Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso::Colaad Beleed Kasoo Cusbonaatay Degmoyinka Gacnafale iyo Dameeraale Ee Gobolka Mudug iyo Baaqyo Loo Jeediyay

dagaaaaaaaaaaaal
inta La Xaqiijiyay 2 qof Ayaa ku Dhintay 4 Kalana Way Ku Dhaawacmeen Dagaal Beleed Ka Dhacay Degaano Hoosyimaada Degmooyinka Gacanfale iyo Dameeraale oo Dhanka Bari Kaga Beegan Magaalada Gaalkayo Ee Xaruunta Galmudug.

Dagaalkan Ayaa Dhexmaray Labo Belood Oo Kasoo Kala Jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland ,Waxaase jirin Cid Si Rasmi Ah udhex Gashay Beelahan Maadaama Dirirtan Ay Sanadihii Uugu Dambeeyay Kusoo Laa Laabatay Degmooyinkaasi.Hasa,ahaate Waxaa jira Dadaalo Hada Ay Wadaan Waxgaradka Gobolka Mudug oo Ku Aadan Sidii Colaadaasi Loosoo Afjari Lahaa.

Waxgaradka Gobolka Mudug Ee Galmudug Ayaa Dalbaday in La Joojiyo Colaada Kasoo Cusboonaatay Deegaanada Bari Ee Gobolka Mudug Taasi oo Udhaxaysa Xoolo Dhaqato Kasoo Kala Jeeda Galmudug iyo Puntland.

Nabadoon Maxamed Axmed Cumar oo Ka Mid Ah Waxgaradka Galmudug Waxa Uu Sheegay inay Ka Xun yihiin Dhacdadii Uugu Dambeesay

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Warbixin Aan Diyaarinay

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news