Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso:-Dhalinyaro Reer Galmudug Ah oo Kuxiran Xabsiga Garoowe iyo Dhibaatooyin Nololeed oo Haysta

Dhalinyaro Reer Galmudug Ah oo Tiro Ahaan Gaaraya ilaa 16 Ruux Ayaa Mudo Sanado Ah Si Bilaa Maxkamad Ah Waxay Ku Xiran Yihiin Xabsi Kuyaala Magaalada Garoowe ee Xaruunta Puntland.

 

 

Dhalinyaradan oo Ku Xirnaa Jaziirada Seacheles Ayaa Loosoo Wareejiyay Somalia Si Loogu Maxkamadeeya Waxaana Lagasoo Dajiyay Dekada Boosaaso iyadoo Xabsiga Garoowana Lagu Xareeyay.

 

 

Mudo Sanado Ah Ayee Kuxiran Yihiin Xabsiga Garoowe iyadoona Aan Maxkamad Lasoo Taagin,Waxaana Qaarka Mid Ah Dhalintan oo La Hadashay idaacada Codkamudug ee Gaalkacyo Ay Sheegeen in Noloshoodu Ay Aad Uliidato Xiligan.

 

 

Waxaa Aad u Adkaa inay Warbaahinta La Hadlaan Ayaga oo Markasta La Kulma Jirdil Joogta Ah Sida Ay inoo Sheegeen Waxaana Waraysiga Aan La Yeelanay uu Kaga Hadlay Sababaha Sanado Badan Si Bilaa Maxkamad Ah Ugu Xiran Yihiin Xabsiga Garoowe iyo Dhibaatooyinka Nololeed ee Haysta Dhalinyaradaan.

 

 

Madaxda iyo Shacabka Galmudug Ayee ugu Baaqeen inay Arintooda Galaan oo Ay Ku Dadaalan Sidii Dhalintan Ay Xoriyadooda u Heli lahaayen Si ay Dib uugala Midoobaan Qoysaskooda

 

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Waraysiga oo Wariyaheena Safiino Daahir Shire Ay La Yeelatay

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news