Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso:- Faahfaahin_ Mudo Kadib Dekedii Hobyo Oo Dib Loo Furey Iyo Doon Ku Soo Xirtay

dekad

Dekeda Magaalada Hobyo Oo aan Mudo Dheer Shaqayn ayaa Maanta Waxaa Ku soo Xirtay Dooni Waday Bagaash Kala duwan Taa oo Lagu Magacaabo SABIR PIYA 1418 waxayna Doonidani u rarantahay Ganacsato Reer Galmudug Ah.

Shariif Wadaad Cadde Gudoomiyaha Gudiga ganacsatada Galmudug Ee Degmada Hobyo ayaa Sheegay in ay Doonidani Bilow u tahay Qorshe ay Ganacsatada Galmudug Ku Doonayaan in ay Dib ugu howl galiyaan Dekeda Hobyo,Wuxuuna Xusay in ay Jiraan Doonyo Ganacsi Oo kale kuwaa oo Iyaguna Dhawaan Soo Gaari Doona Hobyo.

Waxaana Hada Doonta Amaankeeda La wareegay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Galmudug kuwaa oo Sugaya Dhamaan Amaanka Xeebta Iyo Doonta Shinada Ay Wado, Waxayna Ciidamadani Badankod Tababar Heer Caalami Ah Ku Soo Qaateen Dalka Dibadiisa.

Si kastaba Imaatinka Doonidan oo Lagu Magacaabo SABIR PIYA 1418 Ee Maanta Soo gaartay Magaalada Hobyo ayaa waxaa Si weyn u Soo Dhaweeyay Dhamaan Shacabka Galmudug Iyo Ganacsatada Iyagoo Talaabadan ku Tilmaamay Horumar U Soo Kordhay Dhamaan Dadka Dega Gobolada Dhexe ee Dalka.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news