Dahabshiil-Gif
 
|

Dhagayso:Galmudug oo Dowlada Somalia Ku Dhaliishay Hagar daamaynta Shirka Maamul Usameenta Gobolada Dhexe

Topnews

Dowlad Goboleedka Galmudug Ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya in Hagardaamo ay ku wado shirka la doonayo in Maamul loogu sameeyo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Wasiirka Dekadaha iyo Kheyraadka Badda ee Galmudug Cabdiqaadir Cali Jaamac Qalabxoor ayaa sheegay in xilligaan meel wanaagsan ay marayso hanaanka la doonayo in lagu qabto shirka maamulka loogu dhisayo gobalada Mudug iyo Galgaduud, hase ahaatee ay jirto caqabado badan oo dhanka dowladda ah.

Waxa uu tilmaamay in xilligaan dowladda ay waday sidii ay ku marin habaabin lahayd shirkaasi, hase ahaatee hadda laga soo gudbay waxyaabo badan oo taagnaa waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Haardaamo badan ayaa jirtay ha ahaato dowladda Federaalka, AMISOM ama dad kale, laakiinse hadda 25-ka bishaan inuu shirka furmo ayaan rajo ka qabnaa, waxaan ku boorinayaa shacabka in aysan dheg jalaq u siin war walba oo niyad jab u keeni kara, islamarkaana ay u dhabar adeegaan sidii ay maamulkooda ku dhisan lahaayeen” ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in madaxda dalka qaarkood ay daneynayaan in gobalada dhexe ay kasoo galaan hiigsiga cusub, ayna ku yeeshaan dad iyaga matala waa sida uu hadalka u sheegay wasiirka.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codka

You must be logged in to post a comment Login

www.codkamudug.com | Somalia news, Kenya news, Uganda news, ethiopia news, Galmudug news, somaliland news, Puntland news