Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso: Galmudug iyo Ximan Iyo Xeeb oo Muqdisho Kulan Kuyeeshay

sssss

Afhayeenka maamulka Ximan Iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji  ayaa ka war bixiyay fadhi ay mas’uuliyiin ka socotay Galmudug Iyo Ximan Iyo Xeeb ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Afhayeenka waxa uu sheegay in ay in kulanka ay uga hadlaayeen sidii loo soo gaba gabeen lahaa wada tashiyada Maamulada  kaga aadan maamulka Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Afhayeenka waxa uu intaasi hadalkiisa ku daray in labada maamul ee Galmudug iyo Ximan Iyo Xeeb in Maal mihii ugu dambeeyey ay wadeen sidii loo soo dhisi lahaa maamulka Gobolada dhexe waxana uu shaaca ka qaaday in mar dhow uu shirka maamul u sameynta ka furmi doono magaalada Cadaado.

Dhinaca kale afhayeenka waxa uu xusay in ay labada maamul isla garteen in aysan dib u soo laaban Dagaalada Beelaha dega Gobola dhexe ku Dhex mara Galgaduud.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news