Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso:::Cudurka Jadeecada Oo Ka Dilaacay Deegaano Ka Tirsan Galmudug

Wasiirka galmudug

Wasiirka Caafimaadka Ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Shariif oo Wareysi Gaar Ah Siiyay Shabakada Wararka Codkamudug  ayaa sheegay in deegaano dhowr ah  oo Ka Tirsan Galmudug uu ka Dilaacay Cudurka Jadeecada.

Wasiirka Waxa uu Ku Sheegay Deegaanada Uuka Dilaacay Cudurkan inay Ka Mid Yihiin  Gaalkacyo, Hobyo, Bandiiradley iyo deegaano kale, isaga oo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee dhanka caafimaadka u diray baaq ku aadan wax ka qabashada cudurkaan.

“Waxaa ugu badan magaalada Gaalkacyo oo 80% bukaanka la helay ahaa, hobyo waxbaa laga sheegay, laakiinse meelaha ugu badan waa Gaalkacyo iyo Bandiiradley, waxaana rajeynaynaa intii laga gaari karo laga gaaro, waxaan kale oo codsi u dirayaa in ay nagala qeyb qaataan hay’addaha UN-ka sida WHO iyo UNICEF ololaha arintaan aan ku wajahayno, waxaana rajeynaynaa in kaalintooda ay nagala qaataan” ayuu yiri Wasiirka caafimaadka Dowlada Galmudug.

Sidoo Kale Wasiirka Ayaa Ka Hadlay Safar Uuku Tagay Magaalada Muqdisho Halkaasi oo Uu Kulasoo Kulmay Hay,ado Qaabilsan Caafimaadka iyo Madax Ka Tirsan Dowlada Somalia

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Wariyaheena Hanad Abdi Faarah Ayaa Wareestay Wasiirka Caafimaadka Galmudug

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news