Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso::Galmudug Oo Digniin u Dirtay Darwalada Gaadiidka Iyo Shacabka Gaalkacyo

GALMUDUG

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saaray digniin kama dambeys ah oo ku wajahan shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale darawalada gaadiidka kaxeeya.

Digniintaan ayaa Waxaa si wadajir ah Usoo Saaray maamulka degmada Gaalkacyo iyo Taliska Qeybta Booliiska Galmudug, waxaana ay ku wajahan tahay waxyeelo loo geystay qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Gaalkacyo oo dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay.

Duqa degmada Gaalkacyo Bile Diini Cali Waxa uu sheegay in shaqsigii lagu arkaa isaga oo wadada dhexdeeda Kursi dhex dhigta ama sidoo kale la arko gaadiidka habeenkii wadooyinka hareeraheeda la dhigo in talaab adag laga qaadi doono.

Cid walba oo ku xadgudubta sharcigaan ayuu sheegay in laga qaadi doono talaabo adag, Gaadiidka wadooyinka lagu damiyana waxa uu sheegay Gudoomiyaha in la jiidi doono lana geynayo saldhiga Booliiska.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka

Hadaladaan digniinta ah ayaa imaanaya xilli wadooyinka magaalada Gaalkacyo lagu sameeyay dayactir aad u xoogan, waxaana jirta waxyeelo wadooyinka la dhisay ay gaarsiiyeen qaar ka mid ah gaadiidka magaalada oo shacabka ay wataan.

XAFIISKA WARARKA RADIO CODKAMUDUG

Nagalasoo Xiriir 

Codkamudugfm@gmail.com Ama

Hanadnasta@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news