Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso Diyaarado Dagaal Oo Dul Heehaabaya Deegaanka Jeexdin Ee Bariga Gaalkacyo Iyo Cabsi Shacabka Soo Wajahday

Wararka naga soo gaaraya deegaanka jeexdin ee bariga gobalka mudug ayaa kusoo waramaya in halkaasi lagu arkay diyaarada dagaal oo ku duulaya jawi hoose

Diyaaradahaan oo aan la aqoonsan dalka laga leeyahay iyo ujeedka ay u socdaan ayaa waxa ay cabsi xoogan ku beereen dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanka jeexdin iyo deegaanada hoostaga sida cali waal qarqoora bitaale iyo sarjimaale oo ay diyaaradahaasi dhamaantood dul mareen

Qaar ka mid ah dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool deegaanka jeexdin ee bariga gaalkacyo oo la hadlay idaacada codkamudug ee magaalada gaalkacyo ayaa sheegay in ay soo food saartay cabsi xoogan ayagoo baaq u diray dawlad gobaleedka galmudug

Deegaanka jeexdin ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016kii waxaa ka dhacday duqayn diyaaradeed oo loo gaystay ciidamo ka tirsan galmudug walow duqayntaasi ay markii dambe raali galin ka bixisay dawlada maraykanka oo diyaaradaheedu duqayntaasi fuliyeen

Hoos Ka Dhagayso Codka

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news