, sidaas ku buriso sharcigaas ama go’aankaas aan waafaqsanayn dastuurka;
c)
In ay go’aamiso xilliga uu dhaqan gelaayo go’aankeeda burrinta sharciga qaldan Maxkamada waxay awood u leedahay in ay go’aamiso in burinta sharcigaas uu dhaqangelayo laga soo bilaabo markii go’aanka Maxkamadu dhacay ama waqti imaandoona oo xaddidan si ay ugu suurogaliso Maxkamada in talaabada ku haboon ay ka qaadato burinta sharcigaas. Haddii burinta sharcigu u faa’ideynayo qof lagu xukumay sharcigaas, waxay burintu ka bilaabanaysaa waqtiga go’aanka Maxkamda dastuurigu dhacay;
d)
Awoodda kama dambaysta ee go’aan looga gaaraayo muranada ka dhaxeeya dowlad- goboleedyada iyo dowlada dhexe ama xukuumadaha dowlad goboleedyada dhexdooda; awooddaan waxay Maxkamaddu isticmaali kartaa oo keliya ka dib marka uu dhaco wadahadal iyo wada xaajood lagu xallinwaayoo khilaafka;
e) Awoodda kama dambaysta ee lagu ansixinayo natiijooyinka aftida iyo doorashooyinka Qaranka.
f)
Go’aannada ay gaarto Maxkamadda Dastuuriga ee la xiriira arrimo Dastuur waa kuwa kamaa dambays ah.
Qodobka 135aad – Dacwad Gudbin
1.
Dacwad-u-gudbinta Maxkamada Dastuuriga waxaa leh:
(a) Madaxweynaha;
(b)
Ra’iisuul-Wasaaraha;
(c) Xeer-Ilaaliyaha Guud;
53
(d)
Ugu yaaraan 25 xubnood oo ka tirsan labada Aqal midkood;
(e) Xukuumadda Dowlad Goboleedda;
(f) Guddiyada Madaxa-bannaan;
(g) Qof kasta oo uu saameeyo sharci ama tallaabo ka soo horjeedda Dastuurka.
Dhinacyada kor ku xusan oo aysan ku jirin shakhsiyaadka caadiga ahi waxay talo ku saabsan arrimo dastuur weyddiisan karaan Maxkamadda Dastuuriga .
Qodobka 136aad – Dacwad- u-gudbinta Maxkamadaha Kale
Maxkamadaha kale ee dalku waxay weydiisan karaan Maxkamada Dastuuriga talo ama fasiraad ku saabsan Dastuurka marka si ay go’aan uga gaaraan dacwado maxkamadahooda horyaal. Maxkamaddu waa in ay sidaas yeesha hadii qof qayb ka ah kiiska maxkamada horyaal uu codsado, maxkamadduna ay ku qanacdo in go’aan-ka- gaaridda arrimaha dastuurigaa ay udub dhexeed u tahay go’aan-ka- gaaridda kiiskan .
Qodobka 137aad – Maxkamadda Sare
1.
Waxaa la dhisayaa maxkamad sare oo ka kooban ugu yaaran sagaal garsoore oo uu ku jiro Gudoomiyaha.
2.
Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa iska dhex-dooranaya xubnaha garsoorayaasha maxkamadda sare.
3.
Xubnaha garsoorayaasha maxkamadda sare waa in ay aqoon sare iyo xeeldheeri u leeyihiin shareecada iyo qaanuunka.
4.
Maxkamadda sare waxay awood u leedahay dhammaan dacwooyinka marka laga reebo kuwa la xiriira arrimaha dastuuriga ah; kuwaas oo ay ikhtisaaska u leedahay Maxkamadda Dastuurigu.
Qodobka 138aad – Maxkamadaha Gaarka ah
1.
Laguma dhisi karo maxkamad si aan waafaqasaneyn mabaadi’da cadaalada ee ku xusan dastuurka.
Waxaa sharci lagu samayn karaa maxkamad gaar ah oo ay leeyihiin ciidammada qalabka sida taasoo awood u leh qaadista dembiyada ay galaan xubnaha ka tirsaan ciidamada qalabka sida oo keliya xilliyada nabada iyo dagaalkaba.
Qodobka 139aad – Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadaha Derejada koowaad
Xilalka iyo qaab dhismeedka Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadaha Darajada Koowaad waxaa qeexi doona Xeerka Nidaamka Garsoorka.
Qodobka 140aad – Xal-dhaqameedka Khilaafaadka
1.
Maxakamaduhu waxay aqoonsanayaan go’aanada xeer dhaqameedka ku xalliyo khilaafaadka, waxaana hadafka aqoonsigaasi xaddidi doona Sharci gaar ah.
2. Ka sokow faqrada (1) khilaafaadka lagu xalliyo xeer-dhaqameedka waa lagu sii dhaqmi karaa haddii aysan
ka hor’imaaneynin Shareecada ama Dastuurka dalka.
54
Qodobka 141aad – Magacaabista Garsoorayaasha
1.
Qofka Garsoore loo magacaabayo waa inuu yahay qof hufan lehn aqoon iyo khibrad munaasab u ah jagada garsoore ee loo magcaabayo;
2.
Golaha Adeegga Garsoorka ayaa u soo jeedinaya Aqalka Wakiilada dowlad goboleedyada magacyada garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga iyo Maxkamadda Sare. Madaxweynaha ayaa xeer ku magacaabaya qofka ay garsooranimada u ansaxiyeen Golaha Wakiiladu.
3.
Garsoorayaasha aan ka mid ahayn Maxkamadda Dastuuriga iyo Maxkamadda Sare waxaa soo jeedinaya magacaabistooda Golaha Adeegga Garsoorka, waxaana lagu magacaabaya wareegto Madaxweyne.
Qodobka 142aad – Muddo Xileedka Garsoorayaasha
1.
Da’da hawlgabka uu garsooruhu ku gelayo waa 70.
2.
Garsoore lagama qaadi karo xilka, haddii aan loo cuskan oo aan lagu helin anshax xumo, dhaqan xumo, awooddarri jireed ama mid maskaxeed oo joogto ah oo lagu caddeeyay baaritaan. Xeerka nidaamka Garsoorka ayaa qeexi doona habraacyada la xiriira xil ka qaadista garsooraha.
3.
Cabashada laga keeno garsoore ee ku saabsan anshax xumo waxaa loo gudbinayaa Golaha Adeegga Garsoorka oo qaadaya tallaabooyinka ku habboon markay ku qancaan inay jiraan sababo macquula oo keenaya in la baaro garsooraha. Tallaabooyinka habboon in la qaado waxaa ka mid ah in loo gudbiyo kiiska garsooraha kormeeraha garsoorka, hadii kiisku culus yahayna, waxaa la magacaabaya guddi madax bannaan.
4.
Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu magacaabayaa guddi madax bannaan oo ka kooban saddex garsoore oo xilhaya ama hawlgab ah oo baara anshax xumida lagu soo eedeeyay Garsooraha. Garsooraha waxaa laga qaadayaa xilka haduu guddigu caddeeyo in ay jirto dhaqan xumada culus ee lagu soo eedeeyay garsooraha.
5.
Hadii Golaha Adeegga Garsoorku uu ku qanco inay jiraan asbaab macquul ah oo lagu aamino inuusan garsooruhu gudankarin xilkiisa sababo la xiriira awood-yari jireed iyo mid maskaxeed, waxay magacaabayaan guddi baara caafimaadka garsooraha. Guddigu waa inuu ka kobnaadaa xeeldheerayaal caafimaad iyo ugu yaraan hal garsoore hore. Haddii ay guddiga u caddaato in uusan garsooruhu sii wadi karin xilkiisa, Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu garsooraha galinayaa howlgab caafimadkiisa awgii.
Dhisida Xafiiska Kormeerka Garsoorka waxa lagu soo saari doonaa xeerka nidaamka garsoorka.
Qodbka 143aad – Golaha Adeegga Garsoorka
1.
Waa inuu jiraa Gole Adeeg Garsoor oo Madaxbannaan xilkiisuna yahay hoggaaminta siyaasadda guud iyo maamul ee garsooka, sida magacaabidda, xil ka qaadista, anshax-marinta, kala badalidda, mushaarka iyo gunnada hawlgabka garsoorayaasha sida ku xusan sharciga. Shuruudaha hawlaha garsoorka waxaa
55
dejinaya Golaha Adeegga Garsoorka.
2.
Golaha Adeegga Garsoorka waa ka madaxbannaan yahay awooddaha sharcidejinta iyo fulintaba.
3.
Golaha Adeegga Garsoorku wuu u madax bannaan yahay miisaaniyaddiisa, waxayna u gudbinayaan miisaaniyaddooda Wasaaradda Maaliyadda iyaga ayaana maamulanaya jiyagoo raacaya sharciyada maaliyadda.
Qodobka 144aad – Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka
1. Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu ka koobanyahay:
(a) Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga;
(b) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare;
(c) Xeer-Ilaaliyaha Guud;
(d) Laba qof oo ay soo magacaabeen Ururka Qareenadu;
(e) Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha;
(f) Min hal qof oo ay soo magacaabeen baarlmaannada dowlad-goboleedyadu;
(g) Hal qof oo uu soo magacaabo Madaxweynuhu.
2. Gudoomiyaha waxaa iska dhex dooranaya xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka. Gudoomiyuhu wuxuu xilka haynayaa mudo shan sano ah waxaana loo cusbooneysiin karaa hal muddo xileed kale. Gudoomiyaha gudiga wuxuu iska wareejinayaa dhammaan waajibaadka ka baxsan howlaha Guddiga islamarka loo dhaariyo xilkaas. Qofka loo doorto gudoomiyaha wuxuu haynayaa mudo xileed oo dhameystiran
xataa haddii muddada xilka qofka la magacaabayo ay ka yartahay shan sano. Iyadoo aan loo eegin wixii muddo ah oo uga dhinnaa xilkiisi hore ee uu iska wareejiyey
Qodobka 145aad – Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud
1.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu ka mid yahay hay’adda Garsoorka ee Dalka.
2.
Golaha Adeegga Garsoorka ayaa u soo jeedinaya Golaha Wakiillada magacyada dadka u qalma in ay noqdaan Xeer-ilaaliyaha Guud si ay u ansixiyaan. Madaxweynaha ayaana xeer- madaxweyne ku magacaabaya.
3.
Xeer-ilaaliyaha guud waxaa shaqada looga qaadi karaa sababo iyo habraac lamid ah kuwa looga qaadayo garsooraha.
4.
Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu ilaalinayaa dhaqangelinta shuruucda dalka, wuxuuna taabbageliyaa talinta sharciga. Xilalkiisa iyo waajibaadkiisa waxa qeexaya xeerka nidaaminta garsoorka.
5.
Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu u xil saaran yahay dacwad oogista.
QAYBTA TOBNAAD – GUDDIYADA MADAXABANNAAN
56
Qodobka 146aad -
Mabaadi’da Guud
1.
Guddi Madaxabannaan waa hay’ad ka madax banaan xukuumadda ama xakamayn siyaasaded, karaanna u leh adeegsiga aqoontooda xirfadeed ee la xiriira hawlahooda u gaarka ah.
2. Guddi madaxabannaan marka uu ku jiro gudashada waajibaadkiisa
iyo hawlgalkiisa waa in ay ka muuqataa in uu ku shaqaynayo dareenka dhawrista xuquuqda aadanaha, dimuqoraaddiyad iyo shafaafiya. 3. Guddi madaxbannan marna ma hoos imanayo kamna amarqaadanyo qof ama hay’ad awood xukun leh midna.
4. Maaliyadda Guddiga madaxa banaan la siinayaa waxay ahaanaysaa madax gaar ah oo ka tirsan miisaaniyadda qaranka.
Qodobka 147aad -
Samayska Guddiyada Madaxabannaan
1.
Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, tirada xubnaha uu ka koobmayo Guddi madaxbannaani kama yaraan karto saddex kamana badan karto sagaal, kuwaas oo si joogto ah u shaqaynaya.
2.
Ugu yaraan boqolkiiba soddon xubnaha guddiyada qaranka waa inay haween ahaadaan.
Qodobka 148aad – Magacaabidda Guddiyada
Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro.
Qodobka 149aad – Shuruudaha Xubnaha Guddiyada Madaxabannaan
Qofka loo magacaabayo Guddi madax bannaan waa in uu buuxiyaa shurudaha soo socda:
(a) In uu leeyahay
ugu yaraan tacliin dugsi sare”
(b) In uu leeyahay akhlaaq iyo sumcad wanaagsan;
(c) In
Soomaaliya gudaheeda uu ka muujiyey hawlkarnimo heerarka sare ee adeegga dadweynaha; iyo,
(d)
inuu buuxiyo shuruud kasta oo kale oo uu dastuurka ama sharciga guddiga lagu dhisay tilmaamay.
Qodobka 150aad – Muddada Xilka
1.
Muddada haynta xilka ee xubinta guddigu waa shan sano, oo loo cusboonaysiin karo hal mar oo keliya.
2.
Xubin kasta oo ka istiqaaloonaysa xubinnimada guddiga waa inay qoraal ahaan ugu gudbiso Madaxweynaha.
Qodobka 151aad – Xil-ka-qaadis
1.
Xubin kasta oo ka mid ah Guddi madaxbannaan waxaa xilka looga qaadi karaa si waafaqsan qodobkan oo keliya.
57
2.
Xilkaqaadista waxay ku iman kartaa awood-darro dhimireed ama jireed, ama bixinta sir xafiiskeed ama dhaqanxumo kale oo culus, ama sabab la’aan uga maqanaado saddex kalfadhi oo isku xiga ama lagu helo dembi culus.
3.
Guddomiyaha Maxkamada Dastuurigu, hadduu ku qanco in ay jiraan sababo macquul ah, wuxuu magacaabayaa maxkamad gaar ah oo gorfeysa eedaha dhanka ka ah xubinta Guddiga. Haddii ay jirto xaalad la garwaaqsan karo in xubinta Gudigu ay awood-darro dhimireed ama jireed awgood u gudan karin xilkeeda, maxkamadda gaarka ah waa in uu ka mid noqdaa ugu yaraan hal xeeldheere caafimaad oo leh khibrad la xiriirta arrintaas.
4.
Haddii maxkamadda gaarka ahi ay uga warbixiso Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah in xubinta Guddi ay xilkeeda gudan karin ama lagu helay dembi-anshaxeed culus oo lagu mudan karo xilkaqaadis, Guddomiyaha Maxkamadda Dastuurigu wuxuu talo ka siinayaa Madaxweynaha in xilka laga qaabo xubinta Guddiga, Madaxweynuhuna waa in uu ka qaadaa xilka.
Qodobka 152aad – Waajibaadka Warbixn
Guddi kasta oo madax bannaani waa inuu warbixin sanadeed u soo bandhigayaa baarlamaanka Federaalka. Warbixinada guddiyadaasi waa in ay noqodaan kuwo dadweynuhu heli karaan oo ay fahmi karaan.
Qodobka 153aad – Ku-dhaqanka Qaybtan
1.
Qaybtan waxaa lagu dhaqayaa gudddiyada madaxa bannaan ee hoosta ku xusan iyo kuwa loo baahan yahay in lagu dhiso si dastuuri ah ilaa iyo inta uusan ka hor’imaaneyn qodobada Dastuurka : a) Guddiga Doorashooyinka iyo Xisbiyada siyaasadeed;
b) Guddiga Xuquuqda Aadanaha;
c) Guddiga shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda;
d) Golaha Adeegga Garsoorka.
2. Sharci ayaa lagu dhisayaa guddiyada soo socda, waxaana lagu dhaqayaa qodobbada cutubkaan:
a) Guddiga Xuduudaha iyo Tirokoobka;
b) Guddiga Xallinta Khilaafaadka dhulka iyo hantida.
3.
Guddi kasta oo madaxbannaan ee dhisiddisa loo baahdo waa in lagu dhisaa sharci, waana in loo raacaa lagu dhaqaa shuruudaha qaybtan.
Qodobka 154aad – Xafiisyada Madaxabannaan
1.
Qaybtan waxaa laguu dhaqayaa xafiisyada madaxa bannaan ee hoosta ku xusan ama kuwa loo baahan yahay in lagu dhiso si dastuuri ah ilaa iyo inta aysan ka hor’imaaneyn qodobbada dastuurka:
(a)
Garyaqaanka Guud ee dawladda;
(b)
Hantidhoorka Guud.
2.
Qaybtan waxaa lagu dhaqayaa xafiis kasta oo kale oo lagu dhisay sharci, laguna dhawaaqay in uu madax
58
bannaan yahay.
QAYBTA KOW IYO TOBNAAD – SHAQAALAHA RAYIDKA EE DAWLADDA
Qodobka 155aad – Qiyamka Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah
Shaqada rayidka ee heeraraka kala duwan ee xukuumadda waa amaano ummadda loogu adeego waana in ay ku saleeysnaataa qiyamka dastuurka, naxariis, daahfurnaan, u-adeegga bulshada iyo dhawrista ku kala dambeynta darajooyinka maamul, dhegonugayl, sirxajin asluub-wanaag shaqo, howlkarnimo waxa-ku-ool ah, mihnadyahannimo, dhawrista mabaadii’da caadaaladda, sinnaan iyo habka xilgudashada ugu habboon.
Qodobka 156aad – Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah
1.
Shaqaalaha rayidka ah laguma dhibaatayn karo gudashada hawlaha la xiriira xilkooda, lagama eryi karo shaqada, xilka lagama qaadi karo, derejo-dhimisna laguma samayn karo haddii aysan jirin sabab cad oo macquul ah, oo loo maray habraaca mabaadii’da caadaladda sharcigu tilmaamayo.
Qodobka 157aad – Magacaabista saraakiisha Darajooyinka sare
Hawlwadeennada iyo Saraakiisaha darajooyinka sare ee Dawladda uu sharcigu tilmaamo waxaa magacaabaya Madaxweynaha Jumhuuriyadda, ka dib markuu arko soo jeedinta wasiirka wasaaradda ay khuseyso iyo oggolaashaha Golaha Wasiirada.
QodOBKA 158aad – Hawlwadeennada iyo Shaqaalaha Dawladda
1. Hawlwadeennada iyo Shaqaalaha Dawladdu waxay xilkooda u gudanayaan si waafaqsan sharciga iyo danta guud oo keliya.
2. Hawlwadeennada iyo shaqaalaha Dawladdu kama mid noqon karaan hoggaamiyayaalka xisbiyada.
3. Waa in Sharci lagu xaddidaa qaybaha shaqaalaha Dawladda ee ka reebban in ay xubno ka noqdaan axsaab siyaasadeed iyo hawlaha aan la socon Karin xilalka ay hayaan.
4. Xaaladda qaanuun ee shaqaalaha Dawladda waxaa nidaaminaya sharciga.
5. Shaqada joogtada ah ee Dawladda, waxaa looga mid noqon karaa tartan furan oo keliya, marka laga reebo xaaladaha sharcigu tilmaamay.
Qodobka 159aad
(65) – Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah
1. Xukuumadda federaalka iyo dawlad-goboleedyadu waxay shaqaalasanayaan hawl-wadeennadooda.
59
2.
Gudigga Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Federaalku wuxuu dejinayaa mabaadi’da, xeerarka iyo shuruudaha shaqo-qorista iyo arrimaha kale ee khuseeya shaqada dawladda ee heer kasta.
3. Dawladda federaalka iyo maamul-goboleedyadu waxay iska kaashanayaan ka-wada-
faa’ideysiga hawl-wadeennada heerarka kala duwan, si loo xaqiijiyo khibradda iyo waayo’aragnimadu in ay noqdaan mid laga heli karo heer kasta oo looga baahan yahay, iyada oo taasna lagu horumarinaayo midnimada qaranka.
QAYBTA LABA IYO TOBNAAD – DAWLAD-GOBOLEEDYADA
Qodobka 160aad -
Hay’adaha Dawlad-Goboleedyada
Dhismaha laamaha sharcdejinta iyo fulinta ee maamulada dawlad-goboleedyadu waa arrimo lagu nidaaminayo Dastuurrada maamul-goboleedyada oo lagu ansixiyo si waafaqsan qaybtan
Qodobka 161aad -
Mabaadi’da Dastuurrada Dawlad-goboleedyada
1. Dastuurrada dawlad-goboleedyadu waa in ay waafaqaan Dastuurkan
Federaalka iyo mabaadi’diisa aasaasiga.
2. Dastuurrada dawlad-
goboleedyadu waa in ay raacaan mabaadi’da guud iyo qaabdhismeedka Dastuurka federaalka.
3. Dastuurrada dawlad-goboleedyada waa in ay xaqiijiyaan
dhawrita xuquuqda iyo badbaadinta dadka lag tira badan yahay.
Qodobka 162aad – Samaynta Dastuurrada Dawlad-goboleedyada
1.
Dawlad-goboleedyadu waa in ay kala tashadaan Dalwadda federaalka ah qorshaynta qaabka iyo habraaca samaynta dastuurradooda.
2.
Dawlad-goboleedyadu waa in ay u sameeyaan dastuurradooda si dimoqoraaddi ah oo ay dadweynuhuna si buuxda uga qayb-galayaan.
3.
Dastuuraka dawlad-goboleedda marka la ansixiyo kaddib waa in loo gudbiyo maxakamadda Dastuuriga si ay dib-u-eegis ugu samayso una hubiso in uu waafaqasan yahay Dastuurka Federalka, ayna ka mid yihiin mabaadi’da halkan kore ku xusan. Haddii Maxkamadda Dastuuriga ahi ay u sugnaato in uusan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka, waa in ay tilmaan sababaysan ka bixisaa sida loo waafajin karo. Dastuurka dawlad- goboleeddu ansax noqon maayo ilaa iyo inta Maxakamadda Dastuuriga ahi ay ka caddaynayso in uu yahay mid waafaqsan Dastuurka Federaalka.
Qodobka 163aad – Wax-ka-bedelidda Dastuurrada Dawlad-goboleedyada
Wax-ka-beddalidda Dastuurrada Dawlad-goboleedyada waa in lagu sameeyaa si dimoqoraaddi ah, iyadoo la
60
siinayo dadweynaha dawlad-goboleedda fursad
ballaaran oo ay uga qaybqaataan geeddisocodka wax-ka-beddalka dastuurka. Haddii dawlad-goboleed ay ku talajirto in ay wax ka bedasaho dastuurkeeda, waxay wargelinaysaa Dawladda Federaalka, waxayna Maxkamada Dastuuriga u gudbinaysaa qodobada dib-u- eegistooda la meelmariyey . Wax-ka-beddel kasta sharci ma noqonayo mana hirgalayo ilaa Maxkamadda Dastuuriga ahi ay caddayso in uu waafaqasan yahay Dastuurka Federaalka.
QAYBTA SADDEX IYO TABNAAD – MAALIYADDA GUUD
Qodobka 164aad -
Mabaadi’da Maaliyadda Guud
1. Mabaadi
’da asaasiga ah ee maamulka maaliyadda guud Jamhuuriyadda Soomaaliya ee waxaa ka mid ah:
(a) furfurnaan iyo is-laxisaabtan;
(b) caddaalad;
(c) la dgaallanka musuqa;
(d) horumarinta dalka iyo danta midnimada qaranka;
(e) ka dawrsashada baylihinta maaliyadda;
(f) isudhellitirnaanta Dawlad Gboleedyada
2. Dakhliga waa in loo wadaajiyo qaybha dalka si loo helo fursado horumrin oo siman.
Qodobka 165aad – Awoodaha Dakhli-ururinta
1. Dawladda federaalku waxa ay uruurin kartaa dakhliga ilaha leh saamayn Qaran ee ku carrifan jadwalka
……dastuurkan.
2. Xukuumadaha dawlad-goboleedyadu waxay dakhli ka uruurin karaan ilaha leh saamayn heeraka dawlad
goboleedka ee ku carrifan jadwalka …….ee dastuurkan.
3. Xukuumada federaalku sharci ayay ugu oggolaanaysaa xukuumadaha dawlad- goboleedyada iyo dawladaha hoose in ay uruuriyaan canshuuro ama dakhli kale sida uu qabo sharcigaan, laakiin waa in Dawladda Federaalku u celisaa dawlad-goboleedyada kharajka uga baxay ururinta dakhligaas.
4. Si loo dhiirri geliyo dakhli ururinta xukuumadaha dawlad Goboleedyada iyo dawladha hoose, dawladd federaalku waa u bannaantahay in ay u kala qoondayso dawlad goboleedyada iyo dawladha hoose dhammaan ama qayb ka mid ah dakhli ay iska leedahay dawladda federaalku hase yeeshee ay ururiyeen dawlad goboleedyadu ama dawladaha hoose.
5. Dawladda fedaraalka iyo xukuumadaha dawlad-goboleedyadu waa in ay si sharci ah ugu oggolaadaan dawladaha hoose in ay soo uruuriyaan, cashuuraha shatiyada suuqyada iyo dhismayaasha ayna u isticmaalaan horumarinta degaannada.
61
Qodobka 166aad – Canshuur-soo-rogidda
1. Ururinta cashuuraha waxaa lagu jidayn kara, wax lagaga beddeli karaa, lagu laali karaa, ama lagu burin karaa sharci uu ansixiyo Baarlammaanka Federaalka oo keliya, ama adeegsiga awood sharci dejin oo uu baarlammaanka federaalku u egmaday heerarka kale ee Dawladda,
2. Lama qaadi karo cashuur aan waafaqsanayn faqradda (1) ee qodobkan,
3. Sharciga canshuuraha waa in si siman loogu dhaqo dadka oo dhan,
4. Cashuur dhaaf waa reebbanyahay marka laga reebo kuwa lagu cayimo sharci baarlamaanka Federaalku ansixiyo. Cashuur dhaaf kasta oo la sameeyona waa in la ogeysiiyo Hantidhowrka Guud.
Qodobka 167aad – Noocyada Qaybinta Dakhliga Dawladda Federaalku Siiso Dawladaha Kale
1. Xukuumada federaalku awood ayay u leedahay in dakhliga ay ka uruurisay ilaha qaranka ay:
(a) ku fuliso waajibaadyadeed,
(b) u qaybiso dawlad-goboleedyada ama dawladaha hoose, ama
(c) Ka dhigto kayd qaran.
2. Faqradda labaad, ilaa dhammaadkeeda waxba lagama beddelin
3. Khilaafka kasta oo dhex mara dawladda federaalka iyo heerarka ka kale ee dawladda lana xariira kala qoondaynta dakhliga, marka hore waa in la isku dayo in sulux lagu dhammeeyo inta aan loo gudbin maxkamadda Dastuurka.
Qodobka168aad -
Mabaadi’da Hagaysa Qaybinta Lacagaha
1.
Ayada oo la tix-raacayo qodobka 144, Barlammaanka Federaalku waa inuu soo saaro sharci dakhliga dawladda federaalka ku xerooda si isudheellitiran loogu kala qoondeeyo heerarka kala geddisan ee dawladda.
2.
Ayada oo la raacayo faqradda (1) ee qodobkan, kala qoondaynta dakhliga ku xerooda dawladda Federaalka, waa in la tixgeliyo :
i.
(a…i) waxba lagama beddelin
Article 169 aad
– Amaahashada
1. Dawlad-goboleedyadu waxay amaahan karaan lacag marka ay dammaanad ka haystaan Xukuumada Federaalka,
2. Amah-qaadashada dawlad Goboleedyadu waa in aanay kala dhantaalin siyaasadda guud dhaqaalaha oo ay hagto dawladda Federallku iyo awoodda iska bixinta daymaha dibadaha laga amaahdo.
62
Qodobka 170aad – Qasnadda Guud
Dhammaan dakhliga ay soo ururiso Dawladda federaalka ama dawlad-goboleedyada waa in lagu shubaa sanduuq lagu dhisay sharci islamarkaana ay maamulaan hay’adaha dowladda ee u xilsaaran, looguna isticmaalo ujeedooyinka lagu ogolaaday sharciga. Dhammaan dakhliyada iyo kharashyada waa in loogu tallaabsado si daahfurna iyada oo la marayo habraaca miisaaniyadda guud.
Qodobka 171aad – Qaybinta iyo Qoondaynta Dakhliga
Hal-beegga u-qaybinta dakhliga federaalka dawlad-goboleedyada ee lagu xusay qodobka 147 waa in lagu saleeyaa Sharciga Qaybinta Sanadlaha ah ee Dakhliga Federaalka oo uu ansixiyey baarlamaanka federaalku.
Qodobka 172aad – Dibu-u-dhisidda iyo Horumarinta degaannada dib-u-dhacsan
1. Sharci gaar ah waa in lagu sameeyo Sanduuqa Dibudhisidda iyo Horumarinta Qaranka oo loogu tala galo horumarinayo degaannada colaaduhu sameeyeen iyo kuwa dhinaca dhaqaalaha ugu dibudhacsan Jamhuuriyada,
2. Sanduuqa Dibudhisidda iyo Horumarinta Qaranka waxaa maraynaya guddi ay xubnaha ka yihiin wakiillo degaannadaas iyo ugu yaran min hal xubin oo ka kala socda xukummadaha Dawlad Goboleedyada. Maareeyaha Sanduuqaas waxaa magacaabaya Golaha Xukuumadda.
3. Warbixin sannadle ah oo tafaasiil ka bixinaysa dakhliga iyo kharashka loo kala qoondeeyay mashaariicda sanduuqa Dibudhiska iyo Horumarinta Qaranka waa loo soo hordhigo Goalaha shacabka iyo Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedyada.
Qodobka 173aad – Miisaniyadda Sanadlaha ee Federaalka
1. Wassirka Maaliyadda waa in uu Barlammaanka Federaalka horgeeyo Miisaaniyadda Sanadlaha ee Xukuumadda Federaalka ugu yaraan ka hor laba bilood intuusan dhammaan sannad- maaliyadeedkii hore,
2. Miisaaniyadda sannadlaha waa in lagu ansixiyaa sharci uu soo saaro Baarlamaanka Federaalku.
Qodobka 174aad – Kharaj Gelidda Ka Hor Ansixinta Barlamaanka ee Miisaaniyad Sanadeedka
1. Haddii aan la ansixin miisaaniyadda bilawga sanad-maaliyadeedka, waxaa la sii isticmaali karaa lacag, iyada oo lagu salaynayo miisaaniyadda sanadkii tegey.
2. Miisaaniyaddii sannadki tegey laguma sii dhaqmi karo affar bilood ka badan, lamana khrashgaryn karo in
63
ka badan rubuc missaniyaddi sannadki tegey.
Qodobka 175aad – Kharajyada Lama-filaanka ah
1.
Haddii ay lagama-maarmaan noqoto in la daboolo baahi kharaj aan la fileyn ee miisaaniyadda federaalka, xukuumadda federaalka waa ay geli kartaa kharashkaas, xataa haddi aanu miisaaniyaddi la ansixiyay ku jirin madax u gaar ah kharashkaas,
2.
Xadka ugu sarreeya ee habkaan lagu kharaj-garayn karaa wuxuu u dhigmaa 10% miisaaniyadda la oggolaaday.
3.
Golaha Xukuumaddu waana in uu bil gudaheed baarlamaanka ku weydiistaa oggolaansho ,
4.
Barlamaanka Federaalku waa in uu muddo saddex bilood gudahood ku soo saaro sharci lagu oggolaanayo kharashkaas.
Qodobka 176aad – Xisaabaadka iyo Hanti-
dhawrka Hay’adaha Dawladda
Dhammaan xisaabaadka hay’adaha dawladda heer kastoo ay yihiinba waa in ay baarta hay’adda madaxa bannaan ee Hantidhawrka Guud.
Qodobka 177aad – Heshiisyada Badeecadaha iyo Adeegyada
1. Tallaba kasta oo dawladdu kuu iibsaneyso badeecado ama adeegyo waa in dadwenaha si daahfuran loogu bandhigo.
2. Habaraaca haydaha dawladdu ku iibsnayaan badeecado iyo adeegyo ayaa qeexaya marka ay lagama maarmaanka tahay in la maro habka qandraasyada.
Qodobka 178aad – Guddiga Maaliyadda
1. Sharci u gaar ah ayaa qeexaya dhisidda Guddi Maaliyadeed oo ka kooban hawlwadeenno laga kala magacaabay heerarka Dawladda Qaran iyo Dawlad Goboleedyada, 2. Sharciga dhisidda Guddiga maaliyaddu waa in uu tilmaan cad ka bixiyo: (a) tirada xubnaha guddiga, (b) Aqoonta iyo waaya aragnimada looga baahanyahay, (c) Muddada xilhaynta (d) Xilalka iyo Awoodaha guddiga (e) Mushaharooyinka iyo gunnooyinka 3. Guddiga maaliyadda waa in uu leeyahay karti iyo dhaqale uu ku samayn karo cilmibaaris iyo qiimayn codsiyada ay soo gudbiyaan dawlad goboleedyadu
4. Guddiga maaliyaddu wuxuu kala taliyaa Xukuumadda federaalka:
(a) Qaybta laga siinayo dawlad-goboleedyada canshuuraha laga soo uruuriyey heerka qaran;, iyo
(b) Sida dawlad-goboleedyadu u wadaagayaan qoondadaas;
5. Guddiga maaliyaddu waa in uu mar kasta dib-u-eegis ku sameeyo nidaamka dakhli- qaybinta, isla markaasna uu u soo jeediyo Dawladda federaalka talooyin lagu qaybinayo dakhliga muddo shan sano ah
64
markiiba. Sidoo kale, wuxuu qabanayaa hawlaha uu u xilsaaro sharcigu.
6.
Guddiga maaliyadda qaranku waa in uu tixgeliyaa mabaadi’da ku xusan qodobka 129. (tix raac qodobka mabaadiida guud ee qaybta guddiyada madaxabannaan)
Qodobka 179aad – Xafiiska Hanti-dhowraha Guud
1. Sharci Baarlammaanka Federaalku ansixyo ayaa xeerinaya habraaca loo marayo magacaabidda Hantidhowraha Guud kaaso ay thay inuu dammaana qaado madaxbannanida xaffiska
2.
Hantidhawraha guud waa in uu yahay qof aqoon iyo waayo’aragnimo u leh hawsha baaritaanka xisaabaadka
3. Xukuumadda Federaalku waxay xilka kaga qaado kartaa hantidhawraha Guud karti darro, daacad darro, xukun dembi waana in la mariyo baaritaan iyo dembiyada lagu oogayo oo la baahiyo.
4. Xafiiska hantidhawrku waa inuu baaritaan sanndle ah ku sameeyo x
isaabaadka heer walba ee hay’adaha dawladda.
5. Hantidhawraha guud waa in uu baarlamaanka warbixin u gudbiyaa sandkiiba mar
Qodobka 180aad – Bangiga Federaalka
1. Sharci baarlammaanka Federaalku ansixiyay ayaa lagu dhisiyaa Bangiga Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
2. Bangiga Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa masuul ka ah dejinta iyo hirgelinta siyaasadda maaliyadda bangiyada oo dhammina waxay u hoggaansmaaan xer-nidaamiyayaasha uu dhejiyo bangiga federaalka
3. xilaalka ugu mudan hawlaha Bangiga Federaalka jamhuuriyadda Soomaaliya waxa weeye:
(a) soo saaridda lacagta; (b) hubinta negaanshaha ascaarta; (c) negaanshaha herka sarrifka; iyo (d) nidaam bangi oo maangal ah. 4. Siyaasadda maaliyaddu waa inay ku tiirsanaato dhaq-dhaqaaqa suuqa ee a
an go’aanno maamul saldhig looga dhigin amah-bixinta; 5. Bangiga Federaalka ee jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu leeyahay awood madaxbannaan oo dhammaystiran oo uu ku guto siyaasadda lacagta.
Qodobka 181aad – Khayraadka Dalka
65
Mabaadi’da ilaalinta
khayraadka iyo qaybinta dakhliga ka soo xerooda ilaha khayraadkaas, kuwa dabiicigaa iyo kuwa kaleba waa: (a) In dadka degaanka la siiyo dhiiriggelin ay ku ilaaliyaan, kuna maamulaan kheyraadka dabiiciga ah si masuuliyadi ku jirto. (b) In xukuumadaha heer kastaa ay haystaan dhiiriggelin iyo dhaqaale lagu horumariyo, laguna fuliyo siyaasadaha maamulka kheyraadka aan la cusbooneysiin karin, iyo in sida ugu habboon looga fa’iideysto kheyraadkaas. (c) Bulshada qaybaheeda ka faa’ideysata kheyraadka dabiicga ah waa in loo xilsaaraa xannaanaynta, maaraynta iyo ka-faa’ideysiga kheyraadkaas.
Qodobka 182aad – Sharcidejinta Federaalka ee Arrimaha Maaliyadda
1. Sharci Baarlammaanka Federaalku ansixiyo ayaa qeexaya heykal maamul-maaliyadeed oo astaamihiisu ay ka mid yihiin:
(a) Habka loo soo bandhigo miisaaniyadda dawlad-goboleedda iyo Jadwalka habraaca miisaaniyad-samaynta dawlad-goboleedyada iyo degmooyinka kaasoo ay thay inuu ahaado mid daahfuran, la xissabtan leh, wax ku oolna ah.
(b) In dawladda Federaalku uu damaanad-qaad siisyo deymaha ay weydiistaan Dawlada dawlad-goboleedyada;
(c) Habraaca Dawladdu u marayso Qandaraasyada Guud;
(d)
Baarista xisaabaadka hay’adaha aan xukuumiga ahayn ee dawladda dhaqaale ka hela.
(e) Tallabooyinka guud e lagama maarmaanka u ah dhaqangelinta cutubkan
Qodobka 183aad
– Kaydka Qaranka
1.
Sharci uu ansixyo Baarlamaanka Federaalku waa in lagu dhiso hay’ad Qaran oo u adeegta kayd qaran ahaaan isla sharcigaasuna dejiyo hannaan sugan oo lagu hubin karo xalaalnimada dakhli xeraynta iyo kharash bixinta heer kasta ee hay’adha jamhuuriyadda. Isla sharcigaasu waa inuu ku salaysnaado nidaam xisaabtan adduun ahaan la tijaabiyay lana aqoonsanyahay oo leh halbeegyo la xariira kaydinta iyo khrajbixinta maaliyadda oo si iskumid uga dhaqangala meel wlaba oo jamhuuriyadda ka mid ah.
2.
Hay’adda Kaydka Qaranku waa inuu hubiyo u hoggaansanaanta mabada’a ku xusan farqadda (1), waaa inay ka joojiso xawilladaha lacageed qayb kasta oo dawladda ka mid ah oo xadgubyo culus geysata ama si isdabajoog ah u garab marta sharciga Kayda Qaranka.
QAYBTA AFFAR IYO TABNAAD – NABADDA IYO AMNIGA
Qodobka184aad – SUGGIDDA AMNIGA JAMHUURIYADDA
66
1.
Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo ammaanka qaranka ee Jamhuuriyada iyo bedbaadinta shacbigeeda, iyadoo la adeegsanaayo loo marayo adeegyada cidammada amniga oo ka koobma: ay ku jiraan
a) Ciidanka xoogga dalka,
b) nabasugidda
c) ciidanka booliska
d) ciidamada Asluubta
2.
Adeegysiga ciidamada amniga waxaa lagu suggaya sharciga loo dejiyey
3.
Ciidammada qalabka sida ee Jamhuuriyadda waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta gobannimada iyo madaxbannaanida Qaranka iyo difaaca midnimada dhuleed.
4.
Booliska Federaalka xilkiisu waa ilaalinta nolosha muwaaddiniinta iyo dadka kale ee deggan Jamhuuriyada. Waxaa kale oo uu ilaalinayaa ammaanka iyo nabadgelinta hantida muwaddiniinta iyo degganeyaasha.
Ciidanka booliska ee lagu abuuray sharciyada dawlad-goboleedyada xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida muwaaddiniinta iyo dhawrista xasilloonida iyo ammaanka degaannadooda iygoo kaligood ah ama kaashanaya ciidammada booliska
Qodobka 185aad
(164) – Mabaadi’id Ciidamada Amniga
1. Waa in ay Ciidammada
Amniga dhawraan mabaadi’da soo socota:
(a)
Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad;
(b)
Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga;
(c)
U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka;
(d)
Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan, iyo
(e)
Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed.
(f)
Xubnaha ciidanka waa in lagu tababara dhaqan gelinta Dasturkan, sharciyada dalka iyo heshiisyada caalamiga ee Jamhuriyada ay qeyb ka tahay
2.
Muwaadin kasta oo Soomali waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato jagooyinka iyo jaranjarooyinka darajo ee Ciidammada , iyadaoo aan la takooreyn, iyadoo la ilaalinaaya xuquuda haweenka.
Qodobka 186aad
(165) – Ku-tagrifalidda Awoodeed
Gaboodfallada xuquuqda aadanaha ee la tuhunsan yahay in ay xubno ka tirsan Ciidammada Amniga inay dad rayid ah ka galeen waa in dacwadooda lagu qaadaa Maxkamadaha rayidka ah, ,
67
Qodobka 187aad -
Hay’adda Garddonka (Ombudsman)
1.
Waa in la dhisaa Hay’adda Gardoonka (Ombudsman) ay dadweynuhu u geysan karaan cabashooyinkooda ku saabsan xadgudubyada xubno ka tirsan ciidammada ammaanku iyo maamulka dowladdu,
2.
Hay’adda Gardoonku waxay baaritaa iskeed u bilaabi kartaa haddii ay jiraan tuhummo la xariira xadugubyo ay ciidammadu u geysteen qof amd koox ka mid ah bulshada, haddii ay qanacdo inu jiro faldembiyeedna waxa ka oogi karta dacwad maxkamadda ku habboon
3.
Sharci gaar ah ayaa xaddiidi doona awoodaha iyo waajibaadka Hey’adda Gardoonka
Qodobka 188aad
(166) – Amarro Sharcidarro ah oo Cad
Xubnaha ka tirsan Ciidammada Qalabka Sidaa uma hogaansami karaan amar sharcidarro cad ah.
Qodobka 189aad
(167) – Kormeerka Rayidka ee Ciidammada Amniga
1.
Madaxweynuhu isaga oo fulinaya codsiga Ra’iisul-wasaaraha wuxuu magacaabayaa madaxda Ciidammada Amniga Qalabka Sida iyo Nabadsugidda.
2. Madaxweynaha ayaa oggolaanaya dagaal hubaysan oo lagu difaacayo Jamhuuriyadda, iyadoo la fulinayo waajibaad dawladnimo, waxaana ansixinayo Golaha Shacabka.
3.
Waa in ay jiraan Wasiiro ka tirsan Golaha Wasiirrada oo masuul ka ah arrimaha difaaca, amniga gudaha iyo nabadsuggida.
4. Guddi gaar ee ka tirsan Barlamaanka Federaalka ayaa u xilsaaran kormeeridda howlaha Ciidamada Amniga sida waafaqsan sharciyada loo dejiyey.
Hawlaha Ciidammada Qalabka Sida waxaa lagu samaynayaa kormeer rayid ah oo ay ku jiraan guddi gaar ah oo baarlamaan.
Qodobka 190aad
(163) – Waajibaadka iyo Kormeerka Xakameeynta Cidamadda Xoogga Dalka
1. Ciidammada Xoogga Dalka ee Jamhuuriyadda waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta gobannimada iyo madaxbannaanida Qaranka iyo difaaca midnimada dhuleed
2.
Ammaanka qaranka waxaa mabda’ asaasi u ah in dad rayid ah ay kormeeraan hawlaha ciidammada Xoogga Dalka
3. Ciidamada Xoogga Dalka
qalabka Sida ee qaranka ayaa ah ciidanka keliya ee sida sharciga ah uga jira Jamhuuriyada dhexdeeda, waxaana reeban maleeshiyaad hubaysan oo gaar loo leeyahay.
4. Ciidamada Xoogaa Dalka waxay ka howl galaan xuduudaaha dalka,waxaana ka reeban inay ka howl galaan
68
dalka gudahiisa haddii aysan jirin afooyin dabiici ah.
Qodobka 191aad – Waajibaaka Ciidanka Booliska Federaalka
1. Waajibaaka Ciidanka booliska Federaalka waxaa ka mid ah:
a) La dagaalanka dembiyada aabaabulan
b) Fal dembiyada isaga tallaba dowlad goboleedyada
c) La dagaalanka argigixisada
d) La dagaalanka burcad badeedka
e) Fal dembiyeedyada ka soo horjeeda danaha iyo amniga qaranka iyo hanaanka dasturkaan
2.
Sharci gaar ayaa qeexaya awoodaha iyo falgalka hey’adaha wardoonka oo ay ka mid yihiin qeybaha sirdoonka ee ciidamada amniga isagoo meel marinaaya adeegyada wardoonka
3. Waa in la dhisa xarun dhexe oo lagu uruuriyo wararka Booliska, isgaarsiinta iyo kaydinta xogaha Booliska Federalka iyo Dowlad Goboleedyada
Qodobka 192aad – Booliska Dowlad Goboleeydka
Ciidaamada Booliska ee Dowlad Goboleedyada waxaa lagu abuura sharci ka soo baxay sharci dejinta Dowlada Goboleedyada, waxayna keligood howl galaan ama kashaadaan Booliska Federaalka haddii loo bahdo, waajibaadkoodana waxaa ka mid:
a) Ilaalinta nafta iyo hantida dadka deggen Dowlad Goboleedka
b)
Xajinta nabadda iyo xasillonida deeganka
Qodobka 193 – Dhismaha iyo waajibaadka Ciidanka Nabadsuggidda
1. Ciidanka Nabadsuggidda wuxuu u xilsaaran yahay ilaalinta sirta qaranka, badbaadinta ilaha dhaqaale, xog-uruurinta dembiyada halista ku ah qaranimada, xuraanka, sirdoonka iyo ka hortagga fal dembiyeedyada.
2. Sharci gaar ayaa qeexaya dhismaha, awoodaha , tababarka ciidanka iyo misaniyada, qaabka adeegooda shaqo
3. Ciidanka Nabadsuggidda waxaa howlgalkooda xakameeynaaya Wasarradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga
Qodobka 194aad – Ciidanka Asluubta Federaalka
1. Ciidanka Asluubka Federaalka waxay lagu dhisayaa sharci gaar waxana howlahooda kormeeraya Wasaradda Garsoorka iyo Cadaaladda
2. Waajibaakooda waxaa ka mid:
(a)
Ilaalinta maxaabista xukuman iyo garsugayaasha
(b)
Xafiidada iyo dhaqan celinta maxaabista
69
(c)
Gacan ku haynta xabsiyada dalka
Qodobka 195aad – Cidanka Asluubta Dowlad Goboleedka
Ciidaanka Asluubta ee Dowlad Goboleedyada waxaa lagu abuurayaa sharci ka soo baxay sharci dejinta Dowlada Goboleedyada, waxayna keligood howl galaan ama kashaadaan Ciidanka Asluubta Federaalka haddii loo bahdo.
Qodobka 196aad – Guddiga Adeegga Ciidammada Amniga
1. Sharci gaar ah oo baarlammaanku ansixiyo qeexaya dhismaha Guddiga Adeegga Ciidammada Amniga oo xilalkiisu ka midyihiin:
(a) Maamulidda dhaqaalaha ciidammada Amnig,
(b) Habraaca tababarrada;
(c) Qorista iyo ruqsaynta;
(d) Mushaharooyinka, gunnoyinka iyo daryeelka kale
(e) Dallacaadda, abaalmarinta
(f) Hawlgabnimada
(g) habraaca ka qaybqaadasha
da hawlgallada nabadilaalinta iyo bani’aadamminnada caalamiga
2. sharciga ku xusan faqradda (1) ayaa qeexaya awoodaha, tirade iyo shuruudaha xubinnimada, iyo habraaca xilgudashada guddiga
Qodobka 197aad
(169) – Xaaladda Degdegga Ah
1. Xaaladda degdegga ah waxaa lagu dhawaaqi karaa oo keliya marka ay lagama-maarmaan noqoto in la xaliyo xaalad halis ah oo ka dhalatay dagaal, weerar, gedood, rabshado, masiibo Rabaani ah ama xaalad guud oo culus.
2. Xaalad degdeg ah waxaa lagu dhawaaqi karaa marka ay dhibaato saamayso dhammaan ama qayb ka mid ah dalka, waase in aysan ka badan inta loo baahan yahay in lagu xalliyo xaaladdaas.
3. Madaxweynuhu [Barlamaaniga, isagoo fulinaaya codsiga Golaha Wasiirada] wuxuu awood u leeyahay inuu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah, waxaana lagama-maarmaan ah in Golaha Shacbigu uu ka doodo, kuna oggolaado 21 maalmood gudahood laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqay. Marka Golaha Shacbigu arrinta ka doodayo waa inay ahaato mid dhegeysiga dadweynaha u furan, haddi aanay jirin wax ka reebaya.
4. Golaha Shacbigu wuxuu oggolaan karaa ama kordhin karaa xaaladda degdegga ah muddo aan ka badnayn saddex bilood markiiba. Haddii baarlamaanku oggolaan waayo kordhinta xaaladda degdegga ah waxaa istaagaya sii-socoshada xaaladda degdegga ah.
5. Ku-dhawaaqidda xaaladda
degdegga ahi waxay siinaysaa hay’adda fulinta awoodo gaar ah oo lagma-maarmaan u ah keliya xakamaynta xaaladaha.
6. Awoodaha lagu oggolaaday xaaladaha degdega ah waa in aysan ka mid ahayn in lagu xadgudbo xuquuqaha lagu sheegay Dastuurkan, haddii xadgudubkaasi uuna u ahayn lagama- maarmaan ujeeddooyinka
70
xakamaynta iyo xal-u-helidda xaaladda degdegga ah.
7. Ansaxnimada ku-dhawaaqidda xaaladda degdegga ah iyo habraacyada ku lugta leh waxaa looga hortegi karaa Maxkamadda.
Qodobka 198aad
(170) – Sharcidejinta Arrimaha Nabadda iyo Amniga
1.
Waa in la soo saaraa sharci federaal ah si loo xaqiijiyo hirgelinta cutubkan iyo dhawrista mabaadi’da Dastuurka, waana in si gaar ah:
(a) Loogu muujiyaa siyaasadda qaranka ee ka-hortagga argaggaxisannimada, burcad-badeedda iyo
tahriibinta sharcidarrada ah iyo dembiyada abaabulan, iyadoo loo dhisayo hay’ad gaar ah oo wax ka qabata khataraha gaarka ah;
(b) Loo nidaamiyaa qaabdhismeedka iyo xilalka booliska federaalka madaniga ah;
(c) loo nidaamiyaa xiriirrada u dhexeeya booliska madaniga ee federaalka iyo ciidammada booliska dawlad-goboleedyada, si loo xaqiijiyo iskaashi iyo wadashaqayn;
(d) loo caddeeyaa arrimaha la xiriira u-hoggaansamidda amarrada sharcidarrada ah;
(e) loo dhisaa, lana nidaamiyaa hawlaha guddiga baarlamanka ee u xilsaaran arrimaha Ciidammada Qalabka Sida;
(f) loo xaqiijiyo ka-qaybgalka rayidka ee kormeerka ciidamada booliska federaalka medaniga ah;
(g) Waa in ay jirto hay’ad ay dadweynuhu u geysan karaan cabashooyinkooda ku saabsan
xadgudubyada xubno ka tirsan ciidammada ammaanku ay u geystaan;
(g) In la mamnuuco maleeshiyooyinka sida gaarka ah loo leeyahay, iyo
(h) In la nidaamiyo shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay.
2. Sharci dawlad-goboleed waa in uu xaqiijiyaa nidaaminta booliska dawlad-goboleedyada heer u dhigma midka loo isticmaalay nidaaminta booliska ee federaalka, iyo in ay xaqiijiyaan inay nidaamintaasu
waafaqasan tahay mabaadi’da ku xusan cutubkan oo kormeerka rayidku uu ku jiro.
3.
Sharci federaal ayaa go’aaminaya xaaladaha degdegga ah iyo awoodaha gaarka ah ee loo baahan karo.
4. Sha
rci federaala ayaa go’aaminaaya xaaladaha maangalka ah ee lagu hayn karo qofka la soo xiro mudada xaaladda degdegga, sida loola dhaqmayo iyo magdhawga laga siinayo haddi dulmi lagula kaco.
5. Sharciga federaalku cudurdaar uma samayn karo, iyadoo marmarsiiyo laga dhigayo xaalad degdeg ah, in cid lagu helay xadgudub xuquuq.
