Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso: Madaxweyne C/Qeybdiid: Dagaalka Guriceel Waa Ayaan daro”

9

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Oo Maanta Saxaafada Kula Hadlay Magaalada Gaalkacyo Ee Xaruunta Galmudug Ayaa Uugu Baaqay Dhinacyada isku Haya Degmada Guriceel inay Joojiyaan Dagaalka islamarkaana Wax Walba Ay Wada Hadal Ku Dhameeyaan.

Madaxweynaha Galmudug Ayaa Sheegay in Xiligaan Gobolada Dhexe Ay Ku Hawlan Yihiin Maamul Ay Ku Midaysan Yihiin islamarkaan Aan Loo Baahnayn Dagaal Ay Ka Dambeeyaan Siyaasiyiin.

Si Kastaba Baaqa Kasoo Yeeray Madaxweynaha Galmudug Ayaa Wuxuu imaanayaa iyadoo Maalintii Shalay Degmada Guriceel Ay Ku Dagaalameen Koox la Sheegay in ay ka Goosteen Ahlu-sunna iyo Ciidamo Ka Tirsan Dowlada Somalia,Waxaan inta La Ogyahay Dagaalkaasi Ku Dhintay 15 qof

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka Madaxweynaha Galmudug

XAFIISKA WARARKA RADIO CODKAMUDUG

W/Q: Hanad Abdi Faarah

Email: Hanadnasta@gmail.com

Tell:+252907603456

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news