Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso:-Maamulka Gobalka Mudug Dhanka Puntland Oo Ka Hadlay Qaraxyo Waqooyiga Gaalkacyo kadhacay

Axmed muuse nuur

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Ee Maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur oo Saxaafadda kula hadlay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Ayaa Ka Hadlay Qaraxyada Maalmahan Dambe ka Dhacayay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,Waxaana Uu Sheegay Masuulkan in Ciidamada Maamulka Puntland Ay Wadaan Hawlgalo Ay Ku Baadi Goobayaan Cida Ka Dambaysa Qaraxyada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

‘’Booliska waa shaqaynayaan,waana dhamaan la’dahay,waana aragnaa in qaraxyadu ay dhowaanahan nagu soo bateen waxaana diyaar u nahay innaan wax ka qanbano’’Ayuu yiri Axmed Muuse Nuur

Saxaafadda Waqooyiga Gaalkacyo Ayaa waydiisay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Ee Maamulka Puntland falalka amniga Liddiga ku ah gacanta ay ku lahaan karaan Galmudug  Waxa Uuna Yiri‘’Annigu oran maayo Galmudug ayaa na qarxisay oo Argagixiso nalaysay noso  dirtay,Siyaasada,xiisad iyo tuhun kasta ha jiree’’.

Si Kastaba Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Ayaa Mudooyinka  Dambe Waxaa Ka Dhacayay Qaraxyo Lala Beegsanayo Masuuliyiinta Waqooyiga iyo Dad Ajnabi Ah oo Waqooyiga Kusugan iyadoo Wali Aysan Jirin Cid Ay Usoo Qabteen Ciidamada Puntland Qaraxyada Kusoo Kordhay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka

XAFIISKA WARARKA-RADIOCODKAMUDUG

WQ: Hanad Abdi Faarah

Nagalasoo Xiriir

Codkamudugfm@gmail.com Ama

Hanadnasta@gmail.com Ama

Tell:+252907603456

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news