Dastuurka oo Qodobo Laga Badalay iyo Maamul Goboleedyo ka Xumaaday
Nuqulkan labaad oo aan weli la shaacin hase yeeshee la siiyey dhamaan masuuliyiinta dawlada KMG Soomaaliya, maamul goboleedyada, wasiirada xukuumadda iyo dad aad ugu dhowba ayaa shaaca ka qaadaya in madaxda maamul goboleedyada dalka loogu yeeri doono “gudoomiyaal gobol” halkii laga dhihi jiray ‘madaxweyne’.
Sida ku cad qodobka 67aad (faqradiisa 1aad) ee nuqulka labaad ee dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya waxaa dhamaan madaxda maamul goboleedyada dalka loogu yeerayaa magaca “Guddoomiyayaalka dawlad goboleedyada” halkii markii hore madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya loogu yeeri jiray “madaxweynayaal”.
Wariye weydiiyey masuul ka tirsan guddiga khubarada ee dastuurka ayaa yiri “Caadi ahaan masuulka hogaamiya dawlad heer gobol waa gudoomiye, ee ma ahan madaxweyne waayo madaxweynuhu waa kan QARANKA”.
Masuulkaasi oo aan rabin in la magacaabo wuxuu kaloo sheegay in habka federaalka wadamada ku dhaqma xitaa aysan dhihin madaxweyne, tusaale ahaan Mareykanka oo ka kooban dawlado heer gobol ‘states’ looguma yeero “madaxweyne ama president” ee waxaa loogu yeeraa “gudoomiye gobol ama governor”.
Arinta Somaliland
Sida masuuliyiinta wasaaradda dastuurka iyo guddiga madaxa bannaan ee dastuurkaba ay xaqiijiyeen illaa hadda maamulka Somaliland waxay DKMG ah u aqoonsan tahay “maamul goboleed” sida kan Puntland, Galmudug iyo kuwa kale ee dalka ka jira, sidaay Raxanreeb ka soo xigatay sarkaalka ka tirsanguddiga dastuurka.
“Goosashada Somaliland marnaba ma ahan wax Soomaali u dhan tahay, kumana jirto waxyaabaha hadda inoo furan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Dadka heysta baasaboorada ajnabi
Qodob dood badan ay weli ka taagan tahay oo lagu soo daray dastuurka cusub ayaa ah qodobka 113aad (faqradiisa 2aad) oo sheegaysa in musharaxa madaxweynaha kanoqonaya Soomaaliya uusan heysan karin dhalasho wadan kale, haddii uu heystana waa in uu ku buriyaa mudo lix (6) bilood ah ka hor waqtiga doorashada.
Arintan waxaa dadkii ka qeyliyey ka mid ah madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo warqad uu soo qoray toddobaadkan ku dalbaday in laga saaro shuruudaasi dastuurka cusub, waxaana saraakiisha guddiga dastuurka oo aan weydiinay ay noo xaqiijiyeen inay jiraan dad badan oo qurbe joogto ugu horeyso oo qodobkaasi ka qeylinaya, mana cadda in la bedeli doono iyo in kale walow ansixinta dastuurka ay weli harsan tahay.
xigasho RBC