Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso Shir Jaraa’id Galmudug Oo Sheegtay In Ciidanka Puntland Ay Kusoo Duuleen Xoolo Dhaqatada Reer Galmudug Ee Bariga Gobalka Mudug

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee dawlad gobaleedka Galmudug Axmed Shire Qoodaar oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa si kulul uga hadlay xiisada kasoo cusboonaatay bariga gobalka mudug.

 

 

Qoodaar ayaa sheegay in ciidanka puntland ay weerar ku qaadeen xoolo dhaqato reer galmudug ah oo ku sugnaa inta u dhaxaysa deegaanada xanan godadeed iyo jeexdin ee bariga gobalka mudug halkaasna ay ku dileen hal ruux xoolo fara badana ay ku dheceen ciidanka puntland.

 

 

Waxa uu sheegay in weerarkaas loo adeegsaday laba Gaari oo kuwa dagaalka ah ee loo yaqaano Cabdi Bilaha ah taasina ay tahay dhibaato Culus.

 

 

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in tani ay dhaawaceyso heshiiskii la gaaray 9, Bishii la soo dhaafay ee Jun kaas oo  loo fadhiyay mudadii u dhaxeysay 9/6/201 ilaa 29 Bishaas sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Shirka Jaraaid

 

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news