Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso:-Cadaado oo La Geynayo Ciidamo Amisom Ah

gobolada-dhexe2

Gudiga maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa maanta sharaxay qorshaha shirka oo maalmahan dardar cusub galay kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu codsaday in laso dadajiyo.

Maryan Cabdi Geedi oo ka mid ah gudiga Ayaa sheegtey in gudiga qorshahoodii hore uusan waxbo iska badalin, iyada oo beenisey warar sheegayay in madasha shirka laga badalay degmada Cadaado.

“Waxaan sugeynaa sugista amniga madasha shirka, marka ciidamo AMISOM la geeyo ayaan hawsha bilaabaynaa” ayay tiri Maryan.

Mar ay ka hadashay dhaliilo la sheegey in laga qabo xagga ergooyinka, ayay sheegtey in aanan wax dhaliil ah laga qabi karin maadaamaa aysanba jirin wax qoondeyn ah oo ay ka sameeyaan Xaga ergooyinka, waxay intaasi ku dartay in hawsha ergooyinka qeybsigooda ay wali socoto.

Maalmahan waxaa socdey dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo loogu jiro dhismaha maamulka Gobolada dhexe, iyadoo tanina waxa ay ka dambeysey markii madaxweynaha uu dhawaan codsaday in lasoo afjaro hawsha maamul u samaynta Gobolada Mudug iyo Galguduud.

Waxaa jirey musharixiin kala duwan oo ku dhawaaqayay in ay u sharaxanyihiin madaxweynenimada maamulka Gobolada dhexe iyo xaflado lagu taageerayo musharixiintaasi oo dalka ka dhacayay.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news